Eeraan iyo Maraykan Maxaa Ka Dhexeeya? (WQ: Axmed Abdi Adam)

Eeraan iyo Maraykan Maxaa Ka Dhexeeya?

Asxaab door ah ayaa jeclaa faallo in aan ku darsado dilkii Soleimani.  Asxaaabtaas aan dareensiiyo Bariga Dhexe in uu yahay bogcad laygaga fara dhuudhuuban yahay ka hadalkiisa. Si kastaba ha ahatee, si dhaw baa aan ulla socday Soomaalida faaqidaysay dilka Soleimani.  Xalay oo ugu dambaysay, waxa aan dhammaystay muxaadiro wakhti qaadatay oo uu Sh. Cabdiraxmaan Bashiir ku darsaday abla ablaynta dilkii Soleimani.

Sheekha inta aanan soo qaadan doodiisa, waxa isoo jiitay bayaan ahaa:  Soleimani yaa dilay?  Soleimani se dan noocma ah, ayuu ka waday Khaliijka?  Waa hadal kooban oo u dhacaya sidatan:  Yaan lagu farxin dilka ninkaas, mar haddii Maraykan khaarajiyey iyo yaan tacsi loo dirin, mar haddii uusan ku hawlaneyn masaaliixda Muslimiinta.  Intaasi hadaba dhacdada kuma filna in lagaga hadho.

Cabdiraxmaan Bashiir waa mufakar Soomaaliyeed oo sida hadalkiisa laga dhadhansanayo aaminsan Iran, Turkey iyo Carabtu nabad haku wada jogaan Barriga Dhexe.   Cabdiraxmaan waxa uu ridiyey dilka Soleimani ama qadiyada Gacanka in lagu eego shucuur nin jeclaysi ah – cadiifad – waxa kale oo uu diiday in arrinkan lagu eego fikir mabda ku salaysan (ideologies).   Bashiir wuu qirayaa in dagaal dhanka caqliga ah uu meesha ka socdo, waxaa se uu wataa dood odhanaysa “indhaha kaliya ee lagu darsi karo xaaladda Gacanka Carbeed waa qof ka dhaqaaqaya masaaliix (National Interests)” .

Haddii haddaba laga hadlayo masaaliix, waxa murankan aan waxba ku darsan karin, dadka wax ku qiimeeya “jacayl ama nacayb”, iyana, waxa iska tegeya dadka wax ku qiimeeya “Sunni, Shiico ama gaallo”.  Bashiir aakhirka talo ayuu hawada u marinayaa Eeraan oo uu leeyahay “joojiya mabda’a Shiicada ee aad faafinaysaan”, lakiin, doodiisa ah “masaaliix ayaa la isku hayaa ma burinayso”.

Bashiir waxa uu yidhi:  Eeran halaga dilo ninkii sedexaad ee dalka ugu sareeyey balse, galad baa ay jogtaa mar haddii Maraykankii codsaday, halkii hore aynu kasii wadno danaheenii.

Maraykanka ayaa lagu xantaa hab degdeg ku jiro in uu u dhex galo arrimaha caalamka.  Ciraaq ayuu leeyahay Bashiir, Maraykanka ayaa kusoo duulay balse, Eeraan ayaa ku hoos jirtay Maraykanka hadana cidda dhabta ah ee Ciraaq maamusha waa Eeraan.  Taasi waa sawir guud oo muujinaysa quwadda Eeraan ee Gacanka

Ixtiraam baa aan u hayaa Cabdiraxmaan Bashiir, sida qotada dheer ee uu u dhexgalay qadiyada Gacanka.  Sheekha ayaa dib u noqday Suuratul Ruum, noqoshada arrin lagu xirayo dhacdooyin hore loo arkay ama arrimo kale oo aad moodaysid in aysan shuqul isku lahayn bale, isa soo hoos galaa waa meelaha ay Soomaalida wax dhegaysata ama aqridaa intooda badani ay ku caajisaan.  Walalayaal dunnidu waa cinjir lakala fidiyey oo isku soo hor iyo daba noqonaya.

Bashiir waxa aanu dilka Soleimani marnaba kusoo darin doorashada ka socota Maraykanka.  Mufakarka galbeedkuna waa meelaha ay ishaaraan judhiiba in dhacdooyinka Maraykanku ku lug leeyahay ee ka socda caalamku ay daaran yihiin doorashooyinka dalkaas ama daynta wareerka ah ee Maraykanka iyo Waddamada kaleba ay lugaha kula jiraan – dadka darsa lacagta, ayaa iyagu qaba dagaal lagaga xuubsiibto danta lagu leeyahay waddamadu waaa lama huraan.   Kuwa faaqida doorashooyinka ayaa iyaguna amuurtan ku mataanaynaya dilkii Cismaan Binu Adam ee wakhti kooban uun ka horeeyey doorashadii USA ee 2012kii.

Sh. Bashiir waxa uu yidhi:  Eeraan iyo Ruushku waa isku dan, halka Eeraan iyo Maraykanku aysan ahayn isku dan balse, danahoodu mararka qaar kulmaan –  kala duwanaashaha labadaa arrimood, Sheekhu wuu ku dheeraaday.  Su’aashu waxa ay tahay, Ruushka iyo Maraykanku waa nidaamyo isku hoos jira.  Ruushka ay wada socdaan Eeraan ma bangiyada Ruushkaa? Mise waa dawladda Ruushka?  Halkan waxa uu Bashiir soo qadanayaa mufakar Kuwaiti ah oo uu yidhi, waxa uu qabaa  “Eeraan iyo USA waa saaxiib ee waxa ay dhigayaan indho sarcaad”.   Bashiir fikirkaas wuu diiday, Anna illaa hada madmadaw baa igaga jira”.

Midhka biyo kama dhibcaan ka ahi waxa weeye, Somaalidu ama Somaliland malaha mufakariin si qoto dheer ula socda is rogrogga ka socda mandaqadda, faham fogna uma laha xeeladaha la isticmaalayo. Iskaba daa awooda wada xaajoodka (negociations) ee uu Sh. Bashiir ku ammaanay waddanka Eeraan’e.

F. G. Sheekha inta aan ka dhegaystay kamu hadal doorashada malaa hadalka qayb baa i dhaaftay.

WQ: Axmed Abdi Adam