Engineer-garaynta siyaasadda: Xisbinimada iyo Dawladnimada (WQ: Prof Cabdi Cali Jaamac)

Engineer-garaynta siyaasadda : Xisbinimada iyo Dawladnimada.

Waa in aynu abuurno fikirka political tribe ka fikir ka soo horjeeda oo isagu gobollo ku salaynaya xubinmimada golayaasha xibiga, barlamaaanka iyo golaha wasiirada intaba.

Fikirkan oo aynu u bixinayno political province waxay dadka aaminsani ku wada socdaan fikir iyo mabaadi’i ay wadaagaan; isku raaci maayaan hayb iyo reernimo. fikirkan waa in laga bilaabaa xisbiyada, laguna soo koriyaa halkaas; tani waxay waafaqsan tahay dastuurka waddanka; waana ta lagaga gudbi karo caqabadda qabiilka iyo qabyaaladda ragaadisay dawladnimada.

Ciddii aaminsan political tribe ka iyada waynagii hore uga soo hadalay sida la isu waafajin karo reerka, xisbiga iyo dawladda; markaa lafteeda, mar walba waxaynu lahayn waa in xisbigu rabbeeyaa qabiilka iyo dhaqankiisa, dawladnimadana la soo gaadhaa tiiyoo dabadii laga soo jaray taageerayaasha xisbiga; maxaa yeelay khatar wayn bay leeday haddii xisbigu guulaysto oo dawladnimadii uu la soo galo isagoo oodihii qabiilka iyo reernimada jiidanaya!!

Haddaba, waxa loo baahan yahay in aynu isu habayno labadan kooxood; koox aaminsan poltical tribe iyo koox kale oo aaminsan political province; qof  kastaaana uu ka run sheegaa dareenkiisaa, raacona fikirka uu ku qanacsan yahay. labada jeer marna lama ogola in la isku qaldo dawladnimada iyo qabiilka ama xisbiga iyo reerka; laakiin waxay ku kala duwan yihiin labada kooxood waxa sal ka u noqonaya xisbinimada iyo dawladnimada.

 

Cabdo; maamula wanaaga iyo ku dhaqanka sahrciga.