Dr. Bulxan sidaa ha isku dhaamo (WQ: Cabdikariim Xuseen Guuleed)

Inkasto aanan aqoon sidaa u sii weyn u laheyd Dr Xuseen Bulxan haddana waxuu ka mid ahaa aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee aan ixtiraamka iyo qadarinta weyn u hayey, laakiinse waxaa yaab iyo amakaak igu noqday ka dib kolkii aan akhriyey hadal kuu ka jeediyey shir looga hadlayey wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, halkaso uu ka yiri warar aad xaqiiqda oga fog maangalna aan aheyn asagoo sheegay warar nuxurkoodu uu ahaa labadaan qodob ee soo socda:

1. In anigoo ah Cabdikariin Xuseen Guuleed ahaana madaxii wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee dhanka dowladda Soomaaliya aan diiday isna hortaagay in dowladda Jabuuti ee aynu walaalaha nahay lagu soo daro geedi-socodka wadahadalada labada dhinac, ayadoo kolkii danbana culeys dhanka Jabuuti nooga yimid aan ku aqbalnay.

Haddaba waxa isweydiinta mudan oo warka Dr Bulxan inuusan maangal aheyn waxna ka jirin cadeynaya muujinayana waa: Sidee dowladda Soomaaliyeed markii horayba u aqbashay in shir wadahadal oo heerkaas ah lagu qabto Jabuuti haddii aysan raali ka aheyn in geedi-socodka ay ka mid noqoto, koley waxaan filayaa waa wax aan is qaban karin labadaas arimood, waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay ka timid soo jeedinta in shirka lagu qabto dalka Jabuuti ka dib kulan hoosaad ay labo ergo oo labada dhinac ah ay ku yeesheen magaalada Istanbul 6dii November 2014.

Dhanka kale anagu waxa aynu diidnay markastana aan diidaneyn waxay aheyd in wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland la caalamiyeeyo ama la gobaleeyo (IGAD) anagoo taas u arkeynay in xalka inay sii fogeyso maahe aysan marnaba soo dhaweynaynin.
2. In madaxweynahii Soomaaliya ee xiligaas Mudane Xasan Sheekh Maxamuud asagoo ka xun ku soo darista dowladda Jabuuti ee geedi-socodka wadahadalada uu heshiiskii uu halkaas ku soo saxiixay ku jeex jeexay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, arinkaas oo ah runtii mid lagu qoslo, qof Dr Bulxan mustawihiisa oo kalana inay ka soo yeerto ay tahay wax lala yaabo, waayo hogaamiye qaran dhan sidee oga suurto gali kartaa in heshiis magac umad dhan uu ku soo galay inuu jeex jeexo, asagoo kari kara in waxii uusan raali ka aheynu uu marka horaba uusan saxiixin.

Si arinkaas u sii cadaado waxaan halkaan ku cadeynayaa in heshiiskaas nuquladiisa la kala dhigay xafiisyada Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha, copy nuquladaas ka mid ahna waa kan halkan ku lifaaqan.

Gabagabadii waxaan Dr Bulxan oran lahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba waxaan filayaa inay xurmo u hayaan magacaaga, mas,uuliyadaada iyo darajadaada cilmiyeed intaba, haddaba armay haboonaan laheyd ina-adeerow ” INAAD SIDA ISKU DHAANTO KANA HOOS DHICIN MAQAAMKAAGA IYO DARAJADAADA CILMIYEED IYO MAS,UULIYADEED INTABA, ADIGOO HADALADAADA U MEEL DAYAYA KANA BAARAAN DAGAYA SI AYSAN BARI KUUGU SOO NOQON DHAAWACNA KUUGU GEYSAN, SIDA MAANTA TAAGAN ”

WQ: Cabdikariim Xuseen Guuleed