Akhristayaal intiinii sheekada qaybaheedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo ninkii dhallinyarada ahaa uu kasoo badbaaday dhibaatoyinkii badnaa ee soo qabsatay intii uu tahriibka kusoo jiray, kadibna soo galay Tiripoli, isaga oo markii u horaysayba la hadlay waalidkii dhalay una sheegay nabad qabkiisa.
Saaxiibayaal aynu kusoo noqono sheekadeenii inoo socotay, waa kan walaalkeen isaga oo halkii ay maraysay inooga bilaabaya:-
Sida ay ka wada warqabaan dhallinyarada tahriibka kusoo martay Liibiya ama kuwa hadaba jooga, mar haddii Ilaahay kasoo nabadgaliyo safarka tahriibka qaybtiisa hore, waxaa kula gudboon mar haddii aad soogaadho waddanka Liibiya in aad aqoon dheer u yeelato saddex arrimood oo kala ah:-
- In aanad degdegin oo aanad markiiba si dhakhso ah anad u fuulin doonyaha tahriibka ee badda, waxaana fiican in aad waraysato dhallinta aadka u badan ee joogta waddankasi, qaar ka midana lagaba soo celiyay iyaga oo saarandoonyahii ay ku tahriibeen waddamada Yurub qaar ka mida.
- In aad shaqaysato isla markana aad xamaalato, waayo inta badan Liibiya la-mid maaha wadamadii Lacagta la isugu soo dirayay.iyada oo shaqooyinka Liibiya laga helaana ay u badan yihiin, dhismaha guryaha oo laga yaabo in aad kuuli ka hesho, baabuur maydhis iyo mararka qaar oo sida Oromada beeraha aad fasho.
- Haddii aad tahay qof ajanabi ah isla markaana aad Liibiya ka hesho shaqooyinkaasi yar yar ee aynu kor kusoo sheegnay, waxa aad ku tala-galaysaa in ay dhici karto in dadka aad u shaqaynaysaa aanay lacagba ku siin kuna dafiraan qaarkoodna kulaba dagalamaan, adna aanad u yeelan awood iskaga difaacdo waayo waxa aad waddanka ku joogta sharci darro.
Asxaabey waxa aan ka mid noqday dhallinyaradii joogtay maagalada, waxa aan durba kasoo raysanayaa (fiicnanayaa) safarkii aadka u dhibta badnaa ee isoo maray, inkastoo aan ogahay in uu ii danbeeyo safarkii u xumaa ee doonta shiraaqa badda lagu galayey.
Waxa aan ka codsaday dhallinyarada magaalada iiga soo horaysay in ay shaqo ii radiyaan, waxa ay ii sheegeen dhallinyaradii in aanay inta badan suuragal ahayn in shaqo laysu raadiyo, balse waxa ay i geeyeen meel ku taala badh-tamaha Suuqa, halkaasi oo inta aad maanta oo dhan bacadka aad taagnaato haddana ay dhacdo in cid kuu yeedhaba aad waydo.
Asxaabey waxa aan ku kalahay goobtii wadada ee loo shaqo raadsan jiray waxa aan kolba Indhaha la raacaya baabuurta soo socota iyo kuwa sii socda, waxa ay dhagahaygu u furan yihiin dhagaysiga dhawaaq kasoo dhex yeedha gaadhi guddahiisa.
Dhibta kale ee aadka ii haysata waxa ka mid ah, aniga oo aan aqoon u lahayn luqada Carabiga, balse luqada Ingirisiga aad ayaan ugu fiican ahay, waxase ay balo ka joogta maba jiraba qof reer Liibiya ah oo aad isleedahay luqada Ingirisiga ayuu yaqaana.
Maalinkii oo dhan waxa aan taagnaa dariiqa cid ii dhawaaqda ama ii gacan haadisana waan waayay, kaga sii darane dhallinyarada Soomaaliyeed ee meesha ila taagan markasta baabuur ayaa u gacan haadinaya amaba u istaagaya balse qaarkood waabay iska diidayaan, calashaan iyaga oo kala bartay kooda bakhaylka ah iyo kooda muhaniga.
Asxaabey waxa an maalinkasta wadadii taagnaadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa la iiga dhex dhawaaqay gaadhi wadada dhinacan aan taagan ahay mooyaane dhinaca kale ka maraaya, kadibna orod ayaan isa siidaayay aniga oo doonaya in wadada dhinaceeda kale aan uga talaabo, maalintaasi Illaahay ayuunba i bixiyey baabuur badanina waa ay isku dhici gaadhay.
Waxa aan u tagay gaadhigii nasiib darro waxa aanu isku afgaran waynay luqadii, kadibna waxa aan u yeedhay nin Soomaali ah oo iga turjuma, kaasi oo ii sheegay in nin kani uu doonayo in gurigiisa looga shaqeey, si kastaba ha ahaatee waxa aan raacay ninkii, waxa uu i geeyay guri uu leeyahay oo ku yaala magaalada dacalkeeda.
Markii Albaabkii Guriga nalaga furay, aniguna aan gaadhigii kasoo dhaadhacay ayaa waxa igu soo ururay carruurtii uu dhalay iyaga oo ku leh Aabahood sida aan hadalka ka fahmay, Aabo maxay ayuu ninkani inoo qabanayaa.
Aabihii waxa uu carruurtisii ugu jawaabay waxa aan doonayaa in uu dhammaan qashinka gurigeena buuxiyay in uu inaga guro, isla markaana uu geeyo meesha kudafada lagu daadiyo, waxa kaloo uu raaciyay, waxa aan geynayaa beerteeni si iyadana uu uga shaqeeyo.
Intaasi kadib waxa uu ninkii i geeyay meel gurigiisa dabadiisa ah oo ay gudaafadi ka buuxdo kadibna waxa uu ii sheegay in dhammaan waxaas oo dhan aan guri inta aan baco waawayn ku guro kuna soo qubi doono meel loogu talagalay.
Asxaabey dan iyo xarago iswayday, surwaalka ayaan u laablaab-tay, maba ihi ninkii aqoonta lahaa ee Jaamacada Burco u fadhiisanayey, waxa aad i moodaa in aan waligay ka mid ahaa dadka qashinka gura macnaha xariifnimada, dagdaga iyo sidaan u nadiifiyay gurigii Xaajiga, urta iyo qadhmuunka kasoo kabacaya gudaafadaasi maaha wax loo adkaysan karo, balse haddana waxa ka wayn duruufta aan ku jiro.
Asxaabey qashinkii intiisii badnayd markii aan guray xiligii qadadana la gaadhay, ayaa wiilyar oo uu dhalay Xaajiga guriga lihi waxa uu isaga oo aad dareemayso in uu iga cabsanayo isoo hordhigay bilaydh yar oo aan is idhi malaha shinbiraha ayay wax ku siiyaan, guddahiisana ay ku jirto cunto aad dareemayso in la-fara-fareeyay isuguna jirta, digaag, baasto iyo bariis xataa waxa ka dhex muuqda kalluun.
Waxa i haysa gaajo boqol jirsatay, xataa ma haleelin oo ma xasuusan in aan faraxasho, aniga oo hareeraha iska eegaya ayaan ayaa cuntadii afka ku boobay, kadibna waxa aan halkaas ku tuuray saxankii oo madhan, kaga sii darane sida baas ee aan wax u cunaayo waxaa daaqadaha gguriga iga soo eegaaya dhammaan dadkii guriga lahaa, iyaga oo la yaaban duruufta iyo darxumada i haysata oo ma dan ayaan ka leeyahay.
Asxaabey markii aan fadarashinkii caloosha ka buuxiyay ayaa waxa aan ka codsaday ninkii aan u shaqaynayay in aan u baahanahay Suuli (musqul) balse madaxa ayuu ka ruxay isaga oo ii diidaya in aan gurigiisa ama suuliigisa galo, waxa kale oo aan ka dalbaday in uu i siiyo mushqayadii aan ku shaqaynayay, kadibna waxa uu igu yidhi barri ayaan ku siinayaa oo waxa aad ii qabanaysaa shaqo kale.
Waxa aan ka imi aniga oo jidh ahaan daalan, niyad jabsan, lacag la’aanina ay ii raacdo, waxa aan jeclaan lahaa in uu isiiyo lacagta yar ee aan ugu shaqeeyay si aan duruufta naftayda haysa ugu maareeyo.
Waxa aan imi aniga oo aad u daalan gurigii aanu magaalada ka daganayn aniga iyo dhallinyaradu. Kadibna waxa aan uga sheekeyay dhallintii qisadii isoo qabsatay, qaabkaan gudaafada u guray iyo cuntadii fadareeshinka ahayd ee la i siiyay. Waxa kaloo aan u sheegay in lacag la’aan la isoo diray, kadibna waa la igu qosqoslay waxaana loo arkay in ay tahay wax iska caadi ah marka Liibiya la joogo.
Daalkii iyo madax xanuunkii ayaa la dhacay oo aan seexday, markii waagu ii baryayna waxa aan ku kalahay goobtii shaqada loo istaagi jiray, cabaar markii aan taagna ayaa waxa soo maray iina yeedhay isla ninkii aan shalay u shaqaynayay, kadibna waa aanu is raacnay waxanu i geeyay beer uu leeyahay oo ku taala magaalada dacalkeeda, taasi oo aan qodaal badan ku sameeyay aadna ugu daalay.
Markii aan dhameeyay shaqadii ayaan waxa aan waydiistay in uu i siiyo isuna kay raaciyo lacagtii shaqada ee labada cisho, kadibna sidisii waxa uu i yidhi barri ayan ku siinayaa, anna waan ka diiday kadibna, dharbaaxuu qaaday oo labada indhood ugu dhuftay, waxbana waan ka arki waayey, kadibna dhulka ayaa ku dhacay aniga oo gagabsan, balsde haddana aniga oo kolba turun-turoonaya ayaan albaabkii beerta ka booday waxa aan kasoo talaabay wadada, waxanan masaafo aad u fog kasoo lugeeyay meeshuu i geeyay.
Ilaahay amarkii waxa aan tagay gurigii aanu daganayn, waxaanan dhallintii uga waramay waxa igu dhacay, waxa aan tusay nabarka wayn ee wajiga igaga yaala, balse waa niman bislaaday, sidii cadada u ahayd waa la igu qoslay waana la iga maadaystay, sababta oo ah nin aanay arrintan oo kale kusoo dhicin ma jiro.
Asxaabey waxaan idiin sheegayaa wakhti badan oo an ka yarayn 5 shan bilood ayaan markan jooga Liibiya, waxkasta oo igu dhaca waan u dulqaatay waayo aniga ayaa ka imi oo kasoo cararay waddankaygii aan sharafta iyo cisiga ku lahaa, shaqo kasta oo la ii diro waa aan qabtaa, qofkii aan lacag ka helo waa aan ka qaata, kii aan lacag ka waayana waxaan idhaahdaa nabadeey oo naftayda ayuun baan kala cararaa.
Shaqadii aan qabanayay ha iska xumaatee waxa aan ka heley lacag aad u fiican kuna filaanaysa tahriibkayga badda, waxa aan qoondeeyay kuna tashaday in aan u diyaar garoobo fuulitaankii doonta, aniga oo iminka khibrad badan u yeeshay qaabka looga tahriibo Liibiya dhammaana kala wada bartay Mukhalasiintii wax tahriibinaysay.
Akhristaw halkaasi marka ay sheekadu marayso ayaa waxa aan waydiiyay dhibanaha dhallinyarada ah, madaama waxaas oo dhibata ah aad soo martay isla markaana aad hadda dareemayso in ay kuu hadhsan yihiin kuwo kale suura gal ma tahay in aad iska joogto oo aad waddankaaga ku noqoto? Waxa uu igu jawabay.
Maya….maya taasi wax dhici kara maahan, waayo yoolkii iyo guushii aan ku hamiyayey waxa iga xigta oo kaliya badwayntaasi Isha Allaah iyadana waxa aan rajaynayaa in aan ka gudbi doono.
la soco qaybta 7 aad.
Qofkasta oo sheekadan qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconayaa barahayga hoos ku qoran:-
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar