Qof kasta oo raba in uu wax ka ogaado taariikhda dunida waa in uu fahmaa kaalinta Masar ay ku leedahay taariikhda ama sooyaalka dunida. Masar waa meesha ay iskula falgaleen taariikho badan oo dunida soo martay, taasoo ay kala lahaayeen dadyaw kala duwan, kuwaas oo kala diin ahaa, kala dhaqan ahaa ama kala jinsiyada ahaa.
Waxay Masar caan ku tahay qoysaskii Faraacinada ahaa ee xukumi jiray; waxay caan ku ahayd Giriigii markii danbe qabsaday, kuwaasoo ay ka danbeeyeen Romans kii oo iyaguna xukumayay Masar tan iyo intii Muslimiintu furanayeen. Marka aad isku darto waxay Giriigga iyo Romansku xukumayeen waqti ku dhaw 1000 sano ama 10 qarni. Waxa la yaab leh in Masar ay xukumayeen inteeda badan dad aan u dhalan waddankaas, gaar ahaan intii Faraacinda ka danbaysay.
Xataa intii Muslinku qabsaday waxa xukumayay inta badan dad aan ka soo jeedin dadka reer Masar; Alla shacbigu dulqaad badanaa; waa dad aad u sabir badan!!; waxa ka sii daran in muslimiinta xukumaysay iyo shacbiga Masar aanay isku madhab ahayn xagga caqiidada iyo xagga fiqiga labadaba; matalan waxa in badan xukumayay Faadimiyiintii oo shiico ahaa; xataa qoyskii Maxamed Cali Baasha ee u danbeeyey oo muddo dheer kala dhaxlayay xukunka waxay ahaayeen Calawiyiin, dhalasho ahaana waxay ka soo jeedeen Yurub, gaar aaan waddanka Albania; waana qoyskii gumaysiga Ingiriisku ugu yimid iyagoo Masar xukumaya horraantii qarnigii 20 aad; waxa cajiiba ah in dadka reer Masar ay ahaayeen Ahlu-sunna xagga caqiidada, isla markaana ah saaficiyiin xagga fiqiga. Waxa la yaab leh sida aanay saamayn ugu yeelan dadkaa ay kala madhabka ahaayeen ee xukumayay qarniyadaas faraha badan!!
Quraanku wuxu aad uga hadlay Muse iyo Fircawn; ma jirto qiso Quraanku soo celcleliyay sida uu u soo celceliyay Qisadaa iyada ah. Maxaad u malaynaysaa in ay sababtu tahay?! Waqtigaa Nabi Muse la so diray waa 1200 BC ama dhalashadii Nabi Ciise horteed. Waxa aad fahmi kartaa marka aad taariikhda daristo in waqtigii Nabi Muse uu ahaa waqtigii xaddaaradda bani’aadamku ugu sarreysay, taasoo Faraacinadu ay gaadheen ilbaxnimo aad u sarreysa, oo nooceeda illaa maanta aynaan gaadhin innaga oo nool qarnigii 21 aad dhalashadii Nabi Ciise dabadii; marka aynu sidaa leenahay waxan u jeednaa xagga xaddaradda maadiga ah.
Waxa la odhan karnaa xaddaaradda maanta bani’aadamku gaadhay qarnigan 21 aad iyo tii Faraacinada wax u dhaxeeyey oo lagu sheegi karo ilbaxnimo may dhicin, bal aadamuhu dib ayuu u noqday, cilmiga iyo xaddaaraduna way lumayeen kolba, oo bani’aadamku kolba hoosta ayuu ka soo bilaabayay!!
La soco
Abdo; taariikhda, diimaha iyo falsafadda (classics)