Faa’iidooyinka Caafimaad ee Kujira Xulbada (WQ: Dr faris Al attas)

Xulbadda waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada waxay qani ku tahay oo aad ugu badan vitaminBcomplex sida: Thiamine (B1) Riboflavin (B2) Niacin (B3) Vitamin B6 iyo Folate (B9).

Waxa kale oo aad ugu badan macdanta sida: Calcium Iron Magnesium Manganese Phosphorus iyo Zinc.

Macdanta iron-ta kujirto 100 grams oo xulbada waxay labojibaar kabadantahay xaddiga jirku ubaahanyahay maalintii. Waxa kujiro xulbada borotiin iyo kaarboheydareyt aad ubadan 100 grams oo xulbo ah waxa kujiro 23 g oo borotiin ah iyo 58 g oo karboheydareyt ah oo ubadan faybar (fiber).

1.Waxay u fiicantahay Caloosha : waxa kujiro xaddi badan oo ah maadada faybarka (fiber) ah
2.Waxay u fiicantahay Hooyada nuujinayso : cilmibaaris badan aya lagu sheegay in xulbadu ay badiso caanaha hooyada maadama ay leedahay nafaqo aad ubadan
3.Waxay xoojisaa shaqada Maskaxda : waxa kujiro xaddi badan oo vitamin B complex oo ka qayb qaadato shaqada neerfaha iyo samaysanka fariin wada yaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid
4.Waxay u fiicantahay Dheef shiidka : vitamin B Waa (coenzyme) waxay caawiyaan dheecanada dheefshiido borotiinka caarboheydareytka iyo baruurta
5.Waxay leedahay Tamar (energy) aad ubadan maadaama uu kujiro kaarboheydareyt badan
6.Waxay ka hortagtaa Dhiig yarida : Waxa kujiro macdanta iron oo qayb ka ah qaab dhismeed ka borotiinada qaado oxygen ta iyo carbon diaxide ka ee loo yaqaan HB (hemoglobin)
7.Waxay ufiicantahay infekshanka iyo caabuqa waayo waxa aad ugubadan macdanta Manganese Zinc iyo Iron
8.Waxay kor u qaadaa shaqada Difaaca jirka
9.Waxay ka qayb qaadataa kobcida hanaanka garashada iyo fahamka xulbadu waxay qani kutahay maadada zinc
10.Waxay u fiicantahay dadka qabo xanuunka Sonkorowga : faybarka (fiber) kujiro wuxu xakameeyaa oo yareeyaa xawaaraha sonkortu ay dhiigga ku galayso.
share-dheh oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan. Dr dooogle
u
like dhah: page-ka Caafimaadkaiyo Nafaqada