Siyaabaha looga hor tago kansarka (By Omar Jawaari)

Xanuunka Kansarku (Cancer) waa mid dhibaato ba,an ku hayawadamada hore umaray (developed countries) iyo kuwa sookorayaba (developing countries)  waloow ay kusii kalabadanyihiin hadana waa dhibaato si isku mid ah u taabataylabadaba, mida kale wadamada soo korayaa awood dhaqaale iyomid aqooneed ba uma hayaan xakamayntiisa halka wadamadahore umaray ay inta badan ku dadaalaan siyaabaha loogahortago.

Xanuunkani sidiisaba maaha mid ku fiican daawaynta balse waamid ku wacan ka hortaga, waayo sida  badan waxa la daawaynkaraa marka uu ku jiro marxalada bilowga ah (Acute) waloowdaawadiisa laga dayrinayo meelo badan oo aduunka  ka mid ah oo la leeyahay wuu soo rogaal celin karaa, halka marxaladalabaad ee ku raagay qofka loona yaqaan (Chronic) isagadaawadiisu aad bay u adagtahay caafimaad ahaan waayo mabajoogo wakhtigii daawadu ku haboonayd in la siiyo hadii la siiyana waxba kama tarayso ee qofka uunbaa kusii daciifaya.

Hadaba hadaan ka hadalno dadka Soomaalida iyo xanuunkanirun ahaantii marka la barbardhigo wakhtiyadii hore, hada wuukordhay xadiga uu marayaa (Prevalence Rate) inkastoo aan la haynin qiyaas sax ah hadana waxaa iska cad inuu soo kordhayomarba marka ka danbaysa oo la arkayo dad badan oo u dhimanaya xanuunkani. Ilaa hadana lama samayninCilmibaadhisyo (Researches) lagu darsayo waxyaabaha keenayaiyo sida ugu haboon ee looga hortagi lahaa xanuunkani.

Ka hor tagga xanuunka Kansarka (Cancer)

1. In la iska ilaaliyo cabista Sigaarka (Do not Smoke) iyonooc kasta oo ah Tobaakada (tobacco) dadku isticmaalaanee kala duwan, isla markaana lagu dadaalo in lagaxakameeyo guryaha (make your home free Tobacco) dadku daganyahay.
2. Cunista cuntooyin caafimaad uleh jidhka (Eating healthy foods) kuwooda ugu fiican
3. Naasnuujinta Hooyada ee ilmaha (Breast-feeding) sababtaoo ah Naasnuujintu waxay yaraysaa halista xanuunkaKansarka (Cancer).
4. Ka talaalista caruurta ee Jooniska cad (HBV) iyojoonisyada kalaba
5. In la iska ilaaliyo kulaylka daran ee qorraxda (Avoid too much Sun) oo la isticmaalo waxyaabaha ka hortagakulaylka (Use Sun Protections).
6. Inaad ka hortagto hawada wasakhaysan ee kaaga imanaysameelaha xidhan iyo kuwa furanba (protection of Air pollution)
7. Inaad samayso jimicsiga kala duwan (playing sport)
8. Inaad yarayso ama aad joojisaba isticmaalka alkoholka(limit alcohol intake )
9. Inaad ka qayb qaadato iska baadhitaanka xanuunkaKansarka (Cancer) inta qofka aanu ka muuqan wax calaaado ah oo muujinaya xanuunka ama marka ay bilowgayihiin, dadkaasi oo loo samayn karo program lagumagacaabo (Cancer screening program).oo wadankeenahada xarumo badan bilaash ka dhigeen.

Hadaba sida badan dadka Soomaalida ahi waa kuwa uu dhibaatobadan ku hayo xanuunkani wakhtigani xaadirka ah, akhristewaxaad ogaataa in ka hortagu ka fiicanyahay daawada(prevention is better than Cure) waxaan kula talin lahaa qofkasta oo akhrista maqaalkani inuu sameeyo ka hor tag ku filanisla markaana uu raaciyo ka hortaga is ka baadhida xanuunkani(Cancer Screening) tani waxay usahlaysaa dad badan oobulshada ka mid ah in xili hore la ogaado oo wax laga qabankaro.

Xanuunkani waayadani danbe wadankeena aad buu ugu soobatay ilaa hadana lagama war hayo waxyaabaha inoo keenayama waxyaabahan sababta u ah ee aan isticmaalno, arrintanilafteedu waxay warwar ku haysaa khubarada caafimaadka kaladuwan ee dalka oo Iyaguna aad u hadal haya xanuunkani iyosaamayntiisaba. Hadaba aniga ahaan wax iga talo ah in la sameeyo.

a. Cilmibaadhisyo ku aadan xanuunkani iyo xadiga uubulshada ka marayo si looga hortagi karo.
b. In bulshadu tilmaaha aan soo sheegay ay uga hortagikaraan xanuunkani
c. In qofkii isku arka calaaado xanuunkani si  dhakhso u aadoxarunn caafimaad
d. Waxaa muhiim ah in Wasaarada  HorumarintaCaafimaadku (MOHD) Somaliland ay bilowdowaxqabado ku saabsan ka hortaga xanuunkani,

Wabilaahi Tawfiiq

By: Omer Jawaari (BSc HO, PDRHR, MPH/RH)

             omerqayi@gmail.com