Weftiga Guddoomiyaha Kulmiye ee Nayroobi waxay kulamo la yeesheen safiirada safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hayโ€™adda USAID

 

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee Kulmiye, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kiiniya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nayroobi iyo madaxda sare ee hayโ€™adda USAID.

Shir ka qabsoomay xarunta Safaaradda Denmark ku leedahay magaalada Nayroobi, ayaa dublumaasiyiinta saddexda dawladood ee Denmarka, Finland iyo Australia ee Nayroobi ku qaabileen Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisa oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha danaha Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa dawladahan.

Waxa kale oo weftiga Guddoomiyuhu la kulmeen Agaasimaha hayโ€™adda mucaawanada dibadda ee dalka Maraykanka ee USAID u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Tyler Beckelman oo uu wehelinayey La-taliyaha hay’adda USAID ee dhinaca doorashooyinka Bariga Africa Johanna Wilkie.

Weftiga Somaliland waxay kala hadleen dublamaasiyiintan iyo madaxda USAID xaaladdaha Somaliland ku jirto oo ay ka mid yihiin abaaraha saameeyey dalka iyo doorashooyinka ku soo foolka leh oo ay u sheegeen in labada arrimoodba looga baahan yahay beesha caalamku inay gacan ka gaysato.

Waxa kale oo ay u soo jeediyeen in deeqaha ay bulshada caalamku siinayso Somaliland gaar looga dhigo, isla markaana lagu saleeyo qorshaha shanta sanno ee horumarinta Somaliland ee ay dejisay xukuumaddu.

Dhinaca kale, weftigu waxay kulan la qaateen Afhayeenka Baarlamanka dalka Kenya Mr. Justin Muturi iyo hoggaamiyaha Aqlabiyadda mudanayaasha aqalkaasi Aadan Barre Ducaale, waxaanay ka wada sheekaysteen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sida loo sii xoojin karo.

Murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi waxa kulamadaasi ku wehelinayey xubnaha weftiga oo kala ah Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyahaย Md. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Cabdillaahi Cabdi Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

bandhige@gmail.com