Wiil ayaa ka sheekeeyey aabihiis, wuxuu yiri:
Wuxuu ahaa aabahay marka uu qolkeyga galo, iyadoo nalku shidan yahay mid i canaanta, wuxuuna oran jiray maxaa loogu ciyaarayaa koronta?!! Maxaad u damin weyday markaad ka baxayso?
Sidoo kale, markii uu suuliga galo, wuxuu arki jiray iyadoo tuubada biyaha iska socoto, wuxuu nagu canaan jiray ” maxaa biyaha loogu ciyaarayaa?
Markasta wuu i canaanan jiray, dayaca ayuu igu qeylin jiray, xataa isagoo xanuunsan ayuu sidaas samayn jiray, ilaa laga soo gaaro maalintii aan shaqada u tartamayay, maalintaas oo aan mari doono imtixaanka shaqada, anigoo ku fakaraya, hadii shaqadan ku guuleysto inaan ka tegi doono gurigaan buuqa iyo canaanta badan.
Waxaan toosay xilli hore, dhar qurxoon ayaan xirtay, markaan bixi lahaa, ayaan arkay aabahay oo igu sugaya albaabka, inta garabka iga taabtay ayuu isiiyey lacag aan gaari ku raaco, isagoo dhoollacadaynaya raadka xanuunkuna ka muuqdo ayuu yiri “aabbe isku kalsoonow, su’aalahana haka baqin.
Waan aqbalay waanadii aabahay, anigoo faraxsan ayaan galay xaruntii, waan la yaabay, maxaa yeelay waardiye ma joogin, waan iska galay, mise waxaa qofka hagaya boorar lagu dhajiyey derbiyada.
Markaan galay albaabka, waxaan arkay handaraabka la qabto oo dhacaya, kadibna meesha ayaan ku celiyey oo waan adkeeyey, kadib waan sii socday, markaan beerta marayo ayaan arkay tuubada biyaha oo iska socota, oo beertii dhinac walba u dhaafeen, waan xiray biyihii, oo waxaan ku furay meel qalalnaa, anigoo yareeyey biyaha socodkooda, si aysan u daadan, waana ka gudbay, markaan galay dhismihii mise waxaa shidan nalka oo dhan, markaas ayaan damiyey, iyadoo dhagahayga ay ka sii qeylinayso canaantii aabahay,kadibna waxaan iska diiwaangeliyey qeybta xogheynta, si aan tartanka uga qeybgalo.
Waxaan arkay dadka shaqada u tartamaya mid kasta 2 daqiiqo kadib wareysiga wuu baxayaa, waxaa baxay oo ku guuldaraystay dad shahaadooyin sarsare wata, markaas ayaan dareemay niyadjab, anigoo isweydiinaya ‘ ma isaga baxdaa, waan go’aansaday inaan nasiibkayga sugo.
Waxaan galay qolkii wareysiga, markaan salaamay ayay ii dhoollacadeeyeen, waxayna i weydiiyeen ” goorma bilaabi kartaa shaqada? Waxaan ku jawaabay ” markaan ku guuleysto, waxay igu celiyeen ” waa adiga qofka shaqada ku guuleystay shaqada, imtixaanku wuxuu ahaa mid ficil ah, waxaan kaa daawanaynay Kaamarada xafiiska, dhamaan waxaad sameysayna waxay ahaayeen kuwo si kas ah aan ugu talogalnay imtixaan ahaan, waadna ku guuleysatay.
Markii ay sidaas ii sheegeen, ayaa isoo hor maray sawirkii aabahay, aan canaantiisa dhibsan jiray, waxaan ogaaday inuu naxariis ahaa, inuu tababar nololeed ahaa.
Waxaan jeclaystay inaan degdeg xaafadii u aado, si aan ehelka farxada ula qeybsado, kadibna waxaan tegay gurigii oo qaraabo oo dhan igu sugayso, markaas ayaan dareemay in aabahay dhintay, halkaas ayay farxadaydii ku kala dhantaalantay.
Wuxuu ahaan doonaa aabahay mid aan ku xuso salaadayda iyo ducadayda inta aan noolahay.
Hadaba canaanta waalidku waa naxariis, ee dhalinyaroy ogaada, boqolaal ayaan haysan qof wanaag wax ugu sheega, ka faa’iidayso oo ka duceyso, oo talooyin ka reebo waalidkaa.
Waan soo minguuriyey, waana turjumay allow u naxariiso waalidkeen.