Waa qaybtii labaad uguna dambaysay, Muuqaal ay faafisay shabakadda Business Insider oo ay xeeldheereyaasha David Roberts oo bare ka ah kuliyadda caafimaadka Aiken oo ku taalla dalka Maraykanka iyo Dr. Rebecca Rubens oo ah cilmibaadhe ka tirsan cisbitaalka Brigham oo ay leedahay kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda caanka ah ee Harvard, ku soo bandhigayeen natiijada daraasad ay ku sameeyeen waxa cilmi ahaan ka jira arrimo ay dadku ka aaminsan yihiin hurdada:
HURDO YARAANTA WAA LALA QABSADAA
Dr. Rebecca Rubens waxa ay sheegaysaa in aanay run ahayn aaminsanaanta sheegta in qofku hurdo yaraanta la qabsado, oo marka uu muddo saacado yar seexdo ugu dambaynta hurdada uu u baahan yahay ay saacadahaas yar ku soo ururto.
Waxa ay sheegtay in sida uu jidhku caafimaad ahaan ugu baahan yahay nafaqo ku filan, in uu si la mid ahna u baahanyahay hurdo ku filan.
Dr. Rebecca waxa ay caddaysay in cilmibaadhisaha lagu sameeyey dadka dhibaatada hurdo yaraantu haysaa, ay caddaynayaan in iyaga oo aan is dareensanayn ay firfircoonidooda maskaxeed iyo jidheed si joogto ah hoos ugu dhacaan.
Xaaladaha hurdo yaraantu keento ee aanu qofku dareemin sababtooda runta ah waxaa ka mid ah madax xanuun yar, iyo khatar ka weyn oo ah in isaga oo hawlaha muhiimka ah ku jira si aanu is dareemin uu hadba saddex ilbidhiqsi u gamaโdo, taas oo khatarteeda leh marka uu qofku shaqo feejignaan u baahan ku jiro, tusaale ahaan gaadhi wadista.
Talada ugu fiican ee ay dhakhaatiirtu siinayaan qofka lulo / hurdo dareema isaga oo gaadhiga wadaa in uu sida ugu dhaqsaha badan joojiyo, jidka hareertiisa oo ugu yaraan uu daqiiqado seexdo. Caadi ahaan dadka safarrada badan ee habeenkii galana talada ku habbooni waa in ay hurdo fiican seexdaan, in aanay habeenkii saacadaha dambe socon, in ay ka fogaadaan cuntooyinka dufanku ku badan yihiin iyo in aanay isticmaalin maandooriye iyo wax kasta oo ay is leeyihiin hurdada ayuu kaxeeyaa.
Khubaradu waxa ay darawallada gaadiidka kula talinayaan in ay caadaystaan jimicsiga jidhka, gaar ahaan waqtiyada ka horreeya safarka. Waxa aanay caddeeyeen in cabbitaannada tamarta kordhiya, ama baraarujiye jidhka, daaqadaha gaadhiga oo la furto sida dadka qaar sameeyaan, ama rikoodhka gaadhiga oo cod dheer lagu dhegeystaa in aanay wax muhiim ah ka tarin baraarugsanaanta uu darawalku u baahan yahay.
Darawalku haddii uu isku arko hammaansi badan, ama maskaxda oo baxaysa ama maahaysa waxaa waajib ku ah in uu safarka joojiyo si uu muddo gaaban u seexdo, haddii kale waxaa dhici karta in ilbidhiqsiyo aanu dareensanayn ay maskaxdu gamaโdo, waana mid ka mid ah sababaha shilalka gaadiidka keena.
Daraasad ay hayโadda nabadgelyada waddooyinka Maraykanku samaysay 2014 kii ayaa lagu ogaaday in darawallada gaadiidka safarrada gala kaxeeyaa ay boqolkiiba 37 seexdaan ilbidhiqsiyo aanay dareemin oo inta ay gaadhiga wadaan ah, iyo in qiyaas ah boqolkiiba 21 shilalka gaadiidaka ee foosha xun, boqolkiiba 13 shilalka dhaawacyada xun geysta iyo boqolkiiba 6 guud ahaan tirada shilalka dhaca in ay sababtoodu tahay darawalka oo isaga oo aan is dareensanayn gamโay.
Daraasad kale oo sannadkii 2016 ka la sameeyeyna waxa ay daahfurtay in darawallada shilalka galaa ay u badan yihiin kuwa seexda wax ka yar 5 saac maalin kasta, iyo darawallada afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyey seexday wax ka yar 7 saac.
Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay wax fudud u arkaan hurdada saddexda ilbidhiqsi ah ee darawalku gamโayo, laakiin waxa aanay dareensanayn in haddii gaadhi uu ku socdo 100/km in saddexda ilbidhiqsi ee la gamโay uu soconayo masaafad dhan 80 mitir. Waa siddeetan mitir oo aanu waxba kala socon xaaladda gaadhiga iyo jidka uu marayo iyo waxa hareerihiisa ka socda oo dhan. Marka sidaas loo e