Bismillaah marka-hore Ilaahay bay mahadi u sugnaatay, marka xigtana dhammaan intii wax-qorta, waxna akhrida waan salaamayaa inta kalee jecel akhriska iyo qoraalkana waan salaamayaa iyagana.
Qoraalkan yar ee kooban waxaan insha Allaahu ku soo qaadanayaa maanta “Erayada qaldan ama aan munaasibka ku ahayn meesha loo isticmaalayo ee ku jira heesaha dambe ee imika la qaado.”
Sidoo kale waxaan sharax yar oo koooban oo qeexaya ama sheegaya sababta aanay weedhaasi saxda ugu ahayn meesha loo isticmaalay.
Inkastoo aanay iga ahayn in aan sheeganay aqoon dheeraada oo aan leeyahay, heesaha aan soo qaatay waa wada qalad gebigoodaba, laakiin waxan soo gudbinayaa uun intaan anigu arkay, wallow ay heesuhu erayo saxa leeyihiin haddana meelaha qaar ay kuyara qaldameen hal-abuurada leh heesahani ayuun baan soo gudbinayaaye ila eega.
- Wakhtigoo mar gudhanbaa , mar godladaa barwaaqoo “Maxamed B.K”
Labadani tuduc waxay ka mid yihiin ama ku jiraan hees uu qaado fanaanka Maxamad Bk ee magaceedu yahay Adduunyo, Erayadeedana uu leeyahay ninka la yidhaahdo Laab-saalax hadaba maxaa kasiya ee aan labadan tuduc u soo qaatay.
Hadaynu tuduca hore dul istaagno, marka aynu micnaha guud ee midkastaa leeayahay eegno ka sakow micnaha maanseed, wakhtigu horta ma gudhanbaa marka uu leeyahay hal-abuurku horta guud ahaanba waa khalad, laakiinse horta waxa gudhma waa neefka xoolaha, gudhnaanshiyuhuna waa marka neefka xoolahaa laga waayo caanahii laga lisi jirey ayaa layidhaahdaa wuu gudhanyahay.
Markaa erayga micnahiisa saxda waa kaas e isagu siduu u dhigay marka la eego micne ahaan sax maaha mana qabanayso halka uu u isticmaalay.
Waxay noqotay talabaad wuxuu yidhi “Mar godlada barwaaqoo” tanna iyaduna waa mid ku khaldan halka loo isticmaalay micne ahaan waayo dee wakhtigu ma godladaba ee wax godladaa waa Neefka xoolahaa oo markaa caano badan laga liso ayaa layidhaahdaa wuu godladay neefku, tusaalayaal kalena way jiraan oo loo isticmaalo godlashada oo iyaduna ay kamid tahay
Ardayda in lagu yidhaahdo markastoo aamuskooda bato waxa badanaysa inta uu macalinkiinu wax badan idiin sheegi karo ee uu idiin godlan karo, godlashadaasna micnaheeda waxaa looga jeedaa wax badan buu idiin sheegi karaa iyo aqoon kaloo badan.
Markaa halkaa iyadaa labada waxa kaga fiicnaan in uu ninkaas hal-abuurka ahi isticmaalo laba erayoo kale oo kaga haboon micne ahaan iyo maanso ahaanba .
- Tuduc weeyi caashaqu, Tiirsiiniyo xidhiidhsane “Nimcaan Hilaac”
Erayganina wuxuu ku jiraa hees uu qaado fanaanka “Nimcaan Hilaac” Erayadeedana leeyahay ninka layidhaahdo “Xasan Axmed Kulane” oo magaceedu yahay “Ka tir laabta”. Xasan wuxuu u adeegsaday eraygan meel aanu ku haboonayn waayo maxaa yeelay marka earayga meel aanu lahayn ama ku haboonayn loo isticmaalo wax isbadalaya micnahii suugaaneed iyo waliba kii heesta oo isna isbadalaya waayo qaladbaa yimid meeshii.
Micne ahaanna “Tuducu” waa qayb qalcad ka mid qalcadaha ay ka kooban tahay maansadu ayaa la isku idhaahdaa tuduc ama dhowr layn oo ka mida maansadda uu abwaanku tirinayo.
Tusaale ahaan sida tan hoos ku qoran:
“Haddaan guudka laga jirin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan,
Ilayn guri dugsoon ma leh ”
Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” Heesta Hablaha Geeska
Tanoo kale ayaa la odhan karaa waa tuduc heesta si khaldan ayuu ugu jiraa erayga Tuduc.
Waa talabaade marka uu hal-abuurku leeyahay “Tirsiiniyo xidhiidhsane” dee horta waxa xidhiidhsamaa keliya waa maansada marka la jooga Suugaanta haday tahay in abwaan maanso ugu soo jawaabo abwaan kale amaba layidhaahdo maansadaas ama gabaygaasi tuducyadiisu weli way sii socdaan, laakiin imika Tuducan ku jira heestani waa mid jacayla, jacaylkuna malaha tuducyo se wuxuu leeyahay xiddhiidh keliya oo weynaga badanaa maqalna sheekadani waxay la xidhiidhaa sheekadii jaceylka ahayd ee hebel iyo hebla. Markaa waa looga fiican yahay hal-abuurka in uu isticaalayo erayada noocaasi ah.
- Caashaqa weligii lagama dhargoo, dhuuxiyo lafuhuu u dhaadhacaa “Farxiya Kaba-yare”
Wallow aanan garanaynin heestani cida leh eraydeeda balse magaceeda la yidhaado “Dhakac –dhakac” ayaan iyadana ku arkay labadan tuduc waxa heestan ku luuqaysa fanaanada “Farxiya Kaba-yare” oo ka mid ah heesaha dambe.
horta waa midoo wax aan laga dhergin haday gaajo ku haysaa waa cuntada uun ilaa aad gaajo baxayso, iyaduunbaa una dhaadhacda dhuux iyo lafaha iyo jidhka intiisa kale, laakiin marka maanso ahaan la eegaayo caashaqu maaha cunto ama raashin laquuto, se dareen wax lagu shabbaho uun laakiin imika sidan kor ku xusan ee uu hal-abuurka heestani isticmaalay waa qalad waayo maanso ahaan micnaheedu sax maaha oo micnihii heestu wuu lumay maxaa yeelay tiraab caadiya ayuu ka dhigay.
Waxba yaanan faallo dheer sii gelina taana intaa aan kaga imaadee wax iyadna kaalinta afraad ku jirta
- Dihashadaa cadceediyo, jeegaan isdadabtaay “Cawaale Aadan”
Heestanna wax layidhaahdaa “Mahdiya” waxa ku luuqeeya fanaanka ‘cawaale aadan’ erayadeedana waxa iska leh “Cabdilaahi Xasan Ganey” hadaba heestana erayada qaldan ee aan ku arkay waxa ka mida sida labadan sare ku xusan oo kale.
Marka uu hal-abuurku leeyahay Dihashadaa cadceediyo dee maanso ahaan sax maahan waayo cadceedu waxna ma dihato lamana dihdo, waayo hore ayaynu umaqalnay maahmaahda tidhaa “baqali wax madhasho wax dhalana ma jecla” waxaan filayaa in ay sidaas ahayde.
Kalmada ‘Dihasho’ micne ahaan waa wax-dhalid sidaynu soo sheegnayna waxa wax dhalaa waa xayawaankiyo iyo bini-aadamka uun se cadceedi wax madhasho, markaa suugaan ahaan qalad weeyi eraygaas halkaa uu u adeegsaday hal-abuurku.
Waxay noqotay midda labaad “Jeegaantoo isdadabtaay” horta waa mide jeegaan isma dadabto ee way socotaa uun, weligay iyo allahayna maan arag horta anigu jeegaan isdadabta, se kuma khaldana erayga jeegaan in uu isticmaalo ee waxaa khalday oo micnihii lumiyay erayga kale ee daba yaala oo micnihii badalay, ka maanso ahaan magalayso markaa halkaas waayo marka la micnaynayo am dabagalka lagu sameeyo heesta qofka in uun suugaanta yaqaana markaaba wuu dareemay ama soo saarayaa in uu meesha qalad ku jiro maxaa yeelay micihiibaa guuray.
Lasoco qaybta dambe
Waxaad ku darsan karayso fadlan igala soo xidhiidh e-mailkan hos ku qoran
Waxa qorey: Cabdimajiid Iid Aadan Cawaale “Dhinbiil”
Email: cabdimajiidiid@hotmail.com ama cabdimajiidiid@gmail.com