Dowladda Hoose: Hordhac Kooban iyo Waajibaadka Mudanayaasha (WQ: Khaalid Mahad Cismaan)

Badi Dowladaha Hoose Ee Somaliland waxa ay soo mareen duruufo kala duwan oo qaarkood ay ahaayeen kuwo aanay u adkaysteen dowladaha hoose ee waddamada horumaray. Haddii aan taariikh ahaan dib kuu xusuusiyo markii ay Somaliland madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay dowladdii keli taliska ahayd ee uu hor kacayey Siyaad Barre- 1991kii waxa gebi ahaanba dagaalladii dowladdii Afweyne  kula jirtay shacabkeedu ay sabab u noqdeen in hannaankii dowladnimo ee Dowladaha Hoose uu burburo, isla markaana noqdaan kuwo talax-gabay oo aan shaqadoodii iyo waajibaadkoodii  gudan karin, duruufo jirey awgood. Hase ahaatee, shirkii nabadaynta beelaha Somaliland ee 1993kii ka qabsoomay magaalada Boorama, oo lagu soo doortay AHUN madawenihii 2aad ee Somaliland Md. Maxamed X. Ibraahim Cigal ayaa sabab u noqday in dib u dhis lagu sameeyo hannaankii dowladnimo, lana sooo celiyo meeqaamkii, sharaftii, karaamadii iyo awooddii dowladnimo.

Sidaas awgeed, dedaallo uu hor kacayey Md. Cigaal ayaa lagu rumeeyay in la soo dhiso laamaha dowladda ee kala duwan,  haddii ay tahay Dowladda Dhexe iyo Dowladaha Hooseba, waxaana la isku deyay in dib la isugu-keen-keenno wixii khayraad la hayay ee ka bedbaaday dagaalladii aan waxba reebin ee xilligaas ka  dhacay goob kasta oo ka mid ahayd geyiga Somaliland.  Si kastaba  ha ahaatee, waxa adkaatay in dowladahaas hoose ee mudada kooban lagu soo dhisay ay noqdaan kuwo dakhli ururin toos ah sameeya oo guta waajibaadyadii ay dowalaha hoose u xil saarnaayeen.

Waxa xilligan hoggaanka dowaldaha hoose loo dhibaay Maayarro aan ku iman codka shacabka, balse la soo magacaabay, waxaanay ku dedaaleen in ay hawlgeliyaan shaqaalihii iyo khayraadkii koobnaa ee ay haysteen, isla markaana ay shaqaadu si tallaabo-tallaabo ah u bilaabanto. Intaas waxa dheer, dowladdahan hoose oo dhammi may noqonnin kuwo bixiya adeeggii aas-aasiga ahaa sababo jiray awgood, waxaana ka hor istaagay farsamo xumo, arrimo siyaasadeed, shuruuc la’aan iyo shaqalaaha oo aan lahayn xirfadihii ay ku wadi lahaayeen shaqadooda maalinlaha ah.

Waxa ay sidii ahaataba, sagaal sanno ka dib,  waxa la soo gaadhay in laga fekero sidii loo heli lahaa mudaneyaal gudan kara waajibaadkooda shaqo oo shacabku soo doortaan. Nasiib wanaag, sannaddii 2002da ayay dowladaha hoose ee Somaliland yeesheen xildhibaanno si toos ah shacabku u soo doorteen, waxaana doorashadaas ka soo qayb galay illaa lix urur siyaasadeed oo kala badh ka mid ahi ay ku hadheen tartankaas, waxaanay kala ahaayeen SAHAN, ASAD, HORMOOD, UCID, UDUB iyo KULMIYE.

 

Balse, UCID, KULMIYE iyo UDUB ayaa noqday Xisbiyo Qaran ka dib markii tartankaas ay ka soo gudbeen. Haddaba, sida uu dhigayey Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ee Xeer Lr. 23/2000, isla markaana wax ka beddelka lagu sameeyay 2007dii iyo 2019kiiba, degmooyinka derajadoodu “A” tahay waxa ay xaq u lahaayeen in ay soo doortaan 21 mudane oo keli ah, marka laga reebo caasimadda oo uu xeerku dhigayey in ay 25 mudane soo yeelato.

Halka, degmooyinka derajadoodu ay “B” tahay ay soo dooranayeen 17 mudane, iyo kuwa derajadoodu “C” tahay oo soo doortay 13 mudane. Lakiin, marka loo eegoqodobka 22aad ee  xeerka wax ka beddelka lagu sameeyay  ee xeer Lr. 23/2019 oo ay ku salaysnaayeen doorashooyiinkii Somaliland ka qabsoomay 31kii May, 2021, gaar ahaan kuwa goleyaasha deeganku, waxa ay degmooyinka derajadoodu “A” tahay leeyihiin 13 xubnood, marka laga reebo Hargeysa oo 17 xubnood oo gole deegaan ah yeelatay, kuwa derajadoodu “B” tahayna waxa ay yeelanaan 11 xubnood oo gole deegaan ah, kuwa derajadoodu “C” tahayna waxa ay yeelanayaan 9 xubnood oo gole deegaan ah, halka ay degmooyinka derajoodu “D” tahayn ay yeelanayaan 7 xubnood oo gole deegaan ah.

Haddaba, hadal iyo dhammaan weli waa  ay  jiraan caqabado haysta dowlaha hoose ee Somaliand, sidoo kale caqabad kastaa waxa ay leedahay jid iyo hannaan loo xallin karo laguna yarayn karo saamaynteeda taban, iyada oo laga faa’iidaysanayo casharrada laga dhaxlay dhibaatooyinkaas soo jireenka ah iyo sida loo mareeyay.

Haddii aan u soo daadego nuxurka mawduuca, waxa isweydiin leh maxaa ay yihiin shaqooyinka  ay qabtaan Mudanayaasha Golaha Degaanku ee  Degmooyinka Somlaliland? Ama Dowladaha Hoose Shaqadoodu waa maxay?

Marka loo eego Xeer Lr. 23/2019, Xilka iyo Waajibaadka Golaha Deegaanku waa saidan:

1) Golaha Deegaanka wuxuu awood buuxda u leeyahay hawl kasta oo ka mid ah kuwa lagu tilmaamay qodobkan oo looga fadhiyo ka midho dhalintiisa ee ku jira xadka Degmadooda, sida:

  1. a) Xoojinta iyo kor u qaadista Nabadda, deganaanshaha, kala dambaynta iyo wanaajinta awaamiirta Dawliga ah.
  2. b) Kobcinta iyo kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka magaalooyinka gudahooda.
  3. c) Maamulka, horumarinta iyo kor u qaadista adeegyada Arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Xoolaha, Degaanka, Ganacsiga, Nabadgelyada, Laydhka, Biyaha, Igaadhsiinta, Nadaafadda I.W.M ee hoos yimaada awooda golayaasha degaanka ee degmooyinka.
  4. d) Maamulka, iyo horumarinta fayadhawrka, bilicda, Dhiraynta, iyo dhismaha, dayactirka iyo daryeeelka wadooyinka magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha I.W.M ee dawladaha hoose ee maamulka degmooyinka.
  5. e) Aasaasida suuqyo badeeco, xoolaha iyo Kaluunka
  6. f) Kormeerka dhismooyinka cusub, kuwa la cusboonaysiinayo iyo kuwa u baahan in la dumiyo.
  7. g) Ka hor tagga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha.
  8. h) Daad guraynta dadweynaha hadii aafo dhacdo.
  9. i) Diyaarinta iyo fulinta barnaamijyada iyo Mashaariicda horumarineed ee heer degmo.
  10. j) Horumarinta Fanka, Isboortiga iyo Suugaanta.
  11. k) Dhismo goobo biyood oo magaalooyinka iyo tuulooyinka dhexdooda ah.
  12. l) Samaynta iyo dayac tirka wadooyinka.
  13. m) Soo jeedinta iyo codsiga wax ka beddalka iyo habaynta Naqshadda magaalooyinka Degmadu ka kooban tahay si waafaqsan xeerarka maamulka dhulka magaalooyinka.
  14. n) Diwaan galinta hantida ma guurtada ah ee dadweynaha Degmada ku nool iyo tan Dawladaba, ee hoos yimaada masuuliyada golaha degaanka degmada.
  15. o) Diwaan galinta hantida ma guurtada ah ee dadweynaha Degmada ku nool iyo tan Dawladaba, ee hoos yimaada masuuliyada golaha degaanka degmada.
  16. p) Noolaynta Shacaa’iirta Islaamiga ah, wadaniga iyo Caalamiga.
  17. q) Diyaarinta iyo oggolaanshaha dib u eegista Miisaaniyadda D/Hoose.
  18. r) Daryeelka Horumarinta Miyiga iyo dhiirigelinta wax soo Saarka iyo abaabulidda
  19. s) Dhiirigelinta Mashaariicda isku tashiga Bulshada
  20. t) Habaynta Hawlaha aaska (Qubuuraha) astaynta dhulka Qabuuraha.
  21. u) Samayn goobo nasasho, wax akhris iyo Daawasho.
  22. v) Isku dheeli tirka baahida shaqo xadaynta, qorshaynta iyo jaangoynya shaqaalaha ka hawl gelaya waaxyaha D/Hoose, iyadoo laga duulayo hadba heerka shaqaale iyo Darajada Degmo kasta.
  23. w) Ilaalinta iyo Daryeelka Goobaha taariikhiga ah.
  24. x) Dhiiri galinta Madax Banaanaynta (Privatisation) iyo maal galinta wadjireed (Joint Venture) ee dawlada iyo shirkadaha gaarka ah ee adeegyada Bulshada sida Biyaha, Nalka Iwm.”

Ug dambayn, keliya shaqooyinka dowladda hoose kuma koobna inta uu xeerku qeexayo, balse intani waa wajibaadkooda lagula xisaabtamayo, laguna eegayo sida ay uga soo baxaan. Dowladaha Hoose oo dhammi waa matoorka uu ku socdo horumarka uu ku tallaabsado waddan kasta oo dunida guudkeeda ku yaallaa.