Somaliland Y-PEER oo kulan sannadeed u qabtay dhallinyaro dhamaysatay xirfadaha maaraynta iyo hirgelinta nolosha 

Hayada maxaliga Somaliland Y-PEER ayaa waxa ay soo qabanqaaabisay kulan sannadeed ay u qabteen dhallinyaro dhamaysatay xirfadaha maaraynta iyo hirgelinta nolosha (Vamos). Kulankan oo ka dhacay magalada Hargaysa ayaa u jeedadiisu ahayd sii talooyin dheerada, tilmaamo iyo dhiiri galin loo siin lahaa dhalinyaradan oo tababaro hore u hore qaatay sannadadii la soo dhaafay. Tababarada xirfadaha maaraynta maaraynta iyo hirgelinta nolosha ayaa waxa lagu gaadhay dhallinyarada kor u dhaafay 700 oo dhallinyaro ah.

xirfadaha maaraynta iyo hirgelinta nolosha (Vamos) waxa uu ka mid yahay mashruuqa Mustaqbaldoon oo ay wada jir u fuliyaan Somaliland Y-PEER iyo Hayadda Deaconess Foundation oo taageero maaliyadeed ka helay wasaarada Arrimaha Dibedda Finland, sidoo waxa Mustaqbaldoon taageero dhinaca hirgelinta ka helaa wasaarada Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhallinyarada iyo Wasaarada Waxbarshada.

 

 

Bandhige@gmail.com