Faa’iidada Xirfadaha iyo waxa aan ka bartay…W/Q: (cabdiwasac allamagan)

Faa’iidada Xirfadaha iyo waxa aan ka bartay

Marka laga yimado shaqadayda Maamul iyo Macaliinnimo, saddexdii sanno ee uu danbeyay xirfadaha shaqo ee aan ka bartay Dhismaha Jaamacadda New Generation University waxa ka mid ahaa xirfada Injineernimada oo run ahantii nolashayda waxbadan ku soo kordhisay, waxa aan bartay xirfado kala duwan oo badan sida xirfadaha Kuuliga, Wastaad, Qaldoole, Nijaar, Birlaab, Laydhle, Marmaarle, Plamber, Foreman, Laxamadle, Ranjiile, Gypsum Board, iyo qaar kale badan.

Xirfadahan ku xusan midwalba dabeecad iyo wakhti gaar ah ayay ledahay wakhtiyadooda shaqo. Intaas waxa dheer dad qiimo badan oo aan ku bartay waliba si ficaan wax ii baray waliba shaqoyinkaas kor ku xusan intooda badan aan ku soo shaqeeyay.

Waxa aan kale oo ka bartay maraynta noolasha Samirka, Dulqaadka, Xalinta Khilaafaadka iyo Awamiirta oo la kala qa’ato, waxa ugu muhiimsana wakhtiga shaqada aad loo ilaaliyo hadii aad dib uga dhaco shaqaluhu wakhtiga shaqada yo’omkaas/maalintas shaqadu sidaas ayay kaga tagtay.
Waxa kale oo aan ka bartay xirfadlayaasha in ay aad isku cawiyaan, hadii qof iyaga ka mid ah shaqo la,aan noqdo shaqada ayay la radiyaan, wax kale ay dhaqan uu leyihiin qofka iyaga ka mid ah hadii uu bila camaal noqdo ama uu xanuusado jo’omkooda ayay wax uga jaraan si dhibta ula qaybsadan , xirfadlayashaas waxa ay iskugu xidhan yihiin koox-koox aan ku salaysnayn qabiil kolba inta isfahanta ku salaysan.

Dhibta kaliya ay leyihiin intooda badan lacagta ma kayd-sadaan/saving account ma lahaa. Waxa kaliya ka maqan habka loo maamulo lacagta ( Financial Management).
Xirfadalayashaas aan la soo shaqeeyay wax aan marwalba ku dhiiri-galin jiray in ay bartaan sida lacagta loo kaydsado, si horumarka nolasha ay ula jaanqadan.

Qaybta#1
Cabdiwasac Allamagan
Gudoomiyaha Jaamacadda New Generation University