Sharraxaygii heesta gorayo (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Ku celis.

Way kakan tahay in tiraab ahaan lagu cabbiro midhahan malabka ah ee uu sida layaabka leh u taxay hal abuur Xasan Xaaji C/laahi “Ganey,”ee uu innooga soo daray bad weynta xikmadda iyo murtida Soomaaliyeed. Kaa geysan abwaan, dhuuxnay, dhannay oo ka hirqannay murtidii boorinaysay (Dabci-suubannaanta).

Inkastoo aanan saari Karin sharraxa ku habboon ee ay heestani leedahay, sababtuna waa qadar saboolnimo ah oo iga haysata dhinaca (Afka iyo Dhaqanka Soomaaliga) Wali waxa aanay maskaxdaydu sarjarin mug weynaanta hummaagga uu u Abwaanka inoo soo hal-tabiyay. Qodobka xiisaha badan ee igu kalifay inaan heestan u fiirsadaa waxa ay ahayd “ sida xeesha dheer ee uu Abwaanku iskugu xidhay waayahay iyo kalgacalka.”
Caashaqani muxuu gabay,
Laba guusha wada jecel,
God muxuu ku kala riday,
Laba guur isku ogaa,
Geeridaa mid yidhi hoo,
Shantan meeris ee kore wuxuu abwaanku ku xusay laba qof oo is jecel oo ay ka go’an tahay in ay dadka iska doortaan, isla-markaana, qorsheeyay in ay nolosha wadaagaan oo kalgacalkooda ka midho dhaliyaan. Hasa yeeshee, waayuhu kala xidhay oo mid kood mawdku qaaday.
Geedi dheer muxuu calaf,
Gacal ooman kala raray,
Misna geed ku kala xidhey.
Seddexdan meeris waxa ay fikir ahaan ila tahay in hal-abuurku innagu hogo tusayo gacal wadayaaley oo duruufi kala rartay. Nolosheenii miyga gaar ahaan reer guuraanimada waxaa caado ahayd in jiilaalkii reeraha deriska ahi kala guuraan, gu’giina isku soo guuraan. Waa kan hal-abuur Soomaaliyeed oo arrintaa sharxaya, waxaanu yidhi;
Roobkii ka hooray,
Raydab-kaatumo,
laguma reeye, wayna ina kala raray.
Halkaa waxa aan kala soo baxaynaa gacal calaf kala raray waliba geedi dheer iyo masaafo aan dhayal looga gayoon Karin mid ba gees ku dabray.
Maxaa samirku gaaxdaa,
Nasiib gaabiyaa diley,
Misne gaadhi waayey.
Haddii aan kor ku soo sharraxnay gacal dantu kala rartay, way dhacdaa in la kala guuro, hasa –yeeshee, dariiqa kaliya ee bannaana waa in la isku samro.Walow abwaanku halkan uu ka dardaar wariyay, waxaanu yidhi ; Maxaa samirku gaaxdaa, Nasiib gaabiyaa dilay, Misna gaadhi waayee. Samirku waa inaad dul u yeelato dhibka kaa soo gaadha, wax aad jeceshay ama u hammuum qabto oo aad ku rajo weyn tahay in aad gabo-gabada ku guulaysan doonto. Muddada aad samraysaa waxa ay noqon kartaa goor aad garanayso iyo goor aanad masanuunin karin. Hal- abuurku wuxuu rajadaa ku soo af -meeray Samir nasiibkii gaadhi lahaa uu ka gaabiyay oo rajo la’aan jooga.
Godob qaaday waayuhu,
Anna gooni ma ii dhigay,
Gabaahiir ma igu furay,
Giriyaad ma ku ambaday,
Wali waxa aan dhex mushaaxaynaa gibilka sare ee hawada, hadda waa halkuu hal-abuurku dareenkeena gaadhsiiyay, dhalliishii is-waaga, wuxuu hal-abuurku dusha uga tuuray(waayaha) kala irdhowgii ay kala irdhoobeen gacalkan is jecel iyo samirkii iyo nabsigii is gaadhi waayay, intaana waxaa sii dheer in waayuhu gooni dhigay, oo waliba cidlo gabaahiir ah. Intaa ba waxaa ka weyn in waayuhu dhigay Giriyaad oo ah saxare ay aad u adag tahay in ay nololi ka suurto gasho.
Sheeko:- waxa ay ahayd barqo dheer gaadhi ayaan ku saarnayn 12 qof gaadhigu wuxuu ka soo dhaqaaqay Djibouti. waa markii ugu horreysay ee dirawalka gaadhiga noo wadaa uu safar soo galo, gaadhigii wuxuu nugu la ambaday banka giriyaad dhexdiisa, waxaan banka dhex lugaynay saacad iyo wax yar, waxaa noo muuqatay in jaho kasta mawdu nagaga yimid. maanu hubin dhinaca aan u soconaa in ay tahay jidkii badbaada, wakhtiyada qaar Giriyaadka waxaa dhaca dabaylo la yidhaa ” Aasow,” waa dabaylo aad mooddo mawjado oo ciiddu sida daadka ayay u socotaa, waxa ay isla markaaba masaxaysaa raadkaagii, geed la tilmaansado ama sumad ahaan dhinaca jahadu kaa xigto lagu gartaa ma jiro. Afarta jaho seddex ka mid ah haddaad u kacdo waa jidkii geerida, hal waddo ayaa ah taad ku badbaadi lahayd. Hal abuurku waxuu si farshaxannimo mug leh ku dheehantahay u soo dhigay dareenka cidlowga iyo asqowga ee banka Giriyaadka.
Saw ma ihi geddeedii,
Garooy gabbal kuudhac,
Labadan meeris wuxuu hal abuuru ku xusay xaalka adag ee la soo darsa shimbirta Goroyada la yidhaa marka gabalku u dumo.
“Caashaqani muxuu gabay,
Laba garsho dheeraa,
Gal muxuu ku kala xidhay,
Laba buurihii golis,
Midba gees ka joog yidhi,”
Aan isku dayo in aan tuduca heesta ee kor ku qoran ka qoro fahankayga. Bal sawirro doob iyo gashaanti isku ayni ah, geyaan ah, isla mar ahaantaana , dookhu waa balo’e is calmaday, oo hasaawahooda iyo is qaabilkooda kala kulma farxad, raynrayn iyo iska raali ahaansho mug leh; dhinaca kale garashadooda iyo fiiradoodu waxa ay gayaysiisay in ay noqdaan laba qof oo aan isku quudhin nusqaanta iyo liitinimada looga baqo barbaarta facooda ah. Asaagood waxa ay ku dhaafeen is dhawris, sariigasho iyo iskala han-waynaanshaha dhag xumada keenta lafjabka. Niyad-samidii iyo filashadii ay qabeen ee ay kaga dhursugayeen is helkooda waxaa ka soo soka maray wakhtiga iyo waayaha kala fogeeya Aadmiga.
Guunyadu maxay laba,
Gacan toodu madhan tahay,
Gabadane ku haysaa,
Seddexdan meeris ee hal abuurku ku soo gunaanaday hummaagyadii iyo sawirradii kumannaanka eray aan lagaga bogon kareyn sharraxooda, waxa aan ku soo af-meerayaa sharraxaygii waydda ahaa ee qoraalkayga bilowgiisiiba aan ka afeeftay.Guunyadu maxay laba,
Gacantoodu madhantahay gabadano ku haysaa?
Muxuu samirku gaaxdaa,
Nasiib gaabiyaa diley,
Misna gaadhi waayey,
Godob qaaday waayuhu,
Anna gooni ma ii dhigay,
Gabaahiir ma igu furay,
Giriyaad maku anbaday.