Dumarkii Madaxda Ka Takhalusay W/Q: Cali Cabdi Coomay

Labada aqoonyahan ee Rene Descartes iyo Aristotle waxa ay aaminsan yihiin caaqiido siyaasadeed oo adduun si weyn ilaa maanta loogu dhaqmo, waxa aanay dhigaysaa” Haddii siyaasad lagaaga adkaado, waxa kuu furan saddex waddo oo kala horreeya, inaad mid ku dhaqaaqdo. Ta koowaad, waa inaad ku jawaabtid hab siyaasadeed u dhigma ta aad ku guuldaraystay. Ta labaad haddii aad weydid jawaabtaasi, waxa kuu furan inaad dagaalanto. Ta saddexaad waa inaad is-dhiibto haddii aad midna awoodi weydo.”

= April Catherine Glaspie, waxa sannadkii 1988 loo magacaabay safiirka dalka Maraykanka u fadhiya dalka Ciraaq. Waxa ay ahayd habar fidno ka talis ah. Waxa ay aad uga shaqaysay caawimadii ay Maraykanku siin jireen Saddaam Xuseen markii uu dagaalka kula jiray Iiraan. Dalal badan oo bariga dhexe ah ayey hore uga soo shaqaysay, waxa ay la falgashay dhaqanka Carabta. Warbaahinta reer Galbeedka ayaa si weyn uga warrami jiray shirqool ay u dhigtay Saddaam Xuseen maadaama uu aaminay markii uu Maraykanku ka caawin jiray dagaalkii uu kula jiray Iiraan. Waxa ay ka dhaadhicisay in aanu Maraykanku shuqul ku lahayn khilaafaadka u dhexeeya Carabta, sidoo kale aanu Maraykanka waxba ka qabin inuu duullaan ku qaado Kuweyd, oo khilaaf ka dhexeeyey. Waxa ay ku dhiirogelisay inuu weeraro Kuweyd, oo uu dantiisa fushado. Markii uu qabsaday ee Madaxweyne Bush u hanjabay Saddaam Xuseen, waxa ay u sheegtay in hanjabaadu ay tahay oo keliya afka oo lagu raalligelinaayo Kuweyd iyo dalalka Khaliijka oo aanay dhab ahayn. 2/8/1990 ayuu Maraykanku duullaan ku qaaday Saddaam iyo ciidamadiisii haystay Kuweyd, haweenaydii shirqoolka u dhigtay Saddaam waxa ay Ciraaq ka baxday laba cisho ka hor duullaankii Maraykanka.

= Madeleine Albright waxa ay ahayd wasiirkii arrimaha dibadda ee Maraykanka wakhtigii madaxweyne Kilinton sannadkii 1993. Madaxweyne Kilinton waxa ay ka dhaadhisay in xoghiyihii guud ee Qaramada Midoobay ee Buturs Qaali aanu is-taahilin inuu mar labaad isu soo sharraxo jagada xoghyaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo khatar ku ah danaha dalka Maraykanka ee adduunka. Maraykanka ayaa go’ankaasi qaatay. Buturs Qaali waxa ay ugu tagtay xafiiskiisa waxa aanay ku tidhi “ama ku dhawaaq in aanad mar labaad u tartameyn xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ama codka diidmada qayaxan ee VETO ayaanu adeegsanaynaa. Waxaanad haystaa in aad jawaab iigu keentid 24 saacadood.” Markiibana way ka dhaqaaqday, iyada oo kibirsan. Sidii ayuu xilkiisii ku waayey. Markii dambe wuxuu ku calaalacay habartaasi ayaa xilka iga qaaday oo si bilaa xurmo ah ilaa dhaqantay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.                      

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: The Battle of Muqdishu Failed New World Order…….Mohamed Abdi Elmi..2022.