Faa’iidaa ku jirta saldhiga Military ee Imaaraadka Carabtu ka doonayaan Berbera (WQ: Cabdirisaaq Cumar Caynaan)

 

Saldhigga Militari ee Berbera Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso waxaan u arkaa mid dadka iyo dalkaba faa’iido u leh.

Maaha in aynu fulino danaha Itoobiya u gaarka ah, in ay aragto Somaliland oo keli taagan, aan kusoo afcelin karayn, markay doonto ay qabsato haday u baahan tahay (invasion).

Imaaraadka Carabtu waa walaalahayo waxay ina taraan mooyee waxba inama yeelayaan, markaan u baahano waan saari karnaa, waa dad Muslim ah garanaya xaqqa Muslim ka kale ka mudan yahay, waxna haysta oo aan baahi eryanayn.

Itoobiya kaliya sidii ay kali Inooga dhigi lahayd bay qorshaysaa habeen iyo maalinba, ninka aan cadawgiisa si fiican u garanna dhibaatadeeduu leeyahay. xaqiiqdii, Itoobiya waa cadawgeenka koowaad ka ugu weyn (Ethiopia is our biggest Enemy).

Madaxdeenu waa in ay arrimaha masiiriga ah si qoto dheer uga baaran-degtaa ilayn waa mustaqbalkeena wanaaagiisa iyo xumaantiisaba e.

Maaha in loo yeedhiyo lana yidhaa diida.

Ugu danbayn dadkan iyo dalkani uma baahna takoor (Isolation) ee waxay u baahan yihiin siyaasad furfuran garanaysa wanaagooda.

Waxa Qoray: Cabdirisaaq Cumar Caynaan