Dulmiga haybsooca! (WQ: Maxamed Siddiiq Dhamme)

Dulmiga haybsooca!

 

Intii aan ku guda jirnay dersi maalmeedkii maalintaa, wakhtigu gaabiyaa, ma culayska i guud yaalaa, falaadhi gilgilasho kaagama goโ€™do. Sidii aan u sii luudayay waxaan gaadhay gurigayagii, waxan daymadaymooday hooyaday Siraad Allahayow dhib badanaa dhaawac aan lagula qabin, judhiiba waxaan weydiiyay hooyo qolomaynu nahay?, Amankaag! Kama helin jawaab tolow weydiintaydu qumanaa haddana qadhaadhaa, Hooyo miyaynaan ahayn Islaam sownaga sunihii Nabiga haysana?, Miyaan dadka Ilaahay simin? Waa kuma qofka awooda rabaaniga ah ku kala fadilay addoomuhu?, Hadii danbi aynu galay tolkeen hadmuu wada galay?, Dadka yaa tiriyay ee inaga dhigay dadka laga tirade badan yahay?, Maxaa la inoogu bixiyay bulshada la hayb-sooco? Kumanaan suโ€™aalood oo dareen qalbiga xadanteeyay iga keeneen ayaan hooyaday ku dedejiyay.

 

Maalintaa hooyaday waxay I tidhi โ€œhooyo anba waan ku garaadsaday inagoo layna leeyahay waa laydinka tira badan yahayโ€ โ€˜โ€™oo yaa tiriyay dadka hooyo?โ€™โ€™ Goormaa layna tiriyay? Dharaartaa ka dib waxaa igu dhalatay inaan baadho sababta loo hayb-sooco reerkayaga, ciil weynaa Ilaahay cudur ma soodejin ilaa uu soo raaciyay dawadiisii, oo tolow dirsoocuna ma ku jiraa bal adba! Sibiq sibiq ayaanu u kala irdhownay asxaabtayadii aanu isku maqaamka ahayn. Waxaan ka tilmaanaaday dugsigii in kasta oo ay igu wehelinayeen dhawr qof oo ila wadaagay dhibaatada iyo jidh nacaybka aan sal iyo raadka lahayn, waxaanu nahay Tuke baal cad. Caamo, culimo iyo cuqaalba ciddaan waydiiyo sababta na loo hayb-sooco, waxay igu qanciyaan inay tahay caado soo jireena oo hadayba ogyihiin miyay ka dhiidhiyaan subxaana laah.

 

โ€œTolow waatan ummaddu waxbaratay ee diin, maadi iyo duruus kale ba laga haq beelee maxaa laysu waydiin waayay sababta la inoo hay-sooco ee qabiilkeena loo yidhaa dadka laga tirada badan yahay hooyoโ€? Gartay in qoladiisu tahay cad quudheed ku yaal soomaali, qabiil laan-gaaba oon lahayn xurmada iyo karaamada reeraha kale leeyihiin ee lagu maamuuso.

 

โ€œDabkaa lagu oogay baa

Darxumo ku abuurayoo

Dakharro ku lafoobay baa

Qalbiga dildilaaciyayโ€

 

Maan niyad jabin karaankay oo waxaan ku niyad samaa inaan dugsiga aan dhigto ka gaadhi doono heer sare, oo aan noqon doono halyey lagu dhaato, oo maxaa laygu dhaadan saw hebelkiiyuun ma ihi. In kasta oo ay caqabad igu ahayd hayb-sooca aan hiilka lahayn. ย Filkay waxba iskagamay kay tiring, goobaha lagu kaftamayo markaan fadhiyo hadal badani iigama banaana. Markii aan gaadhay gaashaan qaad ee aan dirqi iyo tu fool adag kaga baxay dugsiga sare wuxaan ka niyad jabay guud ahaan sida ay u qalafsan tahay nolosha dhalinyaranimo iyo takoorka hayb-sooca aan la kulmay marar badan.

 

Waxbarashadaan waa baan sii nacay, oo maxaad u nacday waxbarshada ee asaagaa kaa reebaya habeeno badan baan is waydiiyay. ย Waxaan nafta ku qanciyay inaan ahay dadka laga tirade badan yahay oo aanay muhiim bulshada u ahayn aqoontaydu. Intaa waxa ii dheeraa waayo nololeed oo qoyskayaga u gaar ahaa, cadaadiska bulshada waxa igaga darnaa caydhnimada, calool oyga, waxa iigu filnaa markaan dheehdo nolosha iyo dabarka igu xidhan. ย  Aabahay waa kaba tole deriskayaga war isuma hayno, waan jeclaan lahaay haday warkayaga u xiisa qabaan, oo haday idiin xiisoonayaan miyaa laydin faquuqi laha xaashaa!, Marka keliya ee na loo baahdaa waa marka kabi ka goโ€™do ama timo, ku baxaan.

 

Waxaan xasuustaa hadal adeerkay ducaale igu gubaabin jiray oo i odhan jiray โ€œwaxbarasho waaye kaalayoo xoogsoโ€, marar badan oo ay isku dayaan inay dugsiga dhammaystaan ubadka aanu isku qabiilka nahay ma dhammaystaan dugsiga sare marka ardayda iyo macalimiintaba kala kulmaan hayb-sooc iyo hadidaada sumada bulshada aanu kaga duwanahay.

 

Qalafsanida nolosha aawadeed waxa laga joogaa geerida adoogay muddo laba toddobaada, waxaan bilaabay inaan noqdo tima jare (rayiisle) si aan ugu kaafiyo qoyskayaga, noloshayda waxaan u hibeeyey nolosha hooyaday iyo shan carruura oo iga yaraa, hooyaday waxa haysatay dhib gaara in kasta oo tarbiyada ubadku wakhti iyo dadaal u u baahan tahay waxay la daalaa dhacaysaa ka noogu yar oo Eebbe laxaad laโ€™aan abuuray waa awooda Alle aqoontiisa. Nolosha dhallinyranimada hunguri igama geli jirin, haasaawaha waan ka maagi jiray. Kalsooni daradu waa mushkilade waxaanu is baranay inan in kasta oon u hagar baxay waxaanu dhiganay wacad iyo axdi waxaan gacanta u geliyay noloshayda, waxaan ku dadaalay in hal wadne naga dhaxeeyo, waa caways ciida oo ay dhammaatay bishii ramadaan ducadayduna waxay u badnayd in Ilaahay isu kaayo calfo. Umaan waayo sheegin inanta mana dareensiin inaan ahay bulshada la hayb-sooco, igama filayso oo haday imoodayso dhibnahaba iimay kala furteen afka anna waan ogahay xaqiiqda.

Caawa waa habeen mugdi iyo murugo badan, si dalag oo aanan filayn waxa noogu soo gashay meheradaan ka xoogsan jiray inantii sheekadu naga dhaxaysay oo wadda wiil yar oo raad qaada. qacdii horeba waxa isku dhacay indhahayaga waa anigii oo qacanta midig ku haya maqas iyo cagaftii aan ku caana maalay, alla farxad weynaa haddana qasol iyo quus badanaa, durbadiiba waxay boobtay iridii in kasta oon hor istaagay si aan wax uga dhaadhiciyo waxay bilowday aflagaado iyo inay nasab kayga caydo, hada garo waa bishimihii kalgacaylka burqan jiray, waa adduun iyo xaalkii! Waxa gabaabsiyay hadalkii maalin ka bacdi waxa ii yimi afar wiil oo budhadh wata waxay iigu hanjabeen inay I dili doonaan haddaan ammaan siin waayo gabadhooda ma lammaanihii xubiga wadaagaybaa ammaan loo kala baryayaa? Miyaanan is gayin? Jacaylow xaal qaado!, Dhallinyaro aanu isku hayb nahay meheradana aanu ka wada shaqayna ii caqli celiyay iina sheegay inaan is geyin oo aan iska daayo beer nugaylka inantaana kashayda ka saaro, igu adkayda inaan illaabo Ubax.

Masiibooyinka dhacay iyo mahadhooyinka aan garawshiiyaha lahayn, waa gar qof walba inay saamayn ku yeelan lahayd, adba qiyaas tolow quudhsigu qiil ma leeyahay. Dadaalka guuraha, raadgoobka iyo ruclaha aqoonta halkaa kaga maan hadhine, habeenkii baan wax baran jiray maalintiina timaha ayaan jari jiray. Aqoontu waa hubka ugu culus ee aadame ku dagaalamo, waa iftiinka mugdiga iyo jahliga ka dhiga ilays, waa furaha ummad lagu bedeli karo fikirkeeda iyo fahankeeda, ee loogu jihayn karo tubta toosan iyo toobiyaha saxa ah.

Inta badan ubaxa u kaca dadkayga la hayb-sooco marka loo jiheeyo dhinaca waxbarshada ma gaadhaan dugsiga dhexe mid iyo labba mooyee, waxa ka reeba duruufo is barkan mid nololeed iyo mid niyadeed oo ay Kaw ka tahay tan hayb-soocu. Wuxuu dareemaa ardayga ka soo jeeda beelaha la hayb-sooca dhibaatada iyo saamaynta nololeed ee hayb-sooca niyad jabna wuxu ka qaadaa culays xagga qabiilkiisa ah oo bulshada kale ee uu kaga takooran yahay. Waxay qabtaan dadyowga la hayb-sooca shaqooyin gaara oo ay kala dhaxlaan, kaba tolid, bir tumaalid, Girgire samayn iyo Time jire, wayse u qalmaan shaqo kasta oo la qabto. Hatigaada iyo hayb-sooca u diidan horumar badan oo ay samayn lahaayeen bulshadan qiimaha badani, kalsoonidii noloshana waxa ka saartay bulshada aanu isku diinta, dhaqanka iyo dalka nahay ee takoorka iyo hayb-sooca bulsho nagu faquuqay. Dadaalo badan oo la sameeyay iyo abaabullo ay beesha la hayb-soocaa saamaysay lama gaadhin. Bulshadaanu la nool nahay xurmadeeda iyo xaqdhowrkeedu ma liito, ciddna nalama dagaalanto se niyad ahaan waa nala yasaa, oo maxaa naloo yasaa ee aanu galabsanay?. Waa caado jin iyo camal shaydaan ku ilhaamiyay uunka aanu la nool nahay, mansabyada iyo haykalka dawladda Kama muuqano oo ciddi xil iskama kaaya saarto, madaxwayne kasta oo dalka maamuulkiisa qabta markuu magacaabayo xillalka xukuumadiisa, Kama muuqan oo nalaguma daro. Haddana halbawlaha ummaddaanu nahay cid naga muwadinsani ma jirto.

Abbaa lagu dayriyee

Maxaad u daliishataan

Dadkuba way siman yihiin

Hadday isku diin yihiin

Dadnimo waa loo xishaa

Marโ€™uun baa ladiir naxaa

Dadkana way kaa xigaan

Haddana waa lagu digtaa

Afkaa lagu duugayaa.