Khilaafkii Danjire Gacaliye Iyo Maxamed Siyaad W/Q: Cali Cabdi Coomay

Wefti uu hogaaminaayo Maxamed Siyaad oo ku sugnaa dalka Yugaandha oo uu kaga qaybgalyey shirkii ururka Midowga Afrika sannadkii 1975, ayaa waxa ka soo qaybgalay safiirro badan oo caalamka u kala fadhiyey Soomaaliya. Safiiradaasi ama Danjireyaashaasi waxa ka mid ahaa Maxamed Gacaliye oo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Faransiiska gaar ahaan caasimadda Paris. Gacaliye wuxuu ahaa haybta madaxweyne Maxamed Siyaad. Safiir Gacaliye ayaa Maxamed Siyaad ku yidhi” Madaxweyne waxa igu maqaalo ah in aad doonayso in aad Cabdiraxmaan Jaamac Barre aad u magacowdo Wasiirka Arrimaha Dibadda. Madaxweyne maaha nin u qalma inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.” Siyaad Barre iyo Cabdiraxmaan waxa ay ahaayeen ilmaadeer run ah, oo labadooda aabo ayaa walaallo ahaa. Siyaad Barre iyo Jaamac Barre.

Soo jeedintii Safiir Gacaliye ayaa ka cadhaysiisay Maxamed Siyaad Barre, iyada oo wejigiis ay cadho ka muuqato ayuu ku yidhi” waar edeb ma lihid. Waar miyaanad ogeyn in aan madaxweyne ahay oo aan qofkaan doono magacaabi karo. Waar bax.” Gacaliye ayaa deg deg u baxay.

Maxamed Siyaad Barre oo sii daba socda hadalkii uu Safiir Gacaliye ku durayey Cabdiraxmaan Jaamac Barre ayaa yidhi” Cabdiraxmaan Jaamac Barre, aniga ayuu igu ag koray. Waa shakhsi dabci xun oo jac-jacoor ah. Aabihii Jaamac Barre abaal ayaa uu igu  lahaa. Abaalkii ayaan u gudayaa. Sagaal jir ayaan ahaa markuu aabbahay geeriyooday. Madi ayaan ahaa, shan hablood ayaan la dhashay. Boqol halaad ayuu nooga dhintay. Geeljiraha Mareexaan siday doonaan ayey ka yeeli jireen geel aanu leenahay. Markay doonaan way qalan jireen.

Sagaal jir ayaan ahaa, awood aan geelayaga ku difaaco ma lahayn. Aniga iyo hablihii aanu walaalaha ahayn waxa nagu habsatay silic iyo niyad jab. Adeerkay ayaa malcaamad nagu daray oo gurigiisa na geeyey. Markaasi ayaa nafis iyo farxad noogu horraysay. Duruufahaasi adag ee yaraantaydii I soo maray, waxa ay igu reebeen raad ah in aanaan marnaba halmaamin intii karankayga ah ciddii abaal ii gashay, in aan u gudo.” Hadalkiisu wuu dheeraa, laakiin nuxurkiisu waa intaasi. Aakhirkii markii dambe wuxuu u magacabaay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaamac Barre.

Tixraac: Amb. Xuseen Cali Ducaale “ Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed. V.2