Waxa laga filayo maayarka Boorama iyo muddo-xileedkiisu way kala badan yihiin (WQ: Liibaan Cawaale Liibaan)

Kadib loolan adag oo qolo kastaba dhankeeda ku dadalaysay in ay hanato kursiga Golaha deegaanka degmadda Boorama ee Gobolka Awdal, ugu danbayn waxa loo doortay Mayor-ka Degmadda Boorama Mr Maxamed Ahmed Warsame (Baradhe). Halka Mayor ku xigeenka degmadda isna loo doortay Yaasiin Daheeye Aadan(Oomane) marka koowaad Allaha xilka ku asturo.
Run ahaantii waxa kala badan waxa laga filayo, muddo xileedka ay xaqa u leeyihiin iyo caqabadaha iyo baahiyaha degmadda yaala ee la taaban karo.
Waxa aan isku dayayaa inaan dul istaago qodobo kooban oo u baahan in la saaro muhiimadda waxaana kamid ah qodobadaas:
1. Dawladda Hoose waxa toos u taabataa bulshadda qofkasta madaama adeegyadda ay bixiso ay ka kooban yihiin horumarinta degmadda iyo dadka isla markaas na dadku waa shidaalka ay ku socoto ama ku shaqayso Dawladda Hoose madaama dadku ay yihiin cashuur bixiyayaal hadaba waxa loo baahan yahay in xidhiidhka bulshadda iyo Dawlada Hoose la horumariyo oo la wanaajiyo.
2. Mayor, Mayor kuxigeenka iyo 11 xildhibaan ee kale waxa horyaala baahiyaha asaasiga ah ee dawladda hoose bixiso oo dhamaantood ay ka muuqato in aan sidii saxda ahayd aan wax looga qaban hadii ay noqoto jidadka magaladda iyo xafadaha, bilicda iyo nadaafadda degmadda, Biyaha iyo adeegyadda asaasiga ah ee ay dawladda hoose ay bixiso. ‘Soomalidu waxa ay tiraahda nin lagu seexdow ha seexan’ waxaan uga gol leeyahay, waalidkii isaga oo aan socon karin gartay inuu soo codeeyo, hooyadii bacad yaalka ahayd ee u istaagtay inay soo codeyso iyo dhaman dadkii suuragaliyay inaad halkan aad joogtaan timaadan Alle ka sokow waxa ay idinka filayaan sida ay idinku liseen inaaf ugu hanbaysaan.
3. Waxa loo baahan yahay in qorshaha 5 sano ee Golaha deegaanka ay dhamaan noqdaan kuwa taabanaya bulshadda isla markaas na ka jawaabaha su’aalaha maanka bulshadda ka guuxaya sidoo kalena degmadu ay tabayso.
4. Si hawlaha horumarunta aad u xooganaadan waxa loo baahan yahay goluhu inuu isa siiyo kalsooni, muujiyo midnimo isla markaas ay jirto isku tanaasul iyo is ixtiraam hawlaha iyo shaqadda taala si loo horumariyo. Madaama goluhu gole siyaasadeed aanu ahayn ee uu gole horumar yahay waxa loo baahan yahay goluhu in dawladda dhexe xidhiidh fiican la sameeyo, arimaha siyaasadda iyo xisbiyadda dhex ka noqdo meel ay uga soo wada hor jeestaan wixii horumarka degmadda ee dhankasta wixii dib u dhac ku ah.
Inkasta oo ay badan baahiyaha adeeg, farsamo ee horyaala golaha cusub waxa aan kusoi ururinayaa afartan qodob aniga oo aaminsan in ay jiraan qodobo kale oo muhiim ah in laga hadlana u baahan.
WQ: Liibaan Cawaale Liibaan