Duufaanta siyaasadeed ee kusoo wajahan madaxwayne Farmaajo (WQ: Xasan Gumburaawi)

La iima diidin saddexdan madaxwayne ee Hawiye ee dhamaantood soo maray Somaliya Waa nasab kaamila waa se ay garan waayeen reer koonfureed.

Saddexdii madaxwayne ee hore u soo maray somaliya ee kala ahaa Cali mahdi Mohamed, sheekh shariif sheekh Ahmed iyo Hassan sheekh ayaa maanta kulan xasaasiya ku yeeeshay magaalada muqdisho

Kulankan ayaa loo malaynayaa inuu ka dambeeyay ka dib markii uu xukunka qabtay madaxwayne Farmaajo inuu bartilmaameedsanayo Madaxda ka soo jeeda Beel waynta Hawiye

Xukumada madaxwayne farmaajo ayaa dhawaan u diiday madaxwaynihii hore ee somaliya Sheeekh shariif sheekh ahmed inuu ka dhoofo garoonka Adan Cade isagoo rabay inuu ka qayb galo caleemo saarka madaxwaynaha Jubbaland Ahmed madoobe, oo la filayay inuu dhawaan ka dhaco magaalada kismaayo

Dhanka kale madaxwaynihii hore ee somaliya Ali Mahdi Mohamed ayaa isna loo diiday inuu ka gudbo bar kaantarool oo ku taala magaalada muqdisho, ciidamadii joojiyay madaxwaynaha ayaa handadaan iyo cago juglayn isugu daray madaxaynihii hore iyaga oo og inuu yahay madaxwayne Ali Mahdi Mohamed oo mar ahaa madaxwaynayashii saamaynta badan ku yeeshay somaliya iyo guud caalamka, waxaana weli quluubta beesha caalamka ka bixi la, iska hor imaadyadii dhiiga badani ku daatay ee Madaxwayne Ali Mahdi kaga hor tegay Hawlgalkii Qaramada midoobay ka waday somaliya kaas oo la rabay in gacanta lagu dhigo hogaamiye Ali mahdi mohamed iyo madaxdii ka soo hor jeeday in ciidamo shisheeye soo galaan gudaha somaliya

Lama oga halka uu ku damabayn doono xaaladan cakiran ee kuu soo waajahan Madaxwayne Farmaajo, waxaana laga cabsi qabaa in si cad ay uga soo horjeedsadaan maamulka farmaajo hadaanu ka waantoobin hagardaamada iyo handadaada macno darada ah ee kula kacayo madaxwaynayaal isaga uga soo horeeyay dalkan, door muhiimana ka qaatay xasilintii iyo amaankii Somaliya gaar ahaan magaalada muqdisho

@Hassan Gumburaawi