Waxaa liibaan & guul u sugnaatay, Ciddii aaminta kitaabka Furqaan Sidoo kale, Rumeeysa Nabbi Maxamed NNKHA inuu yahay rasuulkii ugu dambeeyay ee Alle soo diray, soo na gaadhsiiyay diinta raxmadda (Diinta Islaamka), kuna camal fashay qiraalka balan qaad kooda. Islaamku waa diinta xaqqa ah, tasoo Alle aanu ka aqbalaynin ruux diin kale la yimaadda Nabbi Maxamed dabadiis, Allaah wuxuu ka yeelay islaamka diin raxmadeed oo aan dhib ku ahaayn qofkii fulinaaya, culeys iyo dhibaato aan lahayn. Alle kuma waajib yeelin afcaal ku keeni kartaa dhib nololeed & mid dhaqan, qofkii sida toos ah u qaatay raxmadaas, sdoo kale kumuu kalifin Alle waxaanay awoodin adoomihiisu, Fulinta Addeecis Alle & raacista nabbi Muxamed NNKHA kaagama baaxaayso mood & maal toona, ee waxaad iska gudaaysa hadba wixii kugu waajiba awood ahaan, waana diin waajibinay sa in Alle lagu kali yeelo cibaada-diisa. Alle ayaa cadaalad oo dhan u ah dhex-dhexaad, mid xukun & mid dhaqan, waxaana dad ka Islaamka looga baahan yahay caqiidooyin ka iyo akhlaaq-da wanaagsan oo loo riyaaqo marka dad ka kale arkaan madaama dhaqan ka Islaamku yahay kan lagu dayanaayo. Diinta Islaamku waxaay Raxmad u tahay dadka islaamka ee aamin-san & dadka kale ee aan haaysan labadaba.
“Dadka Islaamka ah guud ahaan waxaay leeyihiin rukumo ama tiirar leh adkaaysi Nololeed, mid Cibaado, dhaqan Aklaaq, waxaa ugu horeeya Rukumada Islaamka (Shanta tiir ee Islaamka: Qiraalka Alle Subaxaanah wa tacaalaa & Qiraalka Rasuulnimo Nabi Mohamed NNKHA, Salaadda, Soonka, Sekadda, Xajka qofkii awooda). Dhamaan tiirar kaas waxaa adoonka looga baahan yahay inuu u fuliyo sidii uu ku aqbalay una dhabar adaaygo fulinta waajibaad kaas si toos ah, sidoo kale u dulqaato ka hor-tagga doonista nafta & doonista Shaaydaanka. Qofka Islaamka ah Aduunyadda waxaa lagu imtixaamaa nolosha maalinkasta waxa taagan, madama u jirto mid tabaalaysan & mid wax haaysta, mid caafimaad qabba & mid xanuun la il-daran, mid cilmi leh & mid aan waxba barran , IWM. Imtixanaad kaas waxaa lagu kala guuleeystaa sidii biloowga hore loo kala fahmo nolosha sababtii loo asaasay & kala horeeynta ficiladaad saameeyn doona & sidaay u kala muhiim san yihiin.
Sekadda & Nolosheena.
Aan mawduucan ku eegno doorka sekaddu ku leedahay kobaca dhaqaalaha ee waddan & daryeelka danyarta ee u baahan in la gaadhsiiyo dadka noloshooda hantiyay dhaqaalaha xooggan. Sidoo kale aan qeexno nolosha maxaay kusoo kordhinaysaa & cidday ku waajibtay Sekaddu si aan u saxno imtixanaadka innagu socda.
Sekadda waxaay Dadka Islaamka ugu jirta Koobka Dhaqaalaha ee lagu kabo dad ka kooban toddobo Qolo, sida aay aayadda qur’aanka ee Suuratu Al-Tawba Sheegtay, waxaana lagu garab galaa baahida nololeed ee dad ka tabaalaysan.Dhan-ka kale Sekaddu waxaay noqon kartaa awood lagu maamuli karo hay’adaha daawliga iyadoo meesha kasaari kartaa canshuuraha laga qaado danyarta, halka Sekaddu diiradda saarayso dadka waxhaysta, bal u fiirso cadaaaladda Alle Subxaanah watacaalaa. Sekaddu waxaay xoojisaa xidhiidhka qalbiyadda Islaamka, waxaayna kordhisaa kalgacal ka umadda gudaheeda, waxaayna ka saarta meesha xumaha ku abuurma dadka dhexdooda, gaar ahaan marka la isku daawadao baahida aduunyo taasoo leh derejooyin ka kala duwan, waa qaayb ka mid ah imtixanaad ka ina haaysta.
Qofka Islaamka ah, ee xoogsaday dhaqaalaha badan oo garan-karra waajibaadka saaran Sekko kuma baaqato, Sekaddaasi waxaay inta badan gacanta u gashaa dhoowr qof oo maalin tijaar gaadha. Sekadda oo dad gaar ah gacanta u gashaa, waxaay sababtay in dad faro badan u dhintaan arrimo aay keentay caafimaad darri ku salaaysan gaajo & daryeel la’aan sidda xannunka TB, ama qof waayeel ah oo aan lahaayn wuxuu isku dhuuniyo ama u helo daryeel caafimaad, arintasi waxaay salka ku haysaa madaama aanay jirin daawlad leh awood aay ku ururiso Sekaddaas, si loogu qaaybiyo dad faro badan oo noloshooda u baahan in la daboolo maalin nololood-kooda, loona wada gaadhsiiyo dadka si cadaalad ah.
Qaaybaha Sekadda.
Noocyadda sekadda waxaa ka mid ah sakada iyo nolosha bulshada ama qofka & sekadda (Sekaatu-Al-fidri), ka sakeynta lacagaha iyo ganacsiga, iskaahisga ganacsiga iyo shirkadaha, hantida maguurtada ah, xoolaha nool, macdanta iyo khayraadka badda iyo mushaharadda iyo dakhliga xirfadaha gaarka ah
Dhamaad.
Sekaddu waxaay hiraal dhab ah u tahay, sida loo korin karro dhaqaalah wadanka si’aan odoros ku jirin (National Budget) ama lacagaha mala-awaalka ah meesha looga saaro, si loogu xisaabtamo dhaqaalaha dhabta ah ee soo gali kara wadankaas.
Gebo-gebaddi caruurta, dumarka & dadka taagta daran, kuwaasoo maalin kasta tahriiba, qaar kale u le’deen gaajo, halka qaar kale oo inaga mid ahi suurto gal tahay inaay haaystaan dhaqaale badan, laga na yaabo in dhereg xad-dhaaf ahi hadheeyay oo aay ka qaadeen xanuuno badan oo aay keenaan quud xad keedii la dhaafiyay, lagana dhaxlay dhibaatooyin caafimaad darri. Sii loo wada badbaado waxaa larabaa Cadaalad Dhaqaale mid Qaadhaan & mid Qanuun waxaana ugu muhiimsan fulinta shuruucda Islaamku jideeyay, kana mid tahay Sekadda sidii loogu talogalay loo ururiyo sidoo kale, loogu qaaybiyo dad ka tabaalaysan. Haddii cadaaladaas la helo waxaay dawo fiican uu noqon kartaa la dagaalan ka Faqriga, sekadda bixinteeda waa waajib gudasho ku socoto qof kasta oo Muslim ah leh na awoodaas, ogsoonoow in haddii sekaddu ka bixi waaydo, xoolahaaga dad kale wax ku leeyihiin, oo aanad keligaa lahaayn.
Waxaay barako u sugnaatay cid kasta oo si toos ah u raacda Diinteena Suuban, Daawlad ahaan, Dad ahan, & Dhaqan ahaan. Ugu dambayntii inaan dhahno islaamku wuxuu damaanad qaaday dhismaha iyo samaynta xidhiidhka wanaagsan iyo camal falka suuban ee u dhaxeeya adoonka iyo rabigii, iyo ka u dhexeeya ruuxa iyo dad kale.