Dugsiga Ammaano Ee Hargeysa: Muxuu Ku Doortay Shaqaalaysiinta Shisheeyaha? (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Dugsiga Ammaano Ee Hargeysa: Muxuu Ku Doortay Shaqaalaysiinta Shisheeyaha?

“Halkan uga baaq bareyaasha maaddada Fiisigis ee dugsiyada sare ee Hargeysa”

Barta Somalijobs.net waxa ku jirta shaqo ka bannaan dugsiga sare ee Ammaano oo ku yaalla Hargeysa, waxa leh dad muwaaddiniin ah, waxaana wax loogu dhigaa arday muwaaddiniin ah, waxa ay raadinayaan bare dhiga maaddada Fiisigis oo dugsiga sare ah.

Kumannaan dhalad ah ayaa gu’yaalkii u dambeeyay cilmigan ka bartay Jaamacadaha dalka sida Camuud iyo Hargeysa. Waxa ay Ammaano School sheegeen inay keliya codsan karaan macallimiinta shisheeyaha ah. Xeerka dalku waxa uu dhigayaa in aan ajnabi loo diri karin shaqo uu muwaaddin qaban karo. Waxa ay meel-ka-dhac ku tahay sharciga, aqoonta bareyaasha Somaliland iyo muwaaddiniinta cilmigan dhigi kara.

Wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradda shaqo-gelintu waa inay dabagal ku sameeyaan dugsiyada soo dhoofsada bareyaal dhiga ama dadka bara aqoon ay muwaaddiniintu dhigi karaan, waa xadgudub ka dhan ah bareyaasha. Dugsiga Ammaano iyo xarumaha kale ee waxbarashadana waxa a aan ugu baaqayaa inay dhawraan xeerka dalka.

Axmed Yaasiin Dool Mowliid Aadan Biixi Xasan Boos Macallin Mohamed Somali Abwaan Oday Cabdirisaaq Maxamad Macalin Carte

 

Muxuu xeerku ka qabaa?