Sidee loo ogaadaa Ilmaha Autism-ka ah? Q.2aad (WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Marka laga hadlayo baadhitaanka xaaladan caafimaad ee Autism spectrum Disorder (ADS), ma jirto shaybaadh rasmi ah oo u gaar ah oo lagu ogaado. Laakiin waxa loo cuskadaa xaqiijinta xaaladan caafimaad laba arimood oo kala ah: Waa in taariikh dhamaystiran laga ururiyo ilmaha, laga soo bilaabo markii uu dhashay ilaa daโ€™da uu joogo, si loo ogaado koritaankiisa jidheed, garaad, hab dhaqan iyo hadalba.

Arinta labaad waa in qiimayn joogto ah lagu sameeyo koritaanka ilmaha, iyadoo uu qiimaynaayo oo kormeerayo Dhakhtar takhasus u leh koritaanka iyo Psychology-ga caruurta.

Waxa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in astaamaha Aurism-ku ay ilmaha ku bilaabmaan inta aanu gaadhin 18 bilood. Waxa kale oo la xaqiijiyay in hadii ilmuhu shan sano kugaadho caafimaad qab ay dhif tahay in Autism looga shakiyo.
Sidaas darteed, labada sano ee ugu horeeya nolosha ilmaha waxa muhiim ah in waalidka,siiba hooyadu, u dhug yeelato koritaanka ilmaheeda oo ay dhakhtarada la socodsiiyo hadii ay ka shakido koritaanka ilmaha dhinac walba.

Hadaba waa kuwee Astaamaha waalidka shaki gelin kara ee ay tahay in uu dhakhtar u bandhigo?.

Sanadka ugu horeeya nolosha ilmaha way adagtahay in si buuxda loo qiimeeyo astaama Autism-ka. Laakiin sanadka labaad iyo sadexaad, hadii astaamahan aynu hoos ku sheegi doono, waalidku ku arko ilmaha waxa fiican in uu la tashado dhakhtar aqoon u leh xaaladan caafimad.

Hadalka iyo xidhiidhka dadka:

1. dib u dhac ku yimaad hadalka, gaar ahaan fahamka. Ilmaha labo ilaa sadex jirka ah waa inuu isu yaqaano magaciisa, oo marka loogu yeedho uu la falgalo. Wuxuu fahmaa weedho kooban oo amar siin iyo sharax isugu jira. Waxa uu garowsadaa digniinta, isaga oo sakatiya marka loo qayliyo. Hadaba hadii ilmuhu intaasba aanu la fal gelin waa in fiiro gaar ah loo yeesho.

2. Sidoo kale daโ€™daas caruurtu waxay fahmaan caadifadaha dadka sida oohinta, qosolka iyo cadhada; tusaale hadii hooyadu iska dhigto in ay ooyayso ilmaha sadex jirka ahi wuxuu isku deyi in uu aamusiiyo, hadii wax ka qosliyo loo sameeyo wuu qosli. Laakin ilmaha Autism-ka ahi ma fahmo mashaacirtaa aynu soo sheegnay kamana fal celiyo. Taasina waa in ay dareen ku abuurto waalidka.

3. Astaamaha si dhab ah u tilmaama Autism (Absolute indicators)- waxa ka mid ah:

A. Ilmo aan hadaaqin, qoslin oo aan wax faro fiiqfiiq ah samayn isagoo gaadhay 12 bilood.
B. Ilmo aan erey keli ah odhan karin isagoo 18 bilood gaadhay.
C. Ilmo aan codka waalidka canjili karin ama aan odhan karin laba erey isagoo 24 bilood gaadhay.
D. Ilmo lumiyay ereyadii uu hore u bartay ama koritaankii dareenka ee uu kasbaday daโ€™diisu intay doonto ha ahaatee.

Astaamahaas afarta ah waxay waajibinayan in ilmahaa si dhakhso ah Dhakhtar aqoon u leh xaaladan loogala tashado koritaankiisa.

Dhex-galka caruurta kale iyo hab-ciyaareedkiisa:

1. Caruurtu waxay ku ciyaaraan mala-awaal (Imagination and Imitation), waxay metelaan qoys sida hooyo, aabo iyo caruur, waxay dhisaan guryo, waxay hal abuuraan humaag maskaxdooda kujira oo ay ku ciyaaraan. Ilmaha Autism-ka ah mala-awaalku wuu ka maqan yahay (Lack of Imagination).

Waxa taasi sii raaca waxa ku yar xiisaha caruurtu u muujiso waxa cusub sida qalabka lagu ciyaaro, hadyadaha iyo tegitaanka meelo ku cusub (Lack of interest and excitement). Ilmaha Autism-ka ah ma curin karo ciyaar cusub mana jecla in uu caruurta kale waxba la wadaago, waana halka ay katimid Autism ama Gooniyow.

2. Ilmaha Autism-ka ah si furfuran uma cabiri karo caadifadiisa, sidaa darteed si fudud ayuu u diiqadoodaa, waxaanu bixiyaa falcelin aad uga wayn falka lagu sameeyay. Ilmahaas ma awoodo in uu gorgortamo, wax xeeladeedo, ama uu ogolaado meel-dhexe in la isugu yimaad. Waxa ku badan in uu caruurta kale qaniino, wax kudhufto, amaba uu iskaga dhex bado oo keligii is mashquuliyo.

3. Ilmaha Autism-ka way ku adagtahay in uu la qabsado isbedelka, wuxuu jecel yahay in uu ficil keli ah ku celceliyo mudo dheer (repetitive actions); sida in uu xidho oo furo daaqadaha iyo albaabada, ama uu shido oo bakhtiiyo laydhka xataa hadii lala diriro. Wuxuu jecel yahay in uu si keli ah u ciyaaro; sida isagoo layman u habeeya qalabka ciyaarta ama maacuunka guriga.

Kuwaas oo dhami waa qayb ka mid ah astaamaha lagu arko caruurta Autism-ka ah. Laakin astaan keli ah ama laba masheegayaan in ilmahaasi aanu dabiici ahayn. Waa in cid aqoon u leh xaaladani qiimaysaa hab-dhaqanka ilmaha.

Lasoco qaybta danbe