Isku-dhicii Cigaal Iyo Cumar Carte W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sannadkii 1967-kii markii uu Raysal Wasaare Cigaal ‘AHN’ heshiis la soo saxeexday madaxda dalka Kiiniya, kaasi oo dhigayey in labada dal ay nabadgeliyo kuwa wada noolaadaan oo xuduudaha la isku furo. Meeshana laga saaro jabhado la dagaalami jiray Kiiniya. Ayuu safar kale ku tegay dalka Itoobiya si uu heshiis kaasi la mid ah ula soo saxeexdo Boqor Xayle Salaase oo Itoobiya maamulayey. Wakhtigaasi waxa dalka Itoobiya Safiir ka ahaa Cumar Carte Qaalib ‘AHN’. Weftigii Cigaal ayaa lagu soo dhaweeyey caasimadda Adiis Abab, oo weliba waxa Madaarka kaga hortegay Raysal Wasaare Cigaal, Boqor Xayle Salaase oo aan weligii wefti shisheeye Madaarka ugu tegin. Maalintii heshiiska qallinka lagu duugayey, Cumar Carte goobjoog kamuu ahayn, wuxuu joogay gurigiisa. Cabbaaro 3-dii galabnimo ayey labadii wefti isa soo horfadhiisteen, iyaga oo ay kala hogaaminayaan Raysal Wasaare Cigaal iyo Boqor Xayle Salaase.

Waraaqdda hortaalla ee la kala saxeexanayo waxa ku qoran” border between Somalia and Ethiopia. “ Halka Soomaaliya qori jirtay “ Defacto border”, iyadoo u aqoonsanayd inay xuduuddu tahay xuduud beeneed ay Itoobiya xoog ku haysato. Mid ka mid ah shaqaalihii safaaradda oo ku sugnaa qolkii shirka ayaa Cumar Carte wargeliyey. Cumar Carte, ayaa isaga oo cadhaysan qolkii soo galay. Warqaddii heshiisku ku qornaa oo hortaall Cigaal ayuu miiska kala booday. Cigaal iyo weftigiisii ayaa isla oogsaday. Ilaaladii Boqor Xayle Salaase ayaa dareemay inuu dagaal ka dhex qarxay  weftigii Soomaaliya. Boqor Xayle Salaase ayey la baxsadeen. Cumar wuu qalinayey. “ wallaahi inaanad Cigaalow warqaddan saxeexayn aniga oo halka safiir ka ah. Iga qaad safiirnimada, haddii aad rabto inaad saxeexdo.” Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Sheego iyo xubnihii kale ayaa isku dayey inay dejiyaan Cumar, iyaga oo u soo jeediyey” Cumarow Cigaal ayaa Raysal Wasaare ah, isaga ayey masuuliyaddu saaran tahay. Adigu safiir ayaad tahay. Arrintan masuuliyad kaa saarani ma jirto.”

Cumar wuxuu ku celiyey, Cigaal safiirnimada ha iga qaado intaanu saxeexin. Sidii Cumar doonayey ayey noqotay. Cigaal ayaa isla markiiba warqad qoray oo Cumar Carte safiirnimadii ka qaaday, safiir cusubna magacaabay, oo xubnaha weftiga ka mid ahaa. Laba saacadood ka dib ayuu shirkii dib u furmay. Boqor Xayle Salaase iyo RW Cigaal ayaa kala saxeexday heshiiskii xidhiidh-wanaajinta labada dal. Cumar Carte waagu ugumuu baryin Adiis, markii xilka laga qaaday ayuu ka soo baxay oo uu Hargaysa yimid.

Tixraac: Amb. Xuseen Cali Ducaale “ Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed. V.2