Guddoomiyaha Kulmiye iyo wefti waxay wacyigelinta Diiwaangelinta ah ku mareen afar degmo oo Maroodi-jeex ah

????????????????????????????????????

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa socdaal la xidhiidha wacyigelinta diwaangelinta codbixiyayaasha ku soo maray degmooyinka Laas-geel, Cadaalay, Sabowanaag iyo Sallaxlay ee bariga iyo koonfurta Gobolka Maroodi-jeex ee hirgelinta kaadhka codbixintu ka socoto hadda.

Weftiga uu horkacay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa waxa ย ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir โ€œCukuseโ€, Wasiir-ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi, Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Rashiid Nuur, madaxda sare iyo saraakiil ka kala tirsan xisbiga iyo xukuumadda, waxay socdaal qaatay muddo laba maalmood ah waxay kormeer dhiirrigelinta qaadashada kaadhka ah ku gaalaa bixiyeen deegaannada hoos yimaada afarta degmo ee ay mareen, iyadoo bulshada ku dhaqan jiidahaasina si ballaadhan u soo dhaweeyeen weftiga, isla markaana waxa goobo fagaareyaal ah kala hadlay masuuliyiinta booqday oo uga warramay faaโ€™iidada is-diiwaangelintu u leedahay deegaamadooda iyo guud ahaan Qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo muhiimada diiwaangelinta ka hadlay shacabka degmooyinka uu maray, waxa uu sheegay in diiwaangelintu tahay xuquuq shakhsi iyo mid qaran oo saaran muwaadin kastoo Somaliland ah, isagoo uga digay dad uu xusay inay shaki ku abuurayaan is-diiwaangelintan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

ย โ€œQofka leh maanta yaan la is diiwaangelin oo doorasho ha galina waa Somaliland diid, waxa weeye Somaliland yaanay jirin, xukuumaddeedu yey jirin, waxaana laga yaabaa halkii aynu ka xorownay inuu dib inoogu jiidayo oo qaar badan baa taa ku soo gabbanaya, waayo qofkaasi wuxuu leeyahay ha tashanina, taasina waa dawlad ha yeelanina oo macnaheedu yahay kala yaac iyo fowdo gala. Qof waliba waa u xor xisbiyada ka uu dooranayo kii ay isaga la noqoto inuu dalka u roonyahay, maanta uma soconno olole ee waxaynu dhisaynaa qarankeenna oo wax innaga wada dhexeeya ayeynu ka wadahadlaynaa oo ah kaadhka aynu qaadano, dalkeenna aynu dhisanno, madaxdeenna aynu dooranno.โ€

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

โ€œMarkay diiwaangelintu dhammaanto haddii Alle yidhaah ee ololuhu bilaabmo ayaanu idinku soo noqon oo nin waliba wuxuu wado iyo wuxuu wax ku doonayo ayuu sheegi, markaasaa la kala shirrabi ragga, kolkaa qof waliba ka uu ku qanco ayuu codka siin doonaa.โ€

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde oo ka mid ahaa weftigaasi, ayaa shacabka reer Somaliland ku boorriyey in ay ka qayb qaataan diwaangelinta, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaa maalintii aad miisaami lahaydeen cidda idin hoggaaminaysa, sidaa awgeed idinkoon wax kale ku raacin waa in aad ku raacdaan miisaanka uu leeyahay qofka innaga hoggaaminayaa oo aanay wax kale idin duwin, markaynu madaxdeena kala dooranayno waxaynu u baahannahay in aynu qofka baadhno oo aynu nidhaahno ebel muxuu yahay, muxuu soo qabtay, ma nin adhigiisa raacda ayuu ahaa, ma dukaanleh ayuu ahaa, ma nootaayo ayuu lahaa? Waxyaabaha aynu maanta ku faanayno ee ah in xornimadii dalkeennii soo noqotay, inkastoo anigu aan yar habsaamay, raggii soo xorreeyey ee u soo halgamay ee naftooda u soo huray ee sharaftii innaga luntay lixdankii ku dagaallamay ee maantana madaxda ka ah, berrina qordinaya inaad dadka u eegtaan kitaabkaa qoran ee Somaliland ah ayaa loo baahanyahay, in nin waliba weelka uu bulshadan u dhigtay sow in wax loogu rido maaha, haddaynu mid moqorafad halkan ka soo qaatay eenโ€ฆarrinteenu maaha inay noqoto anigana dhiisha ii qabo.โ€

Sidoo kale, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir โ€œCukuseโ€ ayaa u soo jeediyey reer Sallaxlay in ay u diyaargaroobaan sidii ay u dooran lahaayeen murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxaad maqli jirteen madaxweynayaal la yidhaahdo dhab-libaax bay ku seexdeen, haddaba Muuse Biixi dhabtii hooyadii ayuu xalay (Jimcihii) ku seexday, Sallaxlay buu seexday, mana jiro guddoomiye xisbi oo idinkoo is-diiwaangeliyana idinla seexday oo yidhi waan idiin dub-jirayaa oo waxaan idinu dhiirrigelinayaa inaad is-diiwaangelisaan, codkaana isagaa iska leh oo tacab baa ka galay. Meel baniโ€™aadam ku ammaan helo oo uu ku nasto oo uu ku farxo oo uu naxariis ka helo waxa ugu wanaagsan dhabta hooyada, Muuse-na hooyo ayeynu u nahay.โ€

Ugu dambayntii, Muuse Biixi ayaa ka mahadceliyey taageerada ay la barbar-istaageen reer Sallaxlay oo uu sheegay in uu horeba u tirsanayey codkooda oo uu ku faanayo.