Xiisadda cusub: Faransiiska iyo Turkiga
Faransiisku waxa uu maalinnimadii Khamiista shaaca ka qaaday in uu si ku meel gaadh ah u xoojinayo ciidamada ka jooga Giriiga. Gaar ahaan bariga midhitareeniyanka si uu taageero buuxda u siiyo ciidamada Giriiga.
Go’aanka Faransiisku waxa uu markale sare u qaaday xiisaddii awalba cakirnayd ee u dhexaysay Ankara iyo Baariis. Turkiga iyo Faranasiisku waxa ay ku hirdameen qalalaasaha maamul ee ka jira Liibiya iyo qaybo ka mid ah Bariga Dhexe. Kuwaas oo dhammaantood uu Faransiisku u arkay in lagaga gacan sareeyay oo uu kala kulmay guurdarooyin.
Dagaalka siyaasadeed ee Faransiisku markale ka bilaabay Giriiga isaga oo ka faa’ideysanaya xiisadda xudeedeed ee marka hore ba u dhaxaysay Giriiga iyo Turkiga waxa ay u muuqataa mid uu Faransiisku ku doonayo in uu kaga aargoosto Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga mar uu booqasho ku marayey Iswisarlaan maalinnimadii Jimcaha ayaa ku booriyey Faransiiska in uu ka fogaado tallaabo kasta oo abuuraysa nabadgelyo xumo.
Waxa uu sheegay wasiirku in aanay meelna ka ogalaan doonin in la isku xoog sheegto, haddii ay tahay Liibiya, waqooyi bariga Suuriya, Ciraaq ama midhitareeniyanka.
Wasiirka difaaca Giriiga ayaa ku macneeyay shil aan loo qasdin weerarka lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee Turkiga balse Turkiga ayaa ku sheegay in ay ahayd weerar daandaansiya.