Faa’iidooyinka mucjisada ah Ee laga helo cunista 3 xabbo oo timir ah maalin kasta (WQ: Cabdi Cawiye)

Bismillaahi Raxmaani Raxiim Allaah ayaa mahad dhammaanteed iyo maamuus dhammaanteed iskalle sharaf iyo wanaagna Nabi Maxamed  SCW.

In badan ayaa daraasado isdaba jooga lagu sameeyaa faa’iidooyinka caafimaad ee timirta, hadaba u badnaaadaan kuwa lagu sameeyo wadammada reer galbeedka oo si maalin la ah u daba jooga geedkan midhaha bunniga ah leh, waayo  waxa ay waxtar badan u leeyihiin ka hor taga xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo waliba xasaasiyada, intaasi oo kaliya kuma koobna wax-tarkuye 3 xabbo oo timir ah oo aad maalinta walba aad cuntaa waxa ay leeyihiin wax-tarkan hoos ku xusan:

Daraasado badan oo caafimaad oo uu geedkani leeyahay ayaa lagu ogaaday in ay timirtu tahay cuntada ugu dhamayska tiran dunida marka laga eego macdanta uu jidhka bina-aadamku u baahan yahay sida Iron, Zinc, Magnesium iyo Manganese. Intaas waliba waxa usii dheer Faytamiinnada (Vitamins) A, B, B6 Iyo K.

Waxa aad ka helaysaa awood dag dag ah:

Jidhkaagu waxa uu u baahan yahay awood uu ku shaqeeyo maalinkii, timirtu waa qaabka ugu wacan, fudud uguna dheereeya ee aad awood dagdag ah ku heli lahayd.

Caawinta dheefshiidka:

Sida ay qortay barta Internetka ee Gesundheitstipp timirta waxa ku jira unugyo aad u milmi og, kuwaasi oo caawiya dheefshiidka jidhka, iyada oo lagula taliyo dadka ka cawda calool istaaga, waxaana xusid mudan in isla markaana lagu daweeyo shubanka waayo waxa ay timirtu isu dheelli tirtaa qaabka ay saxaradu u soo marto xiidmaha qofka.

Waxa ay kuu noqonaysaa kahor tag (Tallaal)

Faa’iidooyinka layaabka badan ee ay timirtu leedahay waxa kamid ah in ay ka hor tagto xanuuno badan oo qofka soo waajihi kara, Allah idankii kadib, waana qaabka ugu wacan ee lagaga hor tago lafo xanuunka sida uu sheegay websiteka Gesundheitstipp.

Waxa ay ka hor tagtaa dhiig yaraanta:

Dhiig yaraanta ayaa kamid ah dhibaatooyinka kusoo badanaya bulshooyinka sannadadan dambe, gaar ahaan waddammada aan dhaqaalaha badan lahayn, haddaba si aad uga hor tagto dhiig yaraan kusoo food saarta cun 3 xabbo oo timir ah.

Waxay  kordhisaa awooda wadnaha:

Wadnuhu waa halka uu qofku ka nool yahay, cadaymaha faraha badan ee laga helay timirta ayaa dhammaantood isku si u sheegaya in timirtu tahay cuntada ugu waxtarka badan wadnaha ruuxa bina-aadamka ah. Sida daraasadahan lagu xusay ayaa timirtu waxa ay hoos u dhigtaa heerka subaga jidhka (Cholesterol ka) oo ah ka ugu wayn ee sababa xanuunnada ku dhaca jirka bina-aadamka.

Waxa ay kahortag muhiim ah u tahay Xasaasiyada:

Timirta waxa ku jira saami aad u sareeya oo Iron dabiici ah, taasi oo kahor tag u ah xasaasiyada.

Waxa xusid mudan in timirta uu Allah SWT ku sheegay Qur’aanka suuratu Maryam isaga oo la hadlaya Maryam:

“Lux oo gilgil jirrida geed timireedka waxa ay kuusoo ridi daadin doonta rudab.”

Aaayadani waxa ay cadayn u tahay in timirtu ay qof umul ah ugu filan tahay cunno iyo caafimaad oo dhan, iskaba dhaaf qof aan dhib qabin.

Ugu dambayntii waxa uu Nabi Maxamed SCW ku sheegay xadiis:

“In Qofka cuna 7 midh oo timir ah marka uu aroortii soo tooso aanay waxba ka tari doonin sixir iyo sun toona.”

Qalinkii Cabdi Cawiye