Ruushka iyo Shiinaha waxay diidmada qayaxan ku hor joogsadeen hindise Qaramada Midoobay la soo hordhigay oo xabad joojin laga hirgelinayey xalab

Ruushka iyo Shiinaha ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsaday hindise qabyo ah oo la soo hor dhigay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ku baaqay xabbad-joojin muddo toddoba maalmood ah laga hirgaliyo magaalada Xalab.

Ruushku wuxuu sheegay in dukumentiga uu ku xadgubayo xeerka golaha ee u ogolaanaya in xubnuhu ay qaataan muddo 24 saac ah oo ay uga baaraan degaan kalmadaha.

Maraykanka ayaa arrintaas ku gacan saydhay, isagoo ku tilmaamay ‘marmarsiiyo’, wuxuuna sheegay in Ruushku uu doonayo in milateriga Suuriya aysan gacantooda ka bixin guulihii ay dhawaantan ka gaadheen Xalab.

Hindisaha waxaa wadajir u soo bandhigay Masar, New Zealand, iyo Spain. 11 xubnood oo golaha ka tirsan ayaa u codeeyey, waxaana diiday Ruushka, Shiinaha iyo Venezuela, halka Angola ay ka aamustay.

bandhige@gmail.com