Ereyga macaani waa qurux (WQ: Mubaarik Maal)

Nin kaasi oo kale ah ayaa ka yimid shaqadiisa oo mashaakil iyo dhib badan wadatay. Gurigiisa ayuu soo galay, mise waxa uu albaabka kula kulmay habaar qabto qaylo badan, oo canaan iyo cabasho badan, oo mar kasta raadinaysa oo dhega dhegaynaysa haddallada ku tiri kuteenka ah ee ay haweenku ku sheekaystaan.

Hareeraha ayuu eegay, mise waa dharkii, wixii ay ubadku ku ciyaarayeen, hambooyinkii iyo wasakhdii meel kastaba saaran. Wuxu galay suuligii/musqushii, mise ma leh shukumaan, saabuun, biyo waxba diyaar ma aha oo isaga ayaa keligii diyaarsanaya. Wuu qubaystay, cunto ayuu doonay miiska ayey ugu tilmaantay.

Hurdadii ayuu tegey si uu u seexdo oo u nasto, halkuu ka seexanayaa, waxaabay guriga keentay dumar ay sheeko wadaag yihiin oo qosol iyo qaylo badan, ubadkii ayey dilaysaa oo caayeysaa, markaasay iyagoo ooyaya aabohood u geleyaan qolka jiifka soona kicinaayaan.

Alla xumaa noloshani oo qaraaraa, u dhib badanaa ninkani. Iyadoo ay sidaasi tahay ayey haddana is weydiinaysaa waxa ku dhacay ninkeegii ee uu ugu jeclaan waayey sidii uu awalba ugu jeclaa.

Waxay u tegeysaa faaliye iyo musixir si uu u jeclaysiiyo. Daranaa nolosha caynkaasi ah. Maxaad ka dhadhansanaysaa qisadani dambe, ma jeclaan lahayd in aad noqoto gabadhaasi, ma jeclaan lahayd in aad talo ka qaadato gabadhaasi, mise jeclaan lahayd in aad la saaxiibto gabadhaasi aqalkeedii ayey ka dhigtey xarunta ay ku kulmaan kuwa iyadda la midka ah uma malaynayo, waad caayi lahayd oo nici lahayd sow ma’aha.

Gabadha caqliga lihi waa ta garanaysa qaabka iyo sida loo kasban karo ama loo hantiyi karo qalbiga ninkeeda. Waa in ay weligeed inta ay dunida ku nooshahay cadceedii Alle soo saaraba ahaataa carruusad cusub oo xalay uun la soo hooyey, waagii beryaba da’ yar.

Ogow walaashayda suubaney, ereyga macaani waa qurux, dhoollo caddaynta iftiimaysaana waa dejiya, udgoonka wacanina waa raaxada maanka, nadaafadda joogtada ahina waa cibaado. Nadaafadda waa imaanka badhkiisa ku dedaala Insha Allah.

Waxa qoray: Mubaarik Maal