Hoggaamintii, hab-dhaqankii iyo hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q.2aad (WQ: Fu’aad Cabdillahi Xasan)

 

Aftahanimada oo ka mid ah sifooyinka hogaaminta AHUN M.X.I Cigaal hibo ayuu u lahaa, hadaladiisu waxay ku salaysnaayeen xeeldheeri reeba dareen, Hadaladiisa ama khudbadihiisu way gilgilayeen cidii dhagaysanaysa, wuxu si waafi ah u taaban jiray waaqica ama tagtada uu ka hadlayo isagoo abaaraya barta ugu haboon ee qof kastaa fahmi karo, Marwo kaltuun oo xaasaskiisi ka mid ahayd oo sifaynaysa hadal cad-cadaantiisii iyo run sheegnimadiisii  ayaa tidhi “Waxa uu ahaa Nin hadallo cad-cad oo aan runta qofka kala gabban jirin

AHUN M.X.I Cigaal wuxuu ahaa garyaqaan aqoon durugsan u leh qancinta binu aadamka oo dareensan nuxnuxda iyo tabashooyinka shacabka, wuu garaabi jiray oo qiri jiray dhaliilaha xukumadiisa iyo shaqsiyadiisaba, wuxuu la qosli jiray lana sheekaysan jiray shacabka noocyadisa kala duwan Prof Maxamed Siciid Gees oo ka faaloonaya habdhaqankiisii ayaa yidhi “Cigaal waxaa uu ahaa nin aad ugu xeeldheer hasaawaha iyo bulshaawi oo cid walba dhaqankooda aad uga dheregsanaa Soomaali iyo Ajanebi marna laguma qaloon jirin agtiisa isagoo deeqsiin jiray  dadka hadalkiisa”

Cigaal waxa uu ahaa Indheer garad, meel dheer wax ka arki karay, Mustaqbalkana si qotodheer u eegi jiray, Qoraa Aden Muuse Jibriil oo  sifeeyay Cigaal heerkiisii indheergaradnimo ayaa yidhi Dhab ahaantii, waa sidaan u arko anigu’e, Cigaal wuxuu ahaa Indheer-garad sidiisa u taagan ama‘Intellectual’

Hibooyinkii,  habdhaqankii  Cigaal mar kale oo ay ka hadashay  Marwo kaltuun Xaaji Daahir ahayd xaaskiisii ugu danbeeyay ayaa tidhi “Wuxu ahaa qof xagga diinta ku dhaw, waxa kale oo uu ahaa qof abwaan ah, gabayadana aad buu u qaban jiray, una gabyi jiray, wuxuu ahaa qoraa had iyo jeer wax qora. Dadka waaweyn ayuu aad u ixitiraami jiray, sida madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo dadka kale ee waaweyn. Hobigiisa ugu weyni wuxuu ahaa wax akhriska, wax qorista iyo filimada oo uu aad u jeclaa, kutubta uu akhrisan jiray waxay u badnaayeen kuwo siyaasadeed iyo kuwo taariikh ah”.

“Anigu waxaan ka mid ahaa ARDAYDII Marxuum Cigaal, wuxu macalin iigu ahaa siyaasada, waxa uu ahaa macalin fiican oo aan ka aflaxay” sida waxaa yidhi  Cali Maxamed Warancade oo ah siyaasi lasoo shaqeeyay xukumadihii Somaliland ee k la danbeeyay,  Warancade inuu ka aflaxay, waxna kaga dayday hogaamintii iyo Siyaasadii Cigaal waxaa tusaale inoogu filan July,2013 wuxu 20 Gaadhi nooca gargaarka degdega ee loo yaqaan 999 ku wareejiyay taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland  isagoo hantidiisa gaarka ah  ka bixiyay kharashka gawaadhida lagu soo iibiyay sida ay xustay saxaafada dalku.

Raga kale ee qiray in Marxuum Cigaal uu tusaale iyo macalinba u ahaa ee fagaarayaasha ka sheegay waxaa isna ka mid ah Wasiirkii wasaarada kaluumaysiga Xukuumadii Cigaal, Axmed Husein Omane waxanu yidhi “ Cigaal waxaan lasoo shaqeeyay sagaal sano sagaalkaa sano oo nin adag mooyaane nin kale aanu ka bixi karayn oo aanay jirin haykal dawladnimo, waxaanu suurto galiyay inaynu soo gaadhno halkaa aynu manta joogno, macalin baanu noo ahaa anaga waanu naga aragti horeeyay”

La soco

Halkan hoose ka akhriso qormadii koowaad:

Hoggaamintii, hab-dhaqankii iyo hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q1aad

 Fu’aad Cabdilaahi Xasan

 

Fuaad_phy@hotmail.com

Qalinmaal.blogspot.com

Hargeisa, Somaliland