Dugsiyada Farsamada Gacanta iyo Karoonaha (WQ: Abdifataah M.Ahmed)

Waxbarashadda sarre iyo mida gaarka ah ee la xidhiidha farsamada gacanta iyo waxqabadka muuqdaa (practical Training) waxa ay si gaar ah ula ugala kulmeen karonaha caqabad iyo xanibaad gaar ah  oo ka baxsan qeybaha kale,kuwa bixinaaya farsamada gacanta sida dhiska,korontada,cunto karinta,macmacaanka,dawaarka,nijaarada oo waxbarashadoodu u badneyd waxqabad gacanta ah ayaa dhammaantood si toos ah u xidhmey,dhanka kale waxbarashada muhindisnimada,beeraha,caafimaadka,cilmiga tiknolojiyadda ayaa qeyb ka ah waxbarashada aadka u xaniban kuna dhibaatooneysa nidaamkan cussub ee dalku ku jiro,maddooyinkaasi dhammaantood waxa ay yihiin kuwo inta badan waxqabad iyo tusmo ku hawl gala,ujeedkoodana aan la gaadhi karin haddii aan ardeyda la geynin goobta waxqabadka iyo laabka sheybaadhka intaba.

 

xanuunka karoonaha iyo kala fogaansha bulshaddu wax ay ku  sababeen in aan ardeydu hellin waxqabadka casharadda ay dhigtaan si rasmi ah ,waxbarashadda farsamada gacanta oo aheyd mid waxqabad u badan macallimiintu imtixaan,dhigid iyo cashar duubid intaba dalka wey ugu dhibaatoodeen xilligani la galay,Maaddooyin badan oo cilmiyada farsamada gacanta u badan ayaana si toos ah loo joojiyey,sida darteed  waxa mudan in fikir,qorshe iyo isbedel dhanka aqoonta tiknolojiyadda ah laga keeno sidii maaddooyinkaasi farsamadu ay ugu bixi lahaayeen kumbuyterka”Waxbarashada masaafada fog #Online Learning,inta ugu badan waxa ay sida ugu fiican u taageertey dalka maaddooyinka aan sayniska aheyn,waxaana ku dhibaatoonaya maaddooyinka sayniska u badan oo u baahan waxqabad muuqda (Practical)

 

Wasaaradda waxbarashad,Jaamcaddaha,Dugsiyada gaarka ah iyo Macaahida intabada waxa ka saaran masuuliyad sidii loo wajihi lahaa waxbarashadda mustaqbalka halgankeeda iyo isbeddelkeeda intaba,fursadaha mustaqbalka imanaaya iyo hayaanka waxbarashaddu ay sameyn doonto ka dib karoonahu marka u baxo si haddii mar kale ay duruufahan oo kale u soo noqdaan looga diyaar garoobo.Diyaargarowgaasi Mustaqbalkuna waa ka ina dhaxalsiin doona in la helo,lana rakibto guud ahaan agabyada iyo qalabada gudbinta waxbarashada masaafada fog.Dhanka kale waa in si guud looga fekiraa in aan goobaha waxbarashadda ee dhaqaale yaridu heysato aan lagu eegin baahida agabka tiknolojiyadda haddii xarumaha waxabarashadda ee tunka buurani ay si deg deg ah uga jawaabaan dhaqaale ahaan helida agabyada tiknolojiyaddeed ee ay mustaqbalka rabaan si waxbarashada qeyb ka mid ah ay ugu wareejiyaan .

 

Abdifataah M.Ahmed

 

Ceelaabe_10@hotmail.co