Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wefdi uu horkacayo ayaa waxay u baqooleen labada dal ee Jabuuti iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).
Socdaalka Jabuuti, Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefdiga weheliyaa waxay kaga qaybgalayaan caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee dib loogu doortay xilka, kuna qabsoomaysa xarunta dalkaasi ee Jabuuti Axadda, 08/05/2016.
Ka-qaybgalka Madaxweyne, Axmed Maxamed Siilaanyo ee caleemo-saarka walaalkii Geelle, waxay ka dambaysay martiqaad rasmiya oo ay Madaxweynaha u soo gudbisay Dawladda Jabuuti.
Booqashada Madaxweynaha iyo wefdigiisa ee Imaaraadka, waa booqasho rasmiya, waxaana martiqaadka u soo diray, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Raiisal Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta, ahna Xaakimka Dubai, Amiir Muxammed Bin Raashid Al Maktuum.
Isutagga Imaaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka dhexeeya xidhiidh cuddoon, muddooyinkan dambana sii xoogaysanaya, dan-wadaagga ganacsiga iyo dhaqaaluhuna yahay halka ugu sarreysa xidhiidhkaasi.
Socdaalka hadda ee wefdiga Madaxwaynuhu gadhwadeenka ka yahay yoolkiisu waa imaaradda Dubai, midhaha ka dhasha kulanka labada geesoodna, waxa diiraddiisu saarnaan doontaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, gaar ahaan Saaxil, siiba magaalo marseedkeenna Berbera, oo la doonayo inay xuddun u noqoto isku xidhka Gacanka Carabta iyo Bariga Afrika, marsooyinka gobolkana la tartanto ama ka horreyso. Waxa wax laga qabanayaa, haddii Allah yidhaahdo, korontada Magaalada Berbera, madaarka, kastamada, dhinaca Dalxiiska, shaqo abuurka, tababarro shaqaalaha Dawalddu ka heli doonaan Imaaraadka, kuna jirto kordhinta maamul wanaaggu, iyo guud ahaanba mashaariic lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.