Noocyada kala duwan ee caqli badnaanta ..W/Q: Rooble Muuse Cismaan (Ugaaska)

Ammin wanaagsan dadka qiimaha badan ee aanu halkaan oolka ka nahayow .

Maanta qodob muhiim aan u arkay ayaan isku dayi doonaa in aan ka hadlo . Noloshan aynu ku noolahay marar aan daalacanayay sida uu aadamaheennani nolosha ula falgalayo, waxa isoo baxay In dad badani ay wali baadi goob ugu jiraan heli taanka naftooda iyo halka ay ku awoodda badan yihiin . Walaalkay iyo walaashayay waxad oogaataa in aanay nafaha Alle abuuray isku awood iyo isku xoogaanan ahayn xaga garaadka .Saykoolajistigii reer Mareykan Howard Gardner, ayaa waxa uu buuggiisa Frame Of Mind ee soo baxay 1983, ku gorfeeyay noocyada caqliga aadanaha, waxaana uu sheegay in marka la qiimaynayo caqli badnaanta dadka la eego sagaal dhinac oo kala duwan, kuwaas oo lagu sheegi karo sagaalka nooc ama dhinac ee caqli badnaanta. Qof walba oo caqli badanina waa in uu noqdo sagaalkaan nooc nooc ka mid ah, iyada oo weliba mararka qaar uu hal qof ahi wada yeelan karo dhawr nooc oo caqli badnaan ah.

noocyada kala duwan ee caqli badnaantuna waxa ay kala yihiin;

1. Logical Intelligence (Mathematical Intelligence): dadka caqli badnaanta noocaan ah leh oo ah dad inta badan xisaabta iyo wax isku aaddinta ku fiicani, waa dad feker badan, oo aad u xiiseeya in ay wax walba wax fiican ka ogaadaan, kuwaas oo ay sarreyso awooddooda sababeynta iyo maangalku.

2- Linguistic Intellingence: dadka caqli badnaanta noocaan ah lehi waa dad si fiican u yaqaanna qaabka loo hadlo, ama wax loo soo bandhigo, kuwaas oo ay sarreyso awooddooda eray doorashadu.

3- Interpersonal Intelligence: dadka caqli badnaanta noocaan ah lehi waa dad ay sarreyso awooddooda shucuur fahmiddu, waxaana caadi la ah in ay fahmaan dadka kale iyo dabeecadahooda, arrintaas oo keenta in ay qof walba oo dadka ka mid ah ula dhaqmaan si ka duwan sida ay dadka kale ula dhaqmayaan.

4-Intrapersonal Intelligence: dadka noocan ahi waa dad garasho sarreysa u leh in ay fahmaan nafahooda, dabeecadahooda iyo sida ay shakhsiyaddoodu u shaqeyso.

5- Musical Intelligence: dadkani waa dad ruux ahaan ula falgala fanka iyo muusigga, oo ku raaxeysta laxammada, erayada, suugaanta, heesaha, xikmadaha iyo wax walba oo la xiriira.

6- Visual Intelligence: dadka leh caqli badnaanta noocaan ah waxaa sarreysa awooddooda khayaalka iyo sawirashada.

7- Kinesthetic Intelligence: dadka caqli badnaanta noocaan ah lehi waa dad adeegsada awooddooda jidheed si ay wax uga beddelaan nolosha, waxaana ay inta badan muuq ahaan u dooriyaal (dominance) wax walba oo hareerahooda yaal, iyaga oo soo bandhiga awood badnaan jidheed, iyo adeegsi muruqeed.

8- Naturalist Intelligence: caqli badnaantani waxa ay ka timaaddaa marka uu qofku awood u leeyahay in uu fahmo, oo la falgalo dabeecadda nolosha. Waxaana ay dadkani si ruuxi ah dareen ugu hayaan waxyaalaha aan nooleyn, ama noolaha aan caqliga laheyn

9- Existential Intelligence: dadka caqli badnaanta noocaan ah lehi waa dad ku fiican in ay wax iska weydiiyaan macnaha nolosha, jihada aadanaha, sababaha loo sameeyo wax walba oo la sameeyo, sirta nolosha iyo fahmidda walxaha.

Walaalahayga qiimaha badanow noloshani waxay u joogtaa si ay inoogu adeegto haddaynu nahay basharka. Ku dadaal in aad kasmadaada iyo garaadkaaga u adeegsato sidii aad ugu kobcin lahayd naftaada , kuna bixiso tamartaada si aad u muujiso awoodaha tiro beelka ah ee ku kaydsan naftaada.

Khamiis wanaagsan waan idin salaamay Ehel iyo Asxaaba meel kasta oo aad joogtaan.

Tixraac

– Frame Of Mind

– Q- Ladane Cabdi Xasan

 

Q- Rooble Muuse Cismaan (Ugaaska