Dulsaarka daynta iyo dheefta iibka ee Baananka Q1aad(WQ: Bare Sare Axmed Muuse Ismaaciil)

 

In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalatey xeerka Baanankaย  Ribada ku macaamila ee baarlamaanka Somaliland ka doodayo ajandihiisa.
Arrintan baa dood dheer ka dhex curisayย  golaha sharci dejinta Soomaliland, unugyada aqoon yahanka ee dhaqaale yahanka ah, culimada shareecadaย ย  iyo bulsho weyntaย  guud ahaanba.ย  Mugdi weyn ayaa ka abuurmay macaamilka baananka Islaamiga ah, Baanankaย  Ribada ku ganacsada iyoย  waxa ay ku kala soocan yihiin. Waxa isku gedmaday oo la kala fahmiย  la’yahay Ribada iyo Muraabaxada (kala macaashka) oo dirkuba iika ka tirsan yihiin.

Waxa tuhun weyn dusha loo saaray culimada shareecadaย  oo iyagu ka soo hor jeestay baananka Ribada, waxaana loo sibir saaray in ay hiil gaar ah ama difaacย  ay maslaxadi ugu jirto iyaga oo toos ah la garab istaageen baananka islaamiga. Aqoon yahan badan oo dhaqaalah bare ka ah , waxana ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa iyaguna ku jiho wareerayย  fahamka iyo kala sooca macaamilka labadan jaad ee baananku ku adeegaan. sidoo kale bulsho weyntaย  la macaamisha baananka islaamiga ah ayaa tashuush , caad iyo xayaabo ka fuushay macaamilkooda ganacsi ee ay la wadaagi jireen baanankaas.

Haddaba si aan u kala furdaamino arrimahan isku murgay, si aynu jid ugu buxino is-diidooyinka kakan eeย  ay ku mergadeen in badan oo mujtamca ka mid ah , si ay dab-qulaalis ugu noqotoย  xubnaha xildhibeenada baarlamaanka Somaliland oo miidadowsanayaย  sawir iska gedmaday oo uga hummaagayย  labadan nooc ee baananka.
waxa aan qalinka u qaatay in aan hawraartayda ka geystoย  xaajadan gudaha weyn. ma ihi Fiqiย  culuunta shareecada tahan fog ka gaadhay, ee waxaan ahay dhaqaale yahan cilmiga ganacsigaย  bartay oo barena ku ah, kuna sar goosteyย  dhaqankiisa, dhaqaalihiisa, diintiisaย  iyo waayaha uu ku nool yahay miisaanka shareecadda.

Qormadan taxanaha noqon doontawa waxaan si waafi ah ugu lafo guri doonaa Iibka guud , anigoo ku dhisaya qaacidooyika madhabka Shaafici, iyo aragtiyaha ama falsafadaha ganacsiga. Iibka ; waa eray ka kooban laba waaxoodย  iib+ka oo ah magac iyo qodob, waxaanu leeyahayย  dhadhanย  macne oo qofka afka soomaaligu u ibo baxsan yahay u sameeynayaย  faham diir la’ oo cad. Iibku waa dhaqanย  iyo macaamil u dhexeeya aadamaha oo dhan , mase aha mid u dhexeeya Allaah iyo aadamiga.

La soco……….
Bare Sare Axmed Muuse Ismaaciil