Amnesty International oo cambaaraysay dilal sugayaal Da’yarta ah oo ku xidhan Eeraan

73 dil sugayaan oo da’doodu ka hoosayso 18 iyo 15 jir ayaa waxay galeen dambiyo wakhtiga ay ahaayeen carruur kuwaas oo haatan ku xidhan jeelasha Eeraan.

Da’yarta ayaa waxa ay sugayaan xukunno dil marka ay da’doodu gaadhayso wiilasha 15 jir, halka hablahana ay tahay 18 jir sida uu dhigayo sharciga Eeraan.

Ha’yada xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa waxay cambaareysay da’yartan sugaya xukunadda dilka.  Sidoo kale waxay sheegay in Eeraan meel kaga dhacay xuquuqda carruurta oo ay ahayd in la daryeelo, balse haatan kooxdani yihiin qaar dil sugaya.

Ha’yadaha xuquuqda ayaa waxay cambaareyn xoogan u soo jeediyaan waddamada Islaamka ah oo qaar ka mid ah fuliyaan xukunnada dilalka oo raacayaan jidka Alle u baneeyey ee ah in dilaan qofkii qof dilla,  haddii aanay jirint samaxaad ka timaada dhinaca qoyska la dilay.

 

bandhige@gmail.com