Faalada falanqeeye Mike Anderson ee heshiiska Somaliland iyo Taiwan (WT: Ahmed Adam)

Tifatiraha Joornaalka The Guardian ee ka soo baxa Ingariiska Mike Anderson,kana warbixin jiray Mashruuca Dambiyada Abaabulan iyo Musuqmaasuqa ( Organized Crime and Corruption Reporting Project ) ( OCCRP ) ayaa isaga oo u waramaya ( The Guardian ) sheegay in Somaliland ay dabcan ka cadhaysiinayso Shiinaha.

Laakiin waxa uu sheegay in ay jiraan siro badan oo aan la ogayn oo ay ogyihiin oo kaliya Somaliland,Taiwan iyo Maraykanka.
Sirahaas oo ah ( Classified Documents ).Isaga oo sii wada hadalka ayaa waxa uu yidhi Editor Mike Anderson hadalkan hoose:

” Somaliland waxa ay noqotay wadanka labaad ee Africa oo la leh xidhiidh diploomaasi Taiwan,taasna waxa ay ka cadhaysiisay Shiinaha.
Swaziland oo ah wadan la samaystay xidhiidh Taiwan,waxa Shiinaha uu isku dayay in uu lacag badan oo aan dayn ahayn uu siiyo Swaziland,kana sameeyo mashaariic,laakiin Swaziland waa ay diiday,Shiinahana waa uu ka leexday Swaziland.

Laakiin arinta Somaliland waa ay ka duwan tahay Swaziland oo magaceeda cusub uu yahay eSwatini,kadib markii ay magaca badashay April 20,2018.Sababta Somaliland xidhiidhkeeda Taiwan ay uga xanaajinayso Shiinaha ,warwarna ku abuurayso ayaa ah in Somaliland ay ku taalo Gacanka Cadmeed”.

Waxa ay saarantahay afka hore ee ( Babel- Al Mandeb ) oo ah jid weyn oo dhinaca badda ah,waxana mara Maraakiibta isaga goosha aduunka saddex meelood hal qayb 1/3.
Sababtaas, ayaa waxa ay Somaliland siinaysaa in ay soo jiidato dawladaha kale,oo ay kusoo jiidato ganacsi cusub iyo heshiisyo horimarineed.

Hadaba cabsida Shiinaha ayaa ah in hadda loo soo jirsaday 150mile oo kaliya marka aan eegno inta ay isku jiraan Berbera oo ku taala Somaliland iyo wadanka yar ee Djibouti.
Shiinaha oo samaystay ( The Road and Belt Initiative ),xerada kaliya ee militari ee Afrikana ku leh Djibouti ayaa uu ka dhaxeeyaa dagaal ganacsi Maraykanka,Taiwanna waa saaxiibka koobaad ee Maraykanka.

Shiinaha awood kuma muquunin karo Taiwan ama ma qabsan karo Taiwan,sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.Hadalo u ekaa hanjabaad oo ka timid Safaaradda Shiinaha ayaa hadda u eg mid isu badashay codsi uu Shiinuhu weydiisanayo Somaliland in aanay u ogolaanin Taiwan in ay la gasho heshiis,Shiinahana uu Somaliland ka taageeraayo dhinacyo badan.

Maraykanka iyo wadamada Nato ayaa iyagana ku dhiiri galinaya Somaliland in aanay ka noqonin heshiiska Taiwan oo ay ucadeeyeen in dano badan ay ka helayso Somaliland.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday madaxbanaani May 18,1991 laakiin ilaa hadda ma jiro wadan aqoonsaday,laakiin talaabada ay qaaday Somaliland ayaa badali karta xili kasta aqoonsi la’aantaas.

Published by: Mike Anderson
Posted by: Ahmed Adam
Translated by: Ahmed Adam
Monday,July 6,2020