EYL: magaalo diiddey in ay caan noqoto mooyaane wax kale (WQ: Maxamed Baashe Xaaji Xasan)

Waxa uu maqaalkani ka soo jeedaa sodcaal la baxay ‘Dad iyo Dal Barasho” oo aannu Puntland ku tagnay Jun 2017.

Waa magaalo taariikhi ah oo qadiimi ah oo aanay dhismayaasha casriga ahi ku badnayn. Waxa ay ka mid tahay afarta degmo ee gobolka Nugaal. Eyl waxa gobolka ku weheliya caasimadda Garoowe, Dan-gorayo iyo Burtinle.

Waxa ay ka mid tahay degmooyin ugu faca weyn. 1925 ayay degmonnimada qaadatay xilligii uu Talyaanigu waddanka haystey.

Eyl waxa ay ka kooban laba qaybood. Daawad oo dhinaca berriga ah iyo Badey oo xeebta Badweynta Hindiya raacsan. 5km ayay labadu isu jiraan.

Eyl waxa ay isugu dhafan tahay juqraafi ahaan dhul xeebeed, buuraley la yaab leh oo ay ishaadu ku dhacayso dhagax keli ah oo meel runduda oo buur le’eg, dhul dooxooyin ah oo gebiyada buurahaas ka hooseeya oo durdurro leh iyo dhul xoolo daaqeen ah.

Eyl waxa badda kaga biyo shuba togagga Togdheer iyo Nugaal. Halka ay badda ka galaan ee biyo-suryeedka ah oo dhaxaysa Daawad iyo Badey, waxa laga helaa carsaanyo-badeedda ugu tayada badan, uguna macaan ee qaaliga ah.

Khayraadkii badda oo kalluun kala duwani ka buuxo, waxa soo raacaya xoolaha nool, beeraha iyo dalxiiska oo hadda laabta la soo kacaya.

Magaaladu waxa ay ku taal bugcad istaraatiiji ah. Dhinac kasta waxa kaga gadaaman buuro iyo bad kaga dhereran.

Waa goob taariikhi ka buuxdo. Waxa ku taalla qalcaddii ugu horraysay ee Seyid Maxamed Cabdille Xasan dhiso oo aan iyada warbixin gaar ah ka diyaarin doono.

10km waxa dhinaca koonfureed kaga beegan Ilig-daldalo oo ka mid ah goobihii Seyidka iyo Daraawiishi fadhi jireen, dagaallo badan oo kala duwanina ka dhaceen.

15km waxa dhinaca waqooyi kaga taal Gabbac oo leh qalcado dagaal oo Daraawiishtu fadhiyi jirtey, kana mid ah meelihii uu Ingriisku diyaaradaha ku garaacay 1919.

Dadka magaalada EYL ku nooli waxa ay u muuqdaan dad indho-furan oo fiiro dheer, yaqaanna ahmiyadda taariikhda iyo macnaheeda.

In kasta oo hadda waddo laangooyo ah dhowaan loo sameeyey, hawsheeduna socoto, EYL waxa loo yaqaan Dhulkii Xidhnaa. 220km ayay Garoowe u jirtaa.

Sida dadkeedu noo sheegeen waxa uu ahaa mas’uulkii sare ee ugu dambeeyey ee soo booqdaa Jaamac Gaas Mucaawiye (Dadweyne), AHN, sannadkii 1976 xilligii dawladdii Kacaanka.

Magaalada waxa ku taalla taallo lagu maamuusay Captan Axmed Maxamed Maxamuud Cashuur oo guddoomiye Eyl u ahaa 1970-aadka horraantoodii, ahaana, sida la sheegay, mas’uulkii ugu waxqabadka badnaa ee degmadaas taariikhda soo mara.

Dadka reer EYL, sida aannu Garooweba kala kulannay, waa dad furfuran oo soo dhowayn iyo martigelin wanaagsan.

Budhcad-badeednimo xeebta EYL ka hanaqaadday berihii dambe ayaa la soo gunaanadey dhawr sannadood ka hor oo EYL caan ku ahayd.

In kasta oo xilligii baddu kacsanayd aannu ku beegannay, haddana EYL qaylo kama soo yeedhin in dhowayd, annaguna belo kuma aannu arag, waxanay ku naalloonaysaa nabad gelyo iyo degganaan, waxaanay isu diyaarinaysaa abuuritaanka fursadaheeda dalxiis oo ah kuwo guudka sare kaaga muuqanaya marka la eego cimilada iyo kala duwanaanta dhulka ay ku dhacdo iyo goobaheeda taariikhiga ah.