Dood lagu falanqaynayey Miisaaniyada Dawlada ee 2020-ka oo xalay lagu qabtay magaalada Hargaysa

Waxa habeen-kii xalay lagu qabtay Hotel Ambassador dood lagu falanqaynayey Miisaaniyada Dawlada ee 2020-ka.

Dooda oo uu soo qaban-qaabiyey machad cilmi baadhiseed oo la yidhaa ISIR (Institute for Strategic Initiatives and Research), waxa lagu martiqaaday Wasiirka Wasaarada H.Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire. Madal bilan oo aad loo soo camiray  ayey ahayd halkaas oo wasiirka weydiimo doora lagu weydiiyey waxaanu wasiirku uga war-celiyey dhamaan weydiimihii si waafiya.

Saraakiisha ka socotay wasaaradda H.Maaliyada ayaa goobta ku qaybiyey buug-yaraha Miisaaniyada muwaadinka, kaas oo ah mid soo koobaya nuxurka dhiganaha Miisaaniyada.

 

Allaah ayaa mahadle

 

Waaxda Xidhiidhka dadweynaha W.H.Maaliayadda JSL

Info@slmof.org

Slmof.org