Dumarkii Daacish-ta U Duulay! Q.2aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Maadaama oo ururkii DAACISH dhawaan laga saaray magaaladii ugu dambaysay ee ay gacanta ku hayeen, waxa aynu qormadan ku eegi doonaa dumarkii ka soo hayaamay daafaha adduunka ee ku soo biiray ururka DAACISH iyo xaaladihii nololeed ee ay soo mareen.

= Shamima Begum: Waa gabadh 15 jir ah oo ku dhalatay dalka Ingiriiska, kuna barbaartay. Qoyskeedu asal ahaan waxa ay ka soo jeedaan dalka Bangaaladheesh. Waxa ay ahayd ardayad dhigata dugsi ku yaalla deegaanka BETHNAL GREEN ee caasimada Landhan. Shamima iyo laba hablood oo ay isku dugsi ahaayeen oo kala ahaa Amiira iyo Kadiza ayaa hal mar la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen horraantii sannadkii 2015. Saddexdan hablood waxa ay xidhiidh xagga Internet-ka ah la sameeyeen xubnaha ururka DAACISH u qaabilsan soo jiidashada shisheeyaha caalamka si jihaadka ay ku jiraan ay ugu soo biiraan. Shamima iyo labadeedii saaxiib dood iyo falanqeyn kooban ka dib waxa ay goโ€™aan sir ah oo hoose ku gaadheen inay ku biiraan ururka DAACISH.
Waxa ay muddo kooba isku dubo-rideen bixitaankoodii ilaa dalka Suuriya. Iyaga oo ka qarinayaa waalidiintooda iyo saaxiibadooda kale ayey goosteen saddex tikidh oo ilaa Turkiga ah. Ka dib waxa ay ka gudbeen xuduuda Turkiga iyo Suuriya.

Waxa ay xidhiidh la sameeyeen kooxdii soo hagtay. Iyada oo aan war iyo wacaal laga haynin ayey qoysaskoodu sheegeen inay u malaynayaan inay Suuriya tageen oo ay ku biireen ururka DAACISH. Shamima markay toban cisho la joogtay ururka DAACISH ayuu guursaday Yago Riedigk oo reer Holan ah oo diinta Islaamka qaatay, oo laftiisu DAACISH-ta ku soo biiray sannadkii 2014. Yago Riedigk markii DAACISH laga itaal-roonaaday wuxuu isu dhiibay jabhada Kurdiyiinta ee SDF, waxaanau ku xidhan yahay jeel ku yaalla waqooyi-bari Suuriya. Shamima waxa ay Yago u dhashay saddex carruur ah oo laba ka mid ahi markiiba ka dhinteen nafaqo-darro iyo daryeel caafimaad laโ€™aan.

Inankeeda ugu yar carruurteedu wuxuu ku dhashay xero qoxoonti oo ku taalla waaqoyiga Suuriya. Bishii saddexaad ee sannadkan ayuu u geeriyooday oof wareen. Shamima oo haatan nolol adagi ku haysato xero qoxoonti oo ku taalla Suuriya, ayaa sheegtay inay ka xun tahay goโ€™aankii ay ku qaadatay ee ku biirista DAACISH. Xoghayaha arrimaha gudaha Ingiriiska ayaa wacad ku maray in aanay Shamima cagaha soo dhigeyn carriga Ingiriiska. Wuxuu sheegay in sharciyada Ingiriiska iyo kuwa caalamiga ahi dhigayaan in la maxkamadeeyo qofka ku biira ee ku qanca urur argagixiso. Dawlada Bangaaladheesh oo ay qoyskeedu asal ahaan ka soo jeedaan ayaa iyana diiday inay dalkooda ku noqoto Shamima. Looyar ay qoyskeedu u qabteen inuu u doodo ayaa sheegay Shamima in la khalday oo ay inan yar ahayd maskaxdana laga beddelay oo ay u baahan tahay taageero dhinaca maskaxda ah.

Wuxuu sheegay inay sharci ahaan ay tahay Ingiriis. Shamima waxa ay waraysi siisay dhawr warbaahinood oo Ingiriis ah, waxa aanay ku sheegtay inay nolol qallafsani oo aanay weligeed ku riyoon ay kala kulantay joogitaankeedii ururka DAACISH. Waxa ay sheegtay inay kala aarsadaan ururka DAACISH iyo dawladaha la dagaalamayaa. Mar isna la waraystay ninkeedii Yago, ayuu sheegay inuu jeclaan lahaa in isaga iyo xaaskiisu Shamima ay dib ugu noqdaan Yurub oo ay qoysaskoodkii la midoobaan. Dawladda Holan ayaa markiiba ganafka ku dhutatay dalabka Yago, waxaanay sheegtay in aan loo ogoleyn inuu ku soo noqdo Holan. Sharciga Holan ayaan ogoleyn in la guursado gabadh 15 jir ah, waana dembi. Labadii hablood ee ay is raaceen Shamima ayey sheegtay inay u malaynayso inay ku dhinteen duqeyn ku habsatay guryihii ay deganaayeen.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com
La socoโ€ฆ