Maalgashi dibeddeed waxa lagu macneeyaa dhaqaale waddan uu geliyo waddan kale si uu kaalin lahaansho ugu yeesho shirkado ka dhisan ama hanti kale, waxa sidoo kale lagu macneeyaa in ajaanibku kaalin ku yeeshaan maamulka maalgashigooda.
Xilligan waxa dunnida ka jira nidaam la yidhaahdo edegayn (globalization) taasoo, shikaddaha waaweyn baddi maalgashadaan wadamo kala duwan. In badan ayaa maalgashiga wadamada kale u aragta talaao haboon iyo ilo lagu gaadho horumar dhaqaale.
Mowduuceena maanta waxaan jeclahayn in aan ku kor xaadiyo baahida dalkeena Somaliland marka loo eego iyo maalgashi dibeddeed isugu xidhmi karaan ama ka dhexeyn karta iyo sida aynu ku soo jiidan karno ama lagu heli karo.
Ta u horeysa, sida ilmahu ugu baahan yahay koriinka ayaa wadan walba koritaankiisu ku xidhan yahay helitaanka maalgashi, gudahiisa ama dibadiisa haka yimaadee, dhabna maaha, ama sida dadka inta badan u haystaan in wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo keliya u baahan yihiin maalgashi dibadeed, balse wadan walba mid qanni ah iyo ka dhaqaalahiisu hooseeyo, labaduba way u baahan yihiin, haba u sii kala baahi bataane, Maraykanka oo maanta dunnida la yidhaahdo wuu u horeeyaa dhaqaalaha iyo wadanka Somaliland, baahiyaadkooda maalgashi dibadeed waa isku mid, ama mid walba wuu u baahan yahay, aynu nidhaahno, laakiin Somaliland ayaa uga sii baahi badane!
Haddaynu isla garanay in baahida dalkeenu u qabo helitaanka maalgashi dibadeed balaadhan tahay, maxaa loo baahan yahay talaabooyin inaynu qaadno, si aynu u gaadho hadafka aynu leenahay? Waxaan odhan karaa, waa dhinacyo kala duwan, ama waajibaad laga doonayo inay ka soo baxaan, haba ugu horeyso bulshada iyo xukuumadu, si loo helo maalgashi dibadeed.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa, haddalna la kala odhan og, Ilaahayna la kala baryi badan! Macno weyn ayey xambaarsan tahay odhaahdani, oo haddaynu u dhaqaano faahfaahinteedu aynaan ka baxayn, balse haddanu kaga soo koobsano, macnaha aynu ka qaadan karno marka aynu ka hadlayno maalgashi dibadeed, waa inaad diyaarsato qorshahii aad hadafkaaga uga dhaadhicin lahayn cidda uu kaaga xidhan yahay, tusaale waxa inoogu filan, dabayaaqadii sannadkii dhamaaday, saddex nin oo hogaamiya Puntland, Jubaland iyo dawlad goboleedka Soomaalida Itoobiya ayaa kulan la yeeshay madaxda xukuumada dhexe ee Itoobiya, keliya qorshahiisu ahaa sidii dalka Itoobiya maalgashi ugu samayn lahaa dekeda Kismaayo, hadda, ogow, saddexda nin ee is-raacay, waxay ka soo kala jeedaan saddex meelood, balse waxa mideeyey waa qorshe faa’iido u yeelanaya mustaqbalka hadday ku guulaystaan ummada ay metelaan, ama u dhasheen!
Haddaba, maxaa la gudboon bulshadeeda iyo xukuumadeena si aynu u gaadho hadafka aynu leenahay ee helitaanka maalgashi dibadeed, waa in bulshadeenu fahamtaa, isuna diyaarisaa dhinac walba, xag aqoon iyo xag dhaqan-ba sidii aynu ku gaadhi lahayn, ama si kale haddaynu u dhigo, ay ka koraan fahamka qabiilka iyo jahliga odhanaya deegaankii reer hebel ama ama…, ilayn taasi meel ma gaadhsiinaysee, isla markaana ogaadaan, in wadajir aynu horumarka iyo maalgashiga aynu doonayno, sida dunnida kaleba wadan walba ummadiisu hore ugu soo gaadhay, ama wakhtiganba ugu fikirayso inay ku helo, innaguna ugu raadino, waxaanan qabaa, waxaynu ku gaadhi karaa, marka inta aqoonta leh ay u kacaan.
Sidoo kale, xukuumada Somaliland wakhtigan xilka haysa, ama kuwa dambe iman doona, mid walba waxa waajib ku ah inay ku dedaasho sidii dalku u heli lahaa maalgashi guddo iyo dibadeed- labadaba, si looga dhabeeyana u diyaarisaa saaxadii iyo shuruucdii ku haboonayd ee lagu dhaqi lahaa, kana baxdo fahamka cidd gaara ah oo wax loo xidho hadday noqoto, ganacsi ama arrin kale, laakiin waxa waliba u soco madaxbanaani, (free market) ama habka tartanka, taasoo dalka iyo dadkaba faa’iido ugu jirto.
Maanta, waxaan qabaa in furaha innoogu horeeya ee maalgashi dalkeenu helaa ka bilaabi karno inuu yahay wadamadda Carabta, gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta oo u muuqda mid xiiso weyn u qaba inuu maalgashi ku sameeyo dalkeena, ka dib markii dedaalo badan ay geliyeen ama ku gaadhnay siyaasada furfuran ee xukuumada wakhtiga tallada haysa u dhigtay iyo wakiilka inoogu xilsaaran dalkaasi ka geystay ku suurtowday, fursad weyna u ah dadkeena iyo dalkeena inaynu ka faa’iidaysano.
Xeerka Maalgashiga dibadeed ee Somaliland samaysay waxuu faahfaahin ka bixinayaa kalsoonida la siinayo dhamaan shaqsiyaadka iyo wadamadda doonaya inay maalgashi ku sameeyaan dalka, taasoo sharciyan xukuumadu awood u leedahay inay diyaariso, maadama ay masuul ka tahay dalka iyo kheyraadkiisa meel kastoo uu ku jiro.
Qodobka 4aad ee xeerka maalgashiga oo ka hadlaya meelaha muhiimada koowaad u leh dalka in maalgashi lagu sameeyo ayaa u dhigan;
In si fiican looga faa’iidaysto aqoonta dadka iyo kheyraadka dalka, la keeno wershado tiknoolojiyada cusub oo la jaanqaadaya wacyiga dalka, in la isku miisaamo koboca iyo maalgashiga gobolada dalka iyo nidaamka dhaqan dhaqaale ee bulshada, oo meelo ama gobolo gaar ah aan lagu koobin maalgashiga, sida beeraha, xoolaha kaluumaysiga, baadhitaanka macdanta.
Sidoo kale dhinacyada maalgashiga u baahan ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin dalxiiska, taasoo aan saamayn ku yeelan dhaqanka, dhaqaalaha, iyo xaaladaha maalgashigu, ama noqon kuwo keena ama horseeda wax ka baxsan dhaqanka iyo diinta.
Qoddobka 12 ee xeerka maalgashiga dibadeed waxuu dhigayaa in dhamaan shirkadaha ama wadamada maalgashi dibedeed samaynaya inay helaan jawi macaamil ama loola macaamilo sida kuwa dalka laga leeyahay.
Sidaynu hore u sheegnay, wadamadda caalamka mid walba waxuu u baahan yahay maalgashi dibedeed, siddaynu ugu baahan nahay, isla markaana u diyaarsadaan shuruucdii u sahli lahaa in lagu soo dhiirado, haddaynu tusaale u soo qaadano dalka Imaaraadka Carabta oo aynu baahi weyn u qabo inuu maalgashi ku samaysto dhinac kastoo dalkeena ka mid ah hadday noqoto, ayaa laftoodu si dalkoodu u helo maalgashi waxay u diyaariyeen xeerarkii iyo shuruucdii sahli lahaa, sababaha kugu khasbaya inaad maalgashato dalka Imaaraadka Carabta, waxa ka mid ah:
- Ma jirto cashuur laga qaadayo shirkadaha (marka laga reebo shidaalka, baananka iyo shirkada caymiska) iyo shaqsiyaadka.
- Dalka oo ku yaala goob muhiim ah, oo isku xidha dalalka Gacanka, Iran, Qaarada Aasiya iyo Barriga Dhexe.
- Dalka waxa jooga shaqaale qiimo jaban, gaadiid iyo kaabayaal wax soo saar.
Ugu dambayn waxaan kaga baxayaa mowduucan si aynu u gaadhno horumar dhaqaale oo dalkeena iyo dadkeenu helaan, waa inaynu wadajir xukuumad iyo shacab ugu diyaargarownaa inaynu ka wada shaqeyno, ilayn gacmo wadajir ayey wax ku gooyaane.
Waxa Qoray: Maxamuud Cali Sheekh Maxamed “Walaaleye”