Hordhac
Buuggan aynu maanta faallaynayno waxa la yidhaahdaa “ Xasuusihii Guwaantanaamo.” Cinwaan hoosaadkiisuna waa “ Markhaatiga Maxbuus Hore.” Waxa luuqadda Carabiga ku qoray Mudane Waliid Maxamed Xaaji, oo ah qoraa iyo aqoonyahan wayn. Waliid, waxa uu ku dhashay dalka Suudaan, gaar ahaanna caasimadda Khartuum. Markii uu dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare wuxuu ku biiray Kulliyadda shareecada, balse duruufaha nololeed ayaa u saamixi waayay inuu jaamacadda sii wato. Dalka Baakistaan ayuu tagay sannadkii 1999kii, haddana waxa uu uga sii gudbay Afgaanistaan isaga oo ku biiray ururka dhaqdhaqaaqa Daalibaan. Markii muddo laba sano ah uu ka ag dagaallamayay ururka Daalibaan ayuu markale go’aansaday inuu ku laabto dalkiisii Suudaan si uu u guursado, balse, dhacdooyinkii 11kii Sibtanbar ayaa dhacay. Waliid, waxa uu hadda ku noolyahay dalka Suudaan. Waxa luuqadda Af Soomaaliga ku turjumay Cabdicasiis M. Iimaan.
Buuggu waxa uu ka hadlayaa xasuusaha uu qoraagu kala kulmay jeelkii dadqalka ahaa ee uu muddada badan ku xidhnaa. Waliid intii uu jeelka ku jiray maalinna qorshaha kuma darsan in uu sii noolaan doono marka loo eego wixii uu la kulmay ee uu indhihiisa ku soo arkay. Wuxuu ahaa nasiib badane waqtigu u hiiliyay.
Buugga si guud ayaynu u dulmari doonaa waxa uu ka warramayo.
Nuxurka Buugga
Qoraagu waxa uu xusayaa dagaalkii qalcadda oo ahaa toddoba maalmood. Qalcaddu maxay ahayd, bal aynu yara sifayno oo faahfaahin ka bixinno qalcaddu waxa ay ahayd. Qoraagu isaga oo sharraxaya qalcadda waxa uu inna leeyahay: “ Waxaannu u soo dhawaannay Qalcadda dheer oo cirka isku shareertay. Waxa la dhisay shan boqol oo sano ka hor. Waxa ay leedahay darbiyo dhaadheer oo ballaadhan, kuwaasi oo ballac dartii kaaruhu dul socon karo. Waxa hoosteeda ah biyamareen. Waxayna ka koobantahay dabaqyo dhulka hoostooda ah, iyo qolal. Waa qalcad ciidan oo dagaal loo diyaariyay, oo waxa ku yaalla meelo hubka lagu kaydiyo…”
Toddobadaas maalmood aynu xusno sida jawiga iyo xaaladdu ahayd:
- Maalintii 1aad: Ciidankii iyaga oo dabaqa sare jooga waxa ay naga codsadeen in aannu laba laba u soo baxno. Waxaannu cabsi ka qabnay in qorshaha qolyaha carbeed lagu garto, balse, waxaannu ku fekernay in midkasta oo carbeed uu raaco Baakistaani ama Afgaani. Dadka si adag ayaa loo garaacayay, waxkasta oo aannu haysannana waa nala qaaday sida saacadihii, boorsooyin, lacag, kabo, cumaamado, muraayado, iyo dharka dhaxanta laga gashado, kaliya waxa na loo reebayay dhar cawrada astura. Qofka labadible ayaa loo xidhayay. Dagaal baa socday, oo rasaasta ayaa qofka si fudud ugu dhacaysay.
- Maalintii 2aad: Habeen hore oo dhan dagaalladu may kala joogsan, waxaannu iska dhicinaynay diyaaradaha Maraykanka. Waxaannu isku qaybinnay kooxo Baakistaani ah, Osobaakistaani IWM. Dagaalkii ayaa bilaabmay, diyaaradihii Maraykankuna waxa ay bilaabeen inay na duqeeyaan, walaaluhuna waxa ay kaga gabbanayeen darbiyada dhaadheer ee Qalcadda hoostooda. Markii dagaalku ka bilaabmay Qalcadda ee Maraykanka afar laga dilay waa ay ka baxsadeen, Subaxnimadii goobtii waxa yimid Ururka Bisha Cas iyo Telifishanka CNN oo sawiraya sida dagaalku u socdo, tiiyoo rasaastu dhankasta ka imanayso. Telifishanka CNN, wuxuu soo saaray Filin xaqiiqo ah, taasi oo maydadku daadanayaan, jidhkooduna laf iyo jiidh u kala baxayo.
- Maalintii 3aad: Barxaddii qalcaddu waxa ay noqotay bannaan aan cidina ka dagaallamin. Cadawgii waxa uu ururiyay maydadkii uu maalintii hore ku laayay barxadda qalcadda iyo hilibkoodii ku daadsanaa , waxayna ku gureen qawaadhi waawayn, qalcadda debaddeeda ayay la tageen. Intay saf u dhigeen ayay sawirro ka qaateen ka dibna god wayn ayay ku gureen oo ay ciidda ku rogeen. Sababta sidaa loo samaynayay waxa ay ahayd si barxadda qalcadda loogu faaruqiyo kuwo dabaqa hoose ee qalcadda ku jira. Tirada ku jirtay dabaqa hoose ee qalcadda waxa ay ahayd illaa laba boqol oo qof, kuwaasioo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac qaarkood lugaha iyo gacmuhu go’anyihiin. Halka kuwo kalana rasaastu caloosha ka gubtay. Maalintan waxa aan yara dareemay waxoogaa firfircooni ah, waxaanan dhex socday maydadka iyo dhaawaca, iyada haddana aannu xanuun iga maqnayn.
- Maalintii 4aad: Waxa aan saacado ka dib iftiinka yar ee daaqadda ka soo gelaya ku ogaaday in aan galnay maalintii afraad ee dagaalka. Waxa aan arkay wax ka soo rogmanaya kaabadda sare oo xaggayaga ku soo dhacaya. Waxa noo dhexaysay masaafo mitir badhkii ah. Waxa ii caddaatay inay tahay banbo gacmeed, aniga oo beerka u jiifa ayaan halkaygii ku qallalay, ilbidhiqsiyo ka dibna way qaraxday.Waxa aan niyaystay in aan dhintay, labada gacmood ayaan wejiga saaray, si aannu wejigu iiga guban. Balse, qarxiyihii uun baa qarxay, banbadii may qarxin, manaan rumaysan wixii dhacay.
- Maalintii 5aad: Weli waxaannu ku jirnaa dabaqii hoose ee qalcadda, cadawgiina waxa uu isku dayayaa sidii uu nooga heli lahaa god daloola si uu nooga takhalluso. Maydadku meelkasta way daadsanaayeen, xataa hadhaaga darbiyada burburay ayay maydadku dul yaalleen, gantaalladuna dhulka ayay ruxayeen. Dabaqa hoose ee qalcadduna waxa uu ahaa mugdi haddii indhaha faraha lagaa gelinayo aanad arkayn. Dhab ahaan, waxa uu ahaa muuqaal argaggax leh oo aan marnaba xasuusta ka baxayn.
- Maalintii 6aad: Maalintan waxoogaa caafimaad ah ayaan dareemay. Waxa aan dhex socday dhaawaca aniga oo xaaladahooda eegaya. Islamarkaas ayuu cadawgu jebiyay daaqad yar oo ku taallay qololka kii ugu waynaa ka dib waxay soo tuureen banbo, halkaana qaar baa lagu laayay. Aniga oo dhaawaca iyo maydadka dhex socda si aan xaaladda dhaawaca ugu kuurgalo ayaa waxaan arkay mid magaciisu ahaa Axmed oo marinka qolka jiifa cidda soo galaysa iyo cidda soo galaysaana ku dul istaagayaan mugdi dartii.
- Maalintii 7aad: Waxa aannu u diyaargarawnay bixitaan. Waxa ay soo direen odayaal da’ ahaan waawayn oo nagu sugayay dabaqa hoose. Wax hub ah may sidanin odayaashaasi. Gacmahooda ayay noo fidiyeen si ay xagga hoose nooga soo saaraan. Waxaannu u soo baxnay iftiinkii maalinnimo. Xaaladdayada bal maxaad ka filanaysaa qof aan toddoba maalmood gadhkiisa iyo timihiisa feedhin, sidoo kale aan jidhkiisa nadiifin, ku dhex jirayna dhoobo iyo qiiqa baaruudda. Muuqayagu waxa uu ahaa mid aan la sifayn karin. Timaha madaxayagu waxa ay ahaayeen sida qodaxda dhiddada oo kale. Ugu danbayn dagaalkii ay hoggaaminayeen dhalintii dullinnimada diidday wuu dhammaaday.
Markii ay dhammaadeen toddobadii cisho ee qalcaddu qoraaga iyo dadkii la xidhnaa waxaa la geeyay xabsiga Shafraqaandi. Inta gaadhi koontaynar la saaray ayaa la qaaday, waxaana laga baddelay dharkii. Ka hor intii aan xabsiga la gelin waxaa lagu qabtay khashaafado.
Waxa kale, oo qoraagu xusayaa in la geeyay Saldhiggii Qandahaar, Diyaarad ayaa lagu qaaday, intii ay diyaaradda sii saarnaayeen aad ayay ugu sii xanuunsadeen, oo katiinado ayaa gacmaha kaga xidhnaa, qaar ka mid ah dareennadii ayaa gacmahooda dhawr bilood ka maqnaa.Markii ay garoonka diyaaradaha soo gaadheen katiinaddii gacmaha ayaa laga furay, dharkiina way ka saareen. Akhriste bal xaaladda dadkaas qiimee oo maxaad u malayn dad qaawan, oo dhaxanta iyo barafkuna aad u daranyihiin, sidoo kalana jooga meel bannaan oo aan dhaxanta celinayn, barbarkaagana uu joogo walaalkaa oo qaawan? Hammiga maxaabiistaasi waxa ay ahaayeen sidii ay cawrada u qarin lahaayeen. Intii ay safarka ku jireen wax cunto ah may cunin.
Ugu danbayn waxaa maxaabiistii la geeyay Xabsigii dadqalka ahaa ee Guwaantanaamo. Meesha uu Guwaantanaamo ku yaallaa waa xeeb. Xeebtaasi waa mid qurux badan. Indhahaagu waxa ay qabanayaan quruxda dabeecadda sida biyaha, hawada, barxadda ballaadhan ee cagaadhan. Balse, quruxdaasi waxaa ku dhex jira saldhigyo qaybsan sida xerooyinka askarta oo ay ku hareeraysanyihiin darbiyo dhaadheer. Dhankasta xabsiga waxa kaga yaalla albaab, ciddii isku dayda in ay gasho geeri ayay isku haleelaysaa. Saldhiggan Guwaantanaamoo waxaa loo aqoonsanyahay saldhig ciidan kii ugu danbeeyay ee Maraykanku ku yeesho Laatiin Ameerika. Wuxuu ku yaallaa xeebta koonfurbari ee dawladda Kuubba. Waxa dhisay Isbaaniska waqtigii uu gumaysan jiray Kuubba. Kuubba iyaga oo adeegsanaya jaarkooda Maraykanka waxaa u suurtagashay inay Isbaaniska ka xoreeyaan muddo hadda laga joogo boqol sano. Markaas oo ahayd 1903dii. Maraykanku isaga oo u manna sheegaya dalkaas jaarkiisa Kuubba ayuu isku dayay inuu ka kiraysto.
Xabsigaas dadqalka ah ee Guwaantanaamo ayaa la geliyay maxaabiistii. Waxaa la geliyay qolal yaryar, dadku way isdul jiifjiifaan. Wuxuu ahaa godad ay ku jiraan masas, dibqalloocyo, iyo rah. Waxaana gaafwareegayay askarta. Qolalkaas dhexdooda waxaa ka reebbanayd tukashada salaadda, istaagidda, dhaqdhaqaaqa, baalladaymoodka iyo in lala sheekaysto maxbuuska kugu xiga. Maxaabiistu iyaga oo isku muuqda oo is arkaya ayay ku qasbi jireen inay maydhaan!
Markasta cadaab iyo ciqaab ayaa u socotay. Maxaabiista xidhxadhani dhinackasta way ka caddibanyihiin, ma helaan xuquuq. Xuquuq dhinackasta oo ay noqoto ma helaan. Adeeg caafimaad ma helaan, qofka xanuunsadaa sida uu xanuunsaday ayuu ku geeriyoodaa. Ma jirto ka naxdo oo wax u qabataa, mana jirto meel uu dawo ka helaa. Xabsigan cidda gashaa nolol wanaagsan way isdayaan oo hanjabaad, dil, jidh’dil, garaacis iyo ciqaab oo dhan ayaa nafta lagaga qaadaa.
Ciqaabta xabsigaa ka jirtay way badnayd. Sida qoraagu xusayo waxa aynu ku soo koobi karnaa dhawrkan ciqaabood:
- Sunta dadka kaga ilmaysiisa: Saraakiisha mooyee maxaabiista meesha ku jirta waxaa lagu buufin jiray suntan dadka kaga ilmaysiisa. Indha ayaa laga buufin jiray, qaarkood indhaha ayay waxyeeli jirtay suntaasi.
- In dil loogu gooddiyo: Maxbuuska waxaa la keenayaa qoka danbibaadhista isaga oo markii meel aan cidi joogin ku xidhnaa, dabadeedna waxaa lagu hanjabayaa in la dili doono oo qudha laga jari doono.
- Cuntoxumo: Maalmo iyo bilo ayaa cuntada laga soo yaraynayaa waxa dhadhanka u yeelaya ee cuntada caadi ahna ka dhiga. Arrintaasi waxa uu maxbuuska u keenayaa in uu dhuubnaado oo miisaankiisu hoos u dhaco.
- Kulayl iyo qabaw: Maxbuuska inta laga soo saaro qol kulul ayaa la gaynayaa qol baraf ah, ama mid qabaw ayaa laga soo kaxaynayaa oo waxaa la ganayaa mid kulul, taasi waxa ay sababaysaa in jidhku la qabsan waayo oo xanuunsado. Dad badan way ku xanuunsan jireen.
- Calanka Maraykanka iyo Israa’iil oo loo xidho maxbuuska: Walaalaha qaar ayuuna arrinkaasi ku dhacay, taasi oo farriin loogu dirayo Carab iyo Muslimiintaba in Maraykan iyo Yuhuud ku amarkutagleeyaan saldhiggan.
- Ku xidhidda meel ka durugsan dadka: Qaabkani wuu soo maray dhammaan maxaabiista ku xidhan xabsigan Guwaantanaamo.
- Sixirka: Waxa ay saldhigga keeni jireen sixroorayaal Yuhuud ah si ay maxbuuska u sixraan, ka dibna uu u dareemo xaalado uu ismoodayo inuu neefqabatoobayo.
- Waysada oo loo diido: qaabka waysada la isaga horjoogsan jiray waxa ay hayd in la xidho qasabadda biyaha ee qolka ku dhex taalla. Gaar ahaan waxa la xidhi jiray marka ay xilliyada salaadda.
- Qaylo iyo muusig: qaabkan waxa la adeegsan jiray marka lagu jiro qolka danbibaadhista, ka dib marka uu danbaadhuhu ka quusto inuu wax xog ah ka helo.
- Sawirro iyo muuqaallo: qaabkani waxa uu ahaa mid lagu degi jiray maxbuuska.
- Jidhdil: Jidhdilku marar badan waxa uu keeni jiray dhimasho.
- Ku jeesjeesidda Diinta: Diinta ayaa lagu jeesjeesi jiray oo Quraanka ayaa lagu hor dullayn jiray.
Maxaa buugga laga baran karaa?
- Xog badan oo ku saabsan sida xabsiyada caalamku yihiin.
- In xabsiyada laga warhayo oo la ogaado inay ciqaab badani ka jirto.
Dhalliisha Buugga
Buugkasta oo la akhriyaa waxa uu yeeshaa bogaadin iyo dhalliil isku sidkan, ama mid ahaan ba. Buuggani bogaadin badan wuu mudanyahay, waanan bogaadinayaa sida wanaagsan ee loo qoray, waxa aan se arkaa inay jiraan dhalliilo kooban oo dabcadda labaad in la saxo ay wanaagsantahay. Waxa ka mid ah:
- Habdhaca Turjumaadda jumladuhu aad iskuma haystaan: Marka aad u fiirsatid turjumaadda buugyaha meelaha qaar u jeeddada looga jeedo aad uma fahmaysid, meelaha qaarna maba fahmaysid. Waxa fiicnayd dhinacas fahanka akhristayaasha inuu qoraagu ka soo dhaweeyo, oo uu turjumaadda soo yara dhaweeyo.
- Erayo la ilduufay: Meelaha qaar waxa jirta eraygu qaldanyahay, taasina way dhacdaa, se waxa aad mooddaa inay yara badanyihiin. Marka labaad ee la daabacayo waxa aan soo jeedinayaa in loo fiirsado qaabka erayada loo qoray.
Gebagebo
Waa buugyare aad u kooban, balse nuxur aad u ballaadhan ka warramaya. Mawduuc xilligan loo baahanyahay ayuu qaadaadhigaya. Qofkasta waxa aan kula talin lahaa inuu jadwalka ku darsado oo mar uun uu akhriyo.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
11 Oktoobar, 2021.
Boorama, Awdal