Dulqaadka Beenta ah (Pseudo-tolerance)  …WQ: (Cabdullaahi Xaaji Saciid)

“Dulqaadka aan xadka lahayn iyo himilo la’aantu waa wanaagga ugu dambeeya ee bulsho dhimanaysa.” Aristotle.

Adduunkan maanta waxa ragaadiyey fikrado isdiidan iyo midnimo la’aan sii kordheysa, kuwaasoo fahanka fikradda dulqaadka ka dhigay mid udub-dhexaad ah marka la hayo doodaha khuseeya wadajirka bulsho.

Asalkaba, dulqaadka, nuxurkiisa dhabta ah, waxa uu tilmaamayaa aqbalaadda iyo ixtiraamka fikradaha kala duwan ee ku salaysan doorashada qaab nololeedka bulsho. Dulqaadka dhabti ahi waa naxariis iyo nolol laakiin waxa jira fikraddo duraya marka dulqaadku uu noqdo mid been ah (Pyseuode telorance) oo lagaga dhuunto in wax lagaga qabto halis iyo khatar muuqata.

Maahmaah caalami ah ayaa muddo dheer ka digtay khatarta la xiriirta dulqaadka xad-dhaafka ah. “Qofkii wax walba u dulqaataa waxba ma aha”.Xikmadani waxay bixinaysaa digniin ah, dawlad ama bulsho dhaqan ka dhigata dulqaad been abuur ah, in ay muwaadiniinteedu noqdaan kuwo aan dan ka lahayn nabaad guurka xuquuqdooda iyo xorriyaddooda.

Saamaynta Taban Ee Dulqaadka Beenta ah

1. Faham la’aan dhab ah:

Dulqaadashada beenta ahi waxay inta badan keentaa faham la’aan wayn oo sobabta heer bulshadu ay gaadho in ay kala garan waydo sharka iyo khayrka.

2. Cabudhin:

Dulqaadka been abuurka ah waxa kale oo uu horseedi karaa in la xakameeyo fikradaha xorta ah. Tani waxay caqabad ku tahay doodaha caafimaadka qaba, kobaca garaadka, iyo horumarinta fikradaha kala duwan ee bulshada.

3. Sinnaan la’aan:

Bulshada qabtinta dulqaadashada xad dhaaf ka ah waxay inta badan ku guul-darraysataa inay wax ka qabato sinnaan la’aanta dhexdooda ka jirta. Cadaalad daraduno waxay noqotaa hidde jiilba jiil ka dhaxlo.

4. Damiir la’aan:

Dulqaadka beenta ahi waxa uu dhalin karaa dareen la’aan iyo fulaynimo. Halkii si dhab ah looga damqan lahaa dhibaatooyinka bulshada haysta dadku waxay si joogto ah u diidaan halganka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka hortaagan horumarka. Tani waxay keeni kartaa in la waayo naxariis iyo damqasho.

Gabagabadii, iyadoo dulqaadka been abuurka ah laga yaabo inuu marka hore u muuqdo mid wanaagsan, marka danbe waxuu saameyn taban ku yeeshaa akhlaaqda, kartida iyo midnimada bulshada. Dulqaadka dhabt ah, waxa tiirar u ah wada hadal furan, isqancin iyo tallo’wadaag, halka ka beenta ay sal u tahay ismoodsiin halis muuqata.

 

WQ: Cabdullaahi Xaaji Saciid

dbandhige@gmail.com