Faallo: Buugga midabbada qarsoon ee uu qoray Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Mahadin Alle kaddib, waxa aan jeclaystay in aan erey kooban ka idhaa buugga “Midabbada Qarsoon” oo uu qoray Imaam Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, soo na baxay November. 2019.

Waxa aan faker badan geliyay sawir foolka hore ee buugga ku yaal kaas oo ah qof iila eg wiil qadaadka u jiifa oo qoortiisa oo kaliya muuqato wajigiisuna kor eegayo oo madaxiisu xagga sare ka furan yahay, meesha madaxiisu ka bannaan yahay waxa aad mooddaa irrid taasi oo ay shimbiro aad mooddo in muddo meel ay ku xidhnaayeen oo hadda xorriyaddoodii ay heleeni ka duulayaan. Sawirkan wiilka sankiisa waxa ku aaddan qorrax aan ku masanuuniyay in ay godkeedii ugu badnaan saddex saac ka soo maqnayd. Intaa haddaan oogada buugga iyo wixii iiga muuqday ku koobo bal aan hore ugu socda qaybaha kale ee gudaha buugga.

Buuggu mawduucyo waaweyn oo mashaakilaad ummaddeed farta ku fiiqaya idil ahaantood na xilligan taagan ayuu hab male-awaal oo heerkiisu sarreeyo uga hadlayaa, waana hab hor leh oo cabbirka afkaarta waaweyn bulshada loola wadaagi karo oo aad u xiiso badan.

Magaca buugga oo soo jiidasho badan sir na farta ku fiiqaya ayaa ugu horreeya waxyaabaha akhriska buugga kugu riixaya. Sida oo kale, Farshannimo xeel dheer oo qoraagu ku soo gudbiyay dhacdooyin xiiso badan oo waaqici ah ayaa akhristaha ku kallifaya in uu gunaanadka buugga isaga/iyada oo aan dhaadayn gaadho.

Waxa aan la ashqaraaray sida qoraagu buug yarahan noociisu yahay ka jeebka “pocket book” uu ugu soo koobay afkaarta waaweyn waxa aanan u malaynayaa in uu ku jaan-gooyay tamar-darrada akhris ee guud ahaan ummadda (Soomaalida).

Fahanka hummaagyada mala-awaal ee indheer garadnimada aad ka ah u baahan awgood waxa hubanti ah in aan dadka badankoodu si gun-dheer u fahmi doonin farriimaha qarsoon ee qoraagu daaqsinka geel mariyay. Sidaa darteed, ayaan aniga oo aan ka hor dhacayn sharraxa qoraaga waxa aan jeclaystay in aan farta ku fiiqo midhadh ka mid ah mawduucyada buuggu tibaaxay.

Waxa ka mid ah:
โ–ชย Aqoonyahanka dalka oo u badan maxaabiis faker ahaan cid u xidhan oo aan awood u lahayn in ay ummadda kaalin kaga hagaagaan.
โ–ชย Wadaaddo jaah muslin uun leh oo dhuuni-raacnimo majare habaabisay.
โ–ชย Faro-gelinta bulsho ee cadowga shisheeye.
โ–ชย Jacaylka laajinimada ama qoxoontinimada.
โ–ชย Weerarka diinta ummadda ku socda.
โ–ชย Hoggaankeenna sida la innuugu dooro ee aynaan u dooran haddana aynaan u dhaadannayn.
โ–ชย Raadka burburka akhlaaqeed ee ummaddu ka dhaxashay noloshii qoxoontiyadii dadku miciinka bideen.
โ–ชย Wuxuu sawirka bixinayaa xaalkii adkaa ee dhaqan dhaqaale ee ummadda xilligii dalka ay dib ugu soo noqdeen muddo qoxoontinimo ah kaddib.
โ–ชย Isla fal-galka qabiilka iyo hay’adaha dawliga ah.
โ–ชย Haweenka in dibadda loo soo saaro oo ragga la la baratansiiyo.
โ–ชย Kala duwanaanshaha ixtiraamka iyo is ixtiraamka.
โ–ชย Siyaasadda midab kala sooca ku dhisan iyo sida la innuugu qanciyay in madabkeennu fool xumo yahay, kooduna qurux yahay.

Qodobbada kale ee xiisaha xad dhaafka ah leh waxa aan u dhaafayaa akhristaha.

MAHAD ALLE.