Waa kalmado ay sijoogto ah, u isticmaalaan da’yartu oo dhexdooda ay isku fahmaan, balse aanay dadka waayeelka ahi fahmin.Marka laga reebo dadka waayeelka ah ee dhalinyarta xidhiidhka la leh.
Erayada cusub macnahooda
- Qardhaas u xidh……………………………………………………………………Been u sheeg
- Gam iyo gam………………………………………………………………………..arrintii sow caadi maaha
- Haygu seetayn……………………………………………………………………ila saayir
- Warkaagu shaaha ka madow……………………………………………..arrinkaagu caadi maaha
- Garashada ha ku saxan………………………………………………………….I fahan
- Khayray buu helay……………………………………………………………….Dumarkuu la qayilaa
- Nabad iyo jacayl ma haysaa…………………………………………………xashiishad ma haysaa
- Muftaaxa qaado…………………………………………………………………..waxba ha u sheegin
- Waa san-gorofle…………………………………………………………………. Waa badow
- Nakh-nakhuu gaadhay……………………………………………………….wuu mirqaamay
- U goo……………………………………………………………………………………halkaa kaga hadh
- Hoog buu ku jiraa………………………………………………………………….waa bilaa camal
- Bayl buu daacayaa………………………………………………………………..waa bilaa lacag
- Qoosh buu garaacayaa………………………………………………………..arrin ma hayo
- Riyahaa toosiya…………………………………………………………………..gurigiibaa laga eryay
- Tii xaqa ahayd buu maray…………………………………………………..wuu tahriibay
- Casaan baa saaraan…………………………………………………………..dayn baa lagu leeyahay
- Afka dheeraaday……………………………………………………………….wuu gaajoonayaa
- Waa sidii kale……………………………………………………………………waxba ma hayo
- Gor-gor baa saaran……………………………………………………………waa xayraan
- Indhahaa cas……………………………………………………………………wuu xaraaroonayaa
- Maad I qaadi……………………………………………………………………wax maad ii dhiibi
- Roobaa ku da’ayaa………………………………………………………….wuu fikirayaa
- Haygaga shuban…………………………………………………………….khiyaaliga iga daa
- Waa laga habaystay………………………………………………………waa la xaday
- Waad dhiiqaysaa…………………………………………………………..waad maraysaa
- Liidkuu raacayaa……………………………………………………………naag buu sugayaa
- Khuruush buu u baxay………………………………………………….balan buu leeyahay
- Injection-kaad badsatay………………………………………………galmada ayaad badisay
- DNA-da ka qaad…………………………………………………………..waa qabiilkee
- Toosh buu daba qaatay………………………………………………wuu ka daba-qayliyey
- Laba ilig ayaan ku tuuranayaa …………………………………hablo qurux badan ayaan arkayaa
- Korka ka wad………………………………………………………………sirta ha sheegin
- Buul buu dhisay………………………………………………………….naag buu uureeyey
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan