London oo markii ugu horaysay loo doortay maayor muslim ah

Saddiiq Khaan oo Muslim ah ayaa loo doortay in uu noqdo Maayorka London. In kasta oo olole aad u xooggan uu galay dedaal badanna samaynayey haddana Saddiiq Khaan lama filayn in uu  jagadan ku guuleysan doono, marka la eego shakiga laga qabo dadka Muslimka ah oo kor u sii kacaya Boqortooyada Ingiriiska.

46 jirkani waxa uu helay in ka badan 42% codadka la tiriyey halka ninka sida weyn ula loolamayey Zak Goldsmith uu ka helay codadka wax yar ka badan 36%.

Zac Goldsmith oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ayaa aad ugu dedaalay in uu la daadego Saddiiq isaga oo ku eedeeyey in uu argagixisada xidhiidh la leeyahay, hase ahaatee kuma uu guulaysan.

Iyadoo Doorashadan ayaa si weyn loogu tartamayey, waxaana ay ahayd mid si weyn indha loogu hayey.

Xisbiga Shaqaalaha oo guuldarrooyin ka soo gaadheen doorashooyinka golaha shacabka ee Scotland ayaa guusha ay ka gaadheen London u noqonaysaa mid niyadda u dejisa hoggaanka xisbigaasi.

Sadiq waxa uu ka soo jeedaa qoys ka kooban 8 qof oo ka soo guuray dalka Baakistaan. Aabihii waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan.

Waxa uu ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaadhi lahaa nolasha. Waa garyaqaan ka baxay kuliyada sharciga ee Jaamacadda North London. Waxa uu leeyahay xaas iyo laba gabdhood.

Duqa London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaadhan, waxaana dadka qaar ay su’aal gelinayaan in Khan uu howshaasi kasoo bixi karo.

Balse waxa uu ku adkeysanayaa inuu matelayo dhammaan dadka London, isla markaana uu wax ka qaban doono sinnaan la’aanta.

bandhige@gmail.com