Kulan laga hadlayey siyaasadda arrimaha dibedda iyo ictiraaf raadinta oo Hargeysa ka dhacay

Kulan laga hadlayey arrimaha siyaasadda iyo ictiraaf raadinta ayaa waxa soo qaban-qaabisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa marti ku ahaa Maxamed Haaruun Biixi oo soo bandhigay caqabadaha Somaliland ka haysata helista aqoonsi caalami ah.

Maxamed Haaruun Biixi ayaa madasha ka akhriyey waxyaabaha sababta u ah in aanay wali Somaliland helin aqoonsi caalami ah dunida iyo siyaabaha lagu heli karo. Isagoo arrintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi:

โ€œAqoonsigu waa hab farsamo oo dawladuhu isku aqoonsadaan ,taasi oo ka dhigan dawladaasi waanu aqoonsanahay inay jirto,laakin haddii aan lagu aqoonsanayn waxay ka dhigan tahay ma jirtidi.โ€

Maxamed Haaruun Biixi waxa uu sheegay in adduunku inoo arko dal Somaliya la midoobay sannadkii 1960-kii isla markaana wali katirsan,wuxuuna tilmaamay inay taasi keenayso caqabad ah in la helo aqoonsi caalami ah ilaa lala hadlo dalkii hore wax inooga dhexeeyeen .

Isagoo hadalkii sii watana waxa uu yidhi:

โ€œAqoonsi laโ€™aantu waxay keenaysaa inaanad samayn karin xidhiidh ganacsi,mid dhaqaale iyo mid diblamaasiyadeed toona oo aad noqoto dal xidhxidhan.โ€

Sidoo kale waxa uu ka hadlay isbedelkii dhacay 2012-kii ee ahaa in Somaliland iyo Somalia miiska wada hadalka isugu yimaadaan isla markaana ka doodaan arrimaha ka dhexeeya.

โ€œ2012-kii isbedel wayn ayaa dhacay ,waxa uu ka yimid isbedelkaasi in gar loo dhigto, dalkii ay wax inaga dhaxayn jireen ee Soomaaliya oo aynu si toosa u wada hadalno.โ€

Fallanqayn dheer oo Maxamed Haaruun Biixi ku sameeyay siyaasadda arrimaha dibedda iyo ictiraaf raadinta waxa uu xukuumadda iyo bulshada Somaliland u soo jeediyay in gacmaha la is qabsado isla markaana meel kasta loo tago sidii dalkani u heli lahaa aqoonsi caalami ah.

Kulankan waxay dadwaynuhu suโ€™aalo ka waydiiyeen Maxamed Haaruun mawduucan uu falanqeeyay isagoo dhammaan Suโ€™aalahaasi ka jawaabay.

Xarunta dhaqanka ee Hargeysa oo u taagan soo bandhigida mawduucyada faaโ€™idada u leh bulshada Somaliland ayaa markasta ku dadaasha in laga doodo waxyaabaha mihiimadda u ah dalkan Somaliland.

IMG_8077 IMG_8056 IMG_8113 IMG_8082 (1)

bandhige@gmail.com