Dabayaaqadii bishii hore ayaa maamulka DP World Berbera ku wargaliyeen ganacsatadda isticmaasha dekedda in ay wax kabadal ku samayndoonan qiimaha sarifka lacagta. Kaas oo ah hada mid ay dawladu u goysay in halkii Dollar lagu sarifo todoba kun oo Shillin. ($1 =7,000).
Wageegtadda kasoo baxday DP World ayaa lagu sheegay in qiimo dhac weyn oo ku yimid shillinka Somaliland labadii sano ee u dambeeyay uu sababay in aanu wax kabadalno qiimaha safiika oo la fadhiisiyay January 2016 . โMudadii ka dambaysayna lacagta Somaliland ee shilinku aad hoos ugu dhacday, kana dhigtay lacagta laga qaado hadda gancsatadda mid aad u hoosaysa kana hoosaysa lacagtii ay ahayd in laga qaadoโ Ayaa lagu yidhi wareegtadda DP World.
Waxa kale oo ay sheegtay DP World Berbera in qiima dhaca shilinka uu saameyn doonta awooda DP World Berbera ay ku sii wadii lahayd maalgalinta dekedda Berbera iyo gaadhista ujeedadi ahayd in dekedda Berbara laga dhigo tan ugu casrisay Geeskaโ!!
Suโasha is waydiinta leh ayaa ah:-
DP World ma waxa ay ku maal galinaysa dekedda lacagta laga qaado dekedda? Mise lacag ay iyadu leedahay ayay galinaysa? Runtii arintan ayaa ah mid aan hore dadku u ogayn lakiin ku noqotay Yaab!!.
Waxa ay DP World Berbera ku badalaysa qiimaha hore ee isku badalka lacagta ee ay soo saartay dawladu qiimaha suuqa uu ka maraayo Dollarku. Kaas oo ah ama noqonaya. Halka Dollar lagu sarifi doono toban kun oo shillin ($1 = 10,000). Waxaana arintani ka dhigantahay in uu qiimahii ay ganacsatadu hore u bixin jirtay in ay ku koradhay lacag dhan 3,000 SLSH una dhiganta 42.8% korodh ah.
Koradhkan 42.8% ah ayaa la hubaa in uu saamayn xoogan ku yeelan doono qiimaha ascaarta kala duwin ee kasoo dagta Dekeda Berbera. Korna u qaadi doonto qiimaha ascaarto suuqa taala taas oo si xoogan u kordhin doonta sicir-bararkii awalba suuqa ragaadiyay. Sidoo kale koradhkaasi waxa uu hoos u dhigi doona wax kala iibsigii suuqa oo ku keeni doona busaarad marka qiimaha suuqu kordho.
Dekeda Berbera ayaa ah mida ugu qaalisay marka labar bardhigo dhigeeda ku yaala mandaqadda. Waxana aynu doonayna dal ahaan in aynu tartan la galno marsoonyinka ku yaala wadamada aynu jaarka nahay sida Jabuuti oo aynu rabno in aynu kasoo jiidano alaabta uga soo dagta Itoobiya wadankaas oo ay isticmaalan dekedda Berbera.
Korodhkan ayaan noqon doonin hadii uu dhaqan galo sida lagu wado 2 March 2019 mid kaligii kordha. Waxaana la filaya in uu kordho wax badan oo kale oo ku hoos jira khidmadda ay qaadan Maamulka Dakeda Berbera.
Hadaba waxa la gudboon xukuumadda gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Baanka Dhexe in ay arintan ka hor istaagan maamulka DP World Berbera. Una sheegan in ay qiimahii hore ee ay xukuumadu u goysay ku qaado oo aan wax korodhsiimo ah ku samayn qiimaha safirka.
Sidoo kale waxa la gudboon Rugta Ganacsiga in ay arintan kala hadasho xukuumadda si loo hor istaago wareegtadan tacriifadda lagu kordhinaayo.
Hadii dawladu ka gaabiso hawshan oo qiimahaasi sidaa ku hirgalo. Waxa dhibtu ku sii adkaan doonta dadka shacabka ah ee awalba la daala dhacaayay sicir-bararka iyo abaaraha ka jiray dalka. Dhanka kalena waxa hoos u dhici doono dakhligii cashuurta kasoo gali jiray dawladda marka wax kala iibsiga suuqu uu hoos u dhaco, sababo laxidhiidha qiimaha sareeya ee ay ku kordhisay facriifadda DP World Berbera 42.8%.
Yaasin Calase
Hargeysa, Somaliland.