Doqoni way qufacdaa laakiin meel laga raacay magarato (Wq: Cumar Axmed Cali)

Murti Somaliyeed ayaa tidhaahda doqoni way qufacdaa, laakiin meesha laga raacay magarato.

Waxaan uga jeedaa, maanta oo kale markay xaaladuhu sidan   u cakirmaan, waxa loo ciirsadaa  dowladnimada oo dhabarka u ridata duruufa iyo waayaha qalafsan ee shacabka soo food saara.

Laakiin nasiibdaro, innagu qarankii aynu maanta oo kale ku baxsan la hayn hore ayaynu   qabyaalad  ugu curyaaminay, mana miro qaran awood ahaan maanta  dabooli kara, baahida ay shacabkeenu la tiicayaan.

Haddii aynu maanta mudaharaadno iyo haddii aynu af qoti ku ooynana, midna abaaraha iyo sixir bararku ku joogsan maayaan,

maxaayeelay, sixir bararka  inna haystaa maaha mid gudaha ka dhashay ee waa mid dibada inagaga yimid, wax qudha ee  maanta oo kale lagula  tacaali karaana waa, awood dhaqaale iyo mid maamul oo horumarsan, saasina  maaha mid ay maanta indhaheenu  arkayaan.

Haddii koontiinarada ameerika ayaala, ama shidaalka ay wadamada carubto soo saaraan, ama bariiska ay hindiya iyo pakistaan beertaan, aynu halkan ugaga muddaharaadayno waa sideeda, laakiin wax kale oo  maanta faraha innoogu jiraa ma jiraan, marka laga reebo  in aynu innagu dhexdeena is caawino Ilaahayna u toobadkeeno.

Sideedaba marka ay xaaladahan oo kale  dhacaan,  dowladuhu waxay qaadaan  talaabooyinkan  soo socda: Sixir bararka waxay ku maareeyaan, in ay  alaabooyinka qaaaliyoobay  kab ku sameeyaan, si uu qiimuhu   halkii uu ka yimid ugu noqdo, ama se cashuurta ayay dowladdu ka dhaaftaa, si qiimuhu hoos ugu dhaco, labadaa  midna awoodeedii innooma muuqato.

Sidoo kale markay abaaruhu dhacaan, dowladuhu waxay ku maareeyaan  in dadkii abaartu wax-yeelaysay ay quudin iyo dib u dajin u sameeyaan, wixii xoolaha uga hadhayna calaf ayay ugu raadiyaan, laakiin se  taa sugideedu   maanta, waa riyo maalmeed uun.

Ugu danbayn, haddii ay bulsho ahaan innaga dhab tahay rabitaanka  qaranimo  maanta oo kale loo baxsado, maxaynu maalin walbana ugu taagan nahay qabyaaladda iyo kala qaybinta bulshada?.

Maxaynu maalin walba dowlanimada   ugu miisanaa galaanka qabyaaladda, ee aynu u yagleeli waynay qaran  maanta oo kale la irkado?.

Maxaynu maalin walba  codkeena qabyaaladda iyo beelaysiga ugu hiilinaa, ee aynu qarannimada ugu hiilin waynay?.

Maxaynu maalin walba caqabadaha ugu gudubnaa, marka la damco in la soo saaro khayraadka dihin ee dhulkeena ceegaaga?.

Ummad waliba waxay dowladnimada gashato ayuun bay  ka heshaa.

Ninba tacabkii togaay kaa maal.

Cumar Axmed Cali

cumaraxmed331@gmail.com