Faallada Buugga ‘ Samaha Islaamka’ (Wq: Cabdirasaaq Sandheere)

Faallada Buugga ‘ Samaha Islaamka’

Hordhac

Waa dhigane aad u kooban. Waxa uu ka koobanyahay 66 bog. Waxa Af Carabi ku qoray Axmed Binu Yuusuf; waxaana Af Soomaali u turjumay Mustafe Faynuus. Daabacadda asalka ahi muddo hore ayay ahayd; balse ta Af Soomaaligu waxa ay soo baxday Abril, 2021ka. Waxaana daabacday, oo faafisay Madbacadda Qalinmaal, oo ah Madbacad waayadan danbe qaadhaan badan ku soo biirisay Maktabadah Soomaalida.

Buugyaruhu wuxuu xoogga saarayaa wanaaga, iyo samaha Islaamka guud ahaan. Gaar ahaanna waxa uu soo bandhigayaa meelaha laga eegi karo wanaaga Islaamka. Wuxuu tusaalayaal badan u soo qaadanayaa samaha Islaamka. Waxa aan isku dayi doonaan in aan si kooban nuxurkiisa u soo koobo, oo u guudmaro.

Nuxurka Buugyaraha

Buugyaruhu wuxuu leeyahay habraacyo la xidhiidha Islaamka. Habraacyada la xidhiidha Samaha Islaamka waxa ka mid ah kuwan:

  • Aragtida Guud ee la xidhiidha Aadanaha, Arlada iyo Jiraalka: Diintan ma fahmayno wanaagyadeeda, lamana gaadhayo quruxdeeda, illaa oo la gaadho aragtida guud ee arlada iyo jiraalka mooyaane. Intaas oo keli ah maaha e waa in la gaadho aragtida ku jirta dunida, aakhirada, aadamaha, iyo sababta ka danbaysay jiritaankiisa arlada. Garashada muuqaalka guud ee Islaamka laga haysanayaa waxa ay baadhaha u fuduydinaysaa in uu fahmo aragtida tiirarka uu ku joogo iyo qaacidooyinkiisa.
  • Fahanka Xaqiiqada Cibaadada ee Islaamka Dhexdiisa: Samaha Islaamka lama garan karo illaa ay dhammaystirmaan fahanka laga haysto xaqiiqada ku jirta ilaah Caabudka. Aragtida laga qabo cibaadaysiga Islaamka ee ah in uu yahay falal iyo cadaadisyo ka madhan hoggaansanaan qalbi ah, isu dullayn, iyo jaceyl Ilaahay loogu dhawaanayo, ama in uu yahay cabsi, baqasho, anfariir, iyo naxdin aanay la socon jaceyl iyo rejo ama in uu yahay jaceyl, gebagebo, kalgacayl aan haybad lahayn, hoggaansanaan iyo cabsi ilaaha la caabudayo loo qabo, waxaas oo dhami ma keenayaan fahanka dhabta ah ee ku aaddan qaddiyadda cibaadada ee islaamka dhexdiisa.
  • Samaha Islaamka ee KU Jira Xujooyinka: Waxa ugu mudan ee joojiya qofka eegaya una fiirfiirinaya wanaagyada Islaamka, quruxdiisa, wanaaggiisa, iyo dirsoociisu waa eegidda xujooyink sugaysa saxnaantiisa marka la barbardhigo fekrad wal oo kaste oo ifka ka jirta.
  • Caqiido Caddaata Islaamka ee ku aaddan abuuraha: Lama soo helayo dhaxal ummad ka mid ah dadyowga diinaha haysta oo ay ku jirto waynayn Eebbaha loo sugayo iyo xumoxoorid iyo waxwalba oo aan u habboonayn sida looga helayo Quraanka.
  • Dheellatirka Cusboonaysiinta: Dheellitirka, dhexdhexaadnimada iyo garsooridda ay ku sifoobaan dadka xanbaarsan fekrado cusub oo kuwii hore burburinaya waa arrin culus; sababta oo ah waajihidda fekradaha duugoobay ee weli ay ku sii dhegganyihiin kuwii haystay iyaga oo og kuwan ka soo hirjeedaa inay buriyeen iyo xilligii ku habboonaa qaadasheedu oo laga gudbay, waxay qoladaa fekradda cusub sidaa ku qalqaalisaa marka ay xaaladdani taagantahay buunbuunin ay kuwooda cusub siiyaan, sidoo kalana ay ku talaxtagaan ka falcelinta fekrad iyo falkasta oo taas hore ku abtirsada. 

Dhalliisha

Buugkasta oo la akhriyaa waxa uu yeeshaa bogaadin iyo dhalliil isku sidkan, ama mid ahaan ba. Buuggani bogaadin badan wuu mudanyahay, waanan bogaadinayaa sida wanaagsan ee loo qoray, waxa aan se arkaa inay jiraan dhalliilo kooban oo dabcadda labaad in la saxo ay wanaagsantahay. Waxa ka mid ah:

  • Habdhaca Turjumaadda jumladuhu aad iskuma haystaan: Marka aad u fiirsatid turjumaadda buugyaha meelaha qaar u jeeddada looga jeedo aad uma fahmaysid, meelaha qaarna maba fahmaysid. Waxa fiicnayd dhinacas fahanka akhristayaasha inuu qoraagu ka soo dhaweeyo, oo uu turjumaadda soo yara dhaweeyo.
  • Erayo la ilduufay: Meelaha qaar waxa jirta eraygu qaldanyahay, taasina way dhacdaa, se waxa aad mooddaa inay yara badanyihiin. Marka labaad ee la daabacayo waxa aan soo jeedinayaa in loo fiirsado qaabka erayada loo qoray.

Gebagebo

Waa buugyare aad u kooban, balse nuxur aad u ballaadhan ka warramaya. Mawduuc xilligan loo baahanyahay ayuu qaadaadhigaya. Qofkasta waxa aan kula talin lahaa inuu jadwalka ku darsado oo mar uun uu akhriyo.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

09 May, 2021.

Boorama, Awdal

cabdirisaaqsandheere12@gmail.com